agaagase
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaagase
-ha: (magac, lab, keli) wax badan oo la helo, inta yar ee laga baxsho. Agaagase haddaan baxshana, bakhayl baa la igu odhan!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaagse
(Agaagsa-ha)
Qof wax badan helay (hilib; lacag, ...) wax yar oo uu u gooyo kii aan wax helin, ama laga qaado; xoolaha la soo dhaco, waxa laga baxsho; loog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaagse
m.l la-mid: agagse.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agaagse
m. n. share of the spoils; small gift from someone who has just received a larger amount
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agaagse
de: share of the spoils; small gift from s.o. who has just received a larger amount
lx: agaagse
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: agaagse
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagas
m.l Qof aan ka xishoon waxyaabo bulshada uu la noolyahay ceeb ula muuqda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagas
-ka: (magac, lab, keli) qofka liidnimada iyo ducfiga qaba. Dh: saqajaan, hanyare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagse
m.l 1. Waxa laga baxsho ama laga qasho xoolo la soo dhaco inta aan la qeybsan. 2. Wax yar oo kororsiimo ahaan loo siiyo qof xoola la soo dhacay oo la qaybsaday wax yar ka helay. la-mid: agaagse.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagse
-ha: (magac, lab, keli) hadiyad la isa siiyo oo horay aan la filanayn.
agagse -ha: (magac, lab, keli) xoolaha boojimada lagu soo qaado, cadka qof ku hagaaga, dhaqasho iyo qalasho kii ay dooni ba ha noqotee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agaagso
v. share the spoils; share one's windfall
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agaagso
de: share the spoils; share one's windfall
lx: agaagso
pd: (agaagsaday)
ps: v3a=
key: agaagso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagaase
-ha: (magac, lab, keli) xoolaha la soo dhaco ama boojimada, waxa laga baxsho. Ragga ciidanka dul fadhiya, agagaase innaga soo siiya. Dh: loog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaagasiyid
-da: (magac, dhedig, keli) agaagase bixin. Agaagasiyidda, isaga deyntaa kuu dhaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagabagaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhib qof ku dhacday ku farxid; ku digasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaagsasho
m.f.dh eeg hagaagso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magmaagasho
m.f.dh eeg magmaago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagsaagasho
m.f.dh eeg sagsaago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaag
(Agaag-ga)
Dhowaan (ama agag).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaag
m.l Fagaag. la-mid: agag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agaag
m. n. proximity, environs, neighborhood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaag
-ga: (magac, lab, keli) dhowaan; agag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agaag
de: proximity, environs, neighborhood Alt sp: agag
lx: agaag
pd: (-ga)
ps: n0-m
key: agaag
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-gaaga
de: your
lx: -gaaga
ps: pro-det-2sg
xe: your dog
xv: =-kaaga
key: -gaaga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagar
-ka: (magac, lab, keli) dhoobo adkaatay oo sallax noqoto. Ceelku kolka agagar ayuu gaadhay. Dh: gaantay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagay
(fal) agteeda gaadhsii. Haddaad dhammayn kari weydo, agagay. Dh: dhodhowey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagsi
f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Cid agagse siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha boojimada lagu soo qaado, cad ka qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agamse
-ha: (magac, lab, keli) geed qodax leh oo inta badan cagaar ah. Waa geed isasudhan oo aan la dhex mari karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaagax
gaagax¹: m.l la-mid: gaaggax¹.
gaagax²: f.mg1 (-xay, -xday) la-mid: gaaggax².
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GAGASO
?Aristida adscensionis 10
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—gaaga
[suffix] (pronoun)-, your (yoor) ~ kaaga, taada. Ex: gurigaaga; your house, gaarigaaga; your car or truck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasaase
-aasaasaha: (n) founder (fawndhar); establisher ~ bilaabe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaase
-ha: (magac, lab, keli) nin bilaabay wax aan hore u jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agagaar
(Agagaar-ka)
Hareeraha aan fogfogeyn; dhinacyada; (ama agaggaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagaar
m.l Wax meelaha ku dhow ee hareeraha kaga xeeran. la-mid: agaggaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agagaar
m.l Wax meelaha ku dhow ee hareeraha kaga xeeran. la-mid: agaggaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agagaar
m. n. surroundings, vicinity, surrounding area
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
agagaar
-ka: (n) surrounding (saraawn ding); neighboring area ~ wareegga, nawaaxiga, aagga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagaar
-ka: (magac, lab, keli) hareeraha u dhaw meel; hareeraha aan fogfogayn. Dh: agaag, dhinac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agagaar
cf: fagaag
de: surroundings, vicinity, surrounding area
lx: agagaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: agagaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
agagaar
ناحية
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel ama yool ku dhodhoweyn. Magaaladii ma gaadhine, waan agagaynnay. Dh: dhodhoweys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg agagayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agtagis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg agtagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaagan
amaagan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay) la-mid: ammaagan.
