afyar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyar
(Afyar-ta)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afyar
m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afyar
m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afyar
f. n., [compound] fish species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afyar
-ta: (n) 1. small mouth; little mouth. 2. small opening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afyar
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afyar
de: fish sp.
lx: afyar
pd: (-ta)
ps: n-f-cmp
key: afyar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Afyare
magac ama naanays loo baxsho qof afkiisu yar yahay. Li: afweyne.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafyar
(tilmaame) mid jimidh yar oo aan awranayn.
lafyar -ta: (magac, dhedig, keli) lafaha jidhka kuwooda aan dhaadheerayne yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afar
(Afar-ta)
Tirada saddexda iyo shanta u dhexaysa (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afar
m.dh.t Tirada saddexda iyo shanta u dhexayso; “4”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afar
m.dh.t Tirada saddexda iyo shanta u dhexayso; 4.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afar
num. four
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afar
quatre.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
afar
/afar/ (adv) ka fog. e.g. She saw me from afar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afar
-ta: (n) four (foor) ~ [4] ~ afraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afar
-ta: (magac, dhedig, keli) tirada saddex iyo shan u dhaxaysa; 4.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
afar
أربعة
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
afar
ad., meel fog; it is far, waa fog yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayar
Si deggan oo miyir leh; qunyar; tartiib; xasil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayar
m.dh.fk Si deggan oo miyir leh. la-mid: aad yar, aadyar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayar
m.dh.fk Si deggan oo miyir leh. Tusaale: Aayar u soco! la-mid: aad yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayar
[adverb] or [adverbial] [expression] slowly, gently, lightly, slightly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayar
(adv) slowly (islowli); taking more time than is usual or necessary ~ tartiib, qunyar. Ex: Aayar u soco; walk slowly. —Syn: dilatory, leisurely, laggard, deliberate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayar
(fal) si miyir ah u faltan ama u dhaqan. Aayar socodkaaga kolka ad waalidkaa la socoto.
aayar: (tilmaame) si deggan oo miyirsan. Aayar gaadhiga kolkaad magaalo dhex socoto. Dh: miyir, tartiib, qunyar. Li: xoog, aad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayar
cf: aad yar
de: slowly, gently, lightly, slightly
lx: aayar
pd: (aadyar)
ps: adv
key: aayar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbar
f.g1 (-ray, -rtay) Ilmo yar sida loo hadlo barid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabi
-ga: (magac, lab, keli) arrin aan bannaanayn oo qof lagula kaco. Ma la eeday waatii Afyare aabi loo dilay e. Nimankii ikhwaankii jaree aabiga u laayey. Dh: adyad, daandaansi, gardarrado, maagid.
aabi: (tilmaame) nin karmeed geesi ah. Waxaan aabiyoow, ku oonbixi lahaa, anoo ooridaada noqdoo ubad dhala. Dh: geesi, xariif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mansaf
-ka: (magac, lab, keli) weel xagga sare u ballaadhan xagga hoosana daba dhuuban oo daloosha ku leh oo la dul dhigo kolka weel afyar wax lagu shubyo. Dh: dublad, masaf.
mansaf -ta: (magac, dhedig, keli) weel balladhan oo hareerah soo rogan oo sarriig ama caw laga tolay oo hadhuudhka lagu hufo ama lagu goolabo budadana lagu gilgiliyo. Dh: masaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaf
-ka: (magac, lab, keli) weel xagga sare u ballaadhan xagga hoosana daba dhuuban oo daloosha ku leh oo la dul dhigo kolka weel afyar wax lagu shubyo. Dh: dublad, masaf.
masaf -ta: (magac, dhedig, keli) weel balladhan oo hareerah soo rogan oo sarriig ama caw laga tolay oo hadhuudhka lagu hufo ama lagu goolabo budadana lagu gilgiliyo. Dh: masaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalyaro
-da: (magac, dhedig, keli) afyari abuur ah oo uu afku intii la arki jirey ka yaraado. Qalyaro waa ku dhalasho ee xanuun ma'aha. Dh: afyaro.
qalyaro -da: (magac, dhedig, keli) eeg qalayari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafyari
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah oo dhuuban ahaan. Dh: weydsani, miliilsani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadyar
m.dh.fk la-mid: aayar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadyar
(fal) eeg aayar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayari
(fal) miyiri oo si tartiib ah u qabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abyari
-da: (magac, dhedig, keli) tol iyo qaraabo yaraan. Ninkan madluunka ah, waxa loo cadaadinayaa abyari. Dh: tolyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ilmo yar, sida loo hadlo barasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afbaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ilmo yar, sida loo hadlo barasho. m.f.dh, afbarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbaro
(fal) af aanad aqoon, ku hadalkiisa baro; hadalka baro. Afbaro inankaan dhalow.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
affair
/affeer/affairs;(n) l.arrin. e.g. I don't want to know about his affairs. (n) 2. gaabsi (sinaysi). e.g. She had an affair with her boss.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
affair
/afeer/ (n) arryng, haalyd. I don't want to know about his affairs.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
affair
n., (concern) arrin, -ki, yeel, -ki; it is his affair, yeelkisa; (business) hawl, -shi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
affare
s.m. - arrin, dan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Cid ujeeddadeeda fahmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afgaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Cid ujeeddadeeda fahmid. Tusaale: Nimankii dagaalsanaa way is afgarteen. m.f.dh, afgarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgaro
(fal) garo oo fahan waxa uu ku leeyahay.
afgaro: (fal) sii wax uu hawlfududayn kuugu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afkaar
m.dh.w eeg feker¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afkaar
f. n., pl. ideas
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afkaar
-ta: (n) ideas (aaydiyas)-, thoughts (thootis) ~ fikrad, talo. -Syn; notions, concepts, conceptions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkaar
-ta: (magacwadareed) dareennada fikradeed ee maskaxda ku abuurma ku na saabsan nolosha iyo laamaheega kala duwan. Dh: aaraa', talooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afkaar
bw: Arabic
de: ideas Sg: feker
lx: afkaar
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: afkaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afsaar
m.dh Oodda xerada ariga afka lagaga oodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afsaar
m.dh Oodda xerada ariga afka lagaga oodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afsaar
(fal) reer ood u soo jiidid.
afsaar -ta: (magac, dhedig, keli) oodda xoolaha kadinka lagaga oodo ee ka sarraysa buuxsinka ama oodrogoda. Afsaar ayaan reerka u soo gooyay. Dh: jiitin, oodafo.
afsaar -ta: (magac, dhedig, keli) xabbadda meel aad u dhaw wax lagaga liishaamo. Afsaar buu ku dilay goodirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxaar
m.l (-rro, m.dh) Qof cay badan oo aan xishoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afxaar
m.l (-rro, m.dh) Qof cay badan oo aan xishoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afxaar
m. n. vulgar, indecent ~ obscene person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afxaar
-ka: (magac, dhedig, keli) qofka hadalka xun ee aan hadalkiisu asluubaysnayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afxaar
cf: afkuxaarre
de: vulgar, indecent ~ obscene person Lit: fecal mouth
lx: afxaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: afxaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyaal
(Afyaal-ka)
1. Madax; horfiiq.
2. Qofka dadka soo dhoweyntiisa u qaybsan.
3. Oodafo; dhacan.
4. Horgalka tusbaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afyaal
m.l 1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan. 4. Oodafo. 5. Mir ka duwan iniinaha tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afyaal
m.l 1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan. 4. Oodafo.
5. Mir ka duwan iniinaha tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afyaal
m. n., [compound] protocol officer, host
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afyaal
-ka: (magac, lab, keli) madaxa hoggaanka ummad u haya. Afyaal Eebbahay ha kaa dhigo. Dh: horfiiq, madax, halfiiq.
afyaal -ka: (magac, lab, keli) qofka u xilsaaran dadka soo dhoweyntiisa iyo qaabilaaddiisa.
afyaal -ka: (magac, lab, keli) oodda iridda hore la saaro. Afyaal weyn buu Ducaale soo gooyay. Dh: afsaar, dhacan, oodrogo, oodafo.
afyaal -ka: (magac, lab, keli) horgalka tusbaxa; firida weyn ee tusbaxa u horraysa. Afyaalkii baa tusbaxa ka maqan. Dh: horgal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afyaal
de: protocol officer, host
lx: afyaal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: afyaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqyaar
aqyaar¹: m.l la-mid: ikhyaar¹.
aqyaar²: m.dh la-mid: ikhyaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badyar
f. n., [compound] lake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badyar
-ta: (magac, dhedig, keli) meel weyn oo biyo qabatin ah oo aan gudhin berrina uu hareeraha ka xigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badyar
a: badyaro
de: lake
lx: badyar
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: badyar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryar
(tilmaame) qof qurjad xun. Dh: sinyar, lafyar, jidhyar, saryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'yar
da'yar¹: m.dh.u Dhallinyaro. la-mid: da'yaro.
da'yar²: f.mg4 (-raa, -rayd) Wax muddo yar jiray ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
da'yar
m.dh.u Dhallinyaro. la-mid: da'yaro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
da'yar
-ta: (n) young (yaang); youth (yuuth) ~ dhallinyaro —da'yar -ah: (adj) young (yaang). Ex: gabadh da 'yar; a young girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'yar
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallinta soo koraysa ee ay bulsho leedahay. Li: da'roon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabyar
m.dh la-mid: danyar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafaar
m.l Qof sabool ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafaar
-ka: (magac, lab, keli) qof sabool ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daftar
(Daftar-ka)
Waraaqo isku xirxiran oo wax lagu qoro; buug; gaayimad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daftar
m.l (-rro, m.dh) Buug wax lagu qorto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daftar
m.l (-rro, m.dh) Buug wax lagu qorto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daftar
m. n. note book, register
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daftar
bw: buug
de: note book, register
lx: daftar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: gaayimad
xv: Arabic
key: daftar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danyar
danyar¹: m.dh.u Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax nolol maalmeedkiisa dhaafsiisan. la-mid: dabyar.
danyar²: f.mg4 (-raa, -rayd