amaagan²: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: ammaagan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araarse
-ha: (magac, lab, keli) laba dawladood ama qabiil oo dagaallamaya dadka kala dhexfadhiista si ay u dhexdhexaadiyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaagsi
m.l la-mid: asaagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaagsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg asaagsad asaagso: (fal) in uu filkaa yahay u arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaagso
f.g3 (-saday, -satay) Qof, qof kale oo ka heer sarreeya wax la darajo ah iska dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asaagso
f.g3 (-saday, -satay) Qof, qof kale oo ka heer sarreeya wax la darajo ah iska dhigid. m.f.dh, asaagsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaagso
v. put oneself on the same level as someone else
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asaagso
de: put oneself on the same level as s.o. else
lx: asaagso
pd: (asaagsaday)
ps: v3a=tr
key: asaagso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caagane
magac loo baxsho wiilka kolka uu dhashay aan oohin badan yeelan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fagaase
nickname; name-m bridle or bridler
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaase
-ha: (magac, lab, keli) xadhig suun ah oo fardah madaxa iyo afkaba lagaga xidho si loo maamuli karo. Dh: xakame.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaafane
nickname; name-m ready, prepared, willing, predisposed. Syn: Gaafan, Gaafow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaafane
magac loo baxsho wiil u muuqda in uu noqonayo mid dhiirran oo hawlkar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaagaab
-ka: (magac, lab, keli) wax kaste oo aan dhaadheerayn sida dhar oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgale
-ha: (magac, lab, keli) meel hoy ahaan loogu nool yahay. Dh: galangal, baro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garcase
-ha: (magac, lab, keli) eeg gadhcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaasime
(Agaasima-ha)
1. Nin wax agaasima.
2. Nin ka madax ah, qaybaha taliska, middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaasime
m.l (-mayaal, m.l) 1. Qof madax ka ah waax wasaaradeed, wakaaladeed, hay'adeed iyo wixi lamida. 2. A. guud: qof dhowr agaasime madax u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agaasime
m.l (-mayaal, m.l) 1. Qof madax ka ah waax wasaaradeed, wakaaladeed, hay'adeed iyo wixi lamida. 2. A. guud: qof dhowr agaasime madax u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agaasime
m. n. manager, director
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
agaasime
-agaasimaha: (n) director (direktpr); manager (manajar); one who supervises, controls, or manages —agaasimaha guud: (n) the general director or director general
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Agaasime
Direttore
Director; manager
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaasime
-ha: (magac, lab, keli) qof madax ka ah laan ama qaybaha maamulka middood. Agaasime wanaagsan ayaa loo dhiibay warshadda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agaasime
de: manager, director
lx: agaasime
pd: (/ha)
ps: n7-m, n6-m
key: agaasime
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagasid
-da: (magac, dhedig, keli) si liidnimo iyo daciifnimo ah wax ku doonid ama u doonid. Dh: saqajaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaggaar
m.l la-mid: agagaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaase
-ha: (magac, lab, keli) olole lagu fulinayo howl; qaylo iyo buuq badan wata.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
allagare
v.tr. - biyo ku fatahin.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Anaphase
Kala guur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax aan kabo haysan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagaagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax aan kabo haysan ahaansho. m.f.dh, cagaagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaagan
(tilmaame) qof aan wax kabo ah xidhnayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaalgale
nickname-m infidel invader; camel looter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagaagis
-ka: (n) 1. fixing (fiksing); the act of repairing; improvement ~ hagaagin. 2. the act of arranging into a methodical or systematic arrangement
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax si toosan ama wanaagsan ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hagaagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax si toosan ama wanaagsan ka dhigasho. m.f.dh, hagaagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaagsasho
m.f.dh eeg asaagso. la-mid: asaagsad, asaagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid aad isku fil iyo da' tihiin u arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaagnaan
m.f.dh eeg cagaagan. la-mid: cagaagnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarasho
m.f.dh eeg cagaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) midab cagaar ah yeelasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagaalgali
-yey / say: (v) lead someone in a fight or battle,
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaallame
m. n. soldier, warrior
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaallame
de: soldier, warrior
lx: dagaallame
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dagaallame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaaragee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Wax meel fagaare ah ku soo bandhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hagaagsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagasho
m.f.dh eeg higaago. la-mid: higaagad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg magaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg magaalaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalayso
(fal) meel cammiro oo magaalo ka dhigo. Xaafad kastaay suuqaaga magaalayso.
magaalayso: (fal) magaalada u bax oo waxaad uga baahan tahay ka soo iibso. Dh: safro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ragragasho
(Ragragasha-da)
Digasho xeel dheer, cid ku digasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragragasho
m.f.dh eeg ragrago².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragragasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku digasho aad ah oo faan ku jiro. Iga daa ragragashada, rag miyaanad aqoonin. Dh: rigrigasho, digasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalaysi
-ga: (magac, dhedig, keli) eeg sagaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) sagaaro soo ugaadhsi. Dh: sakaaraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaagsane
-ha: (magac, lab, keli) mid wanaagsan ah. Wanaagsane wiilkayoow, wadiiqada toosan, wacnida haka weecan aabbo. Dh: same, Li: xume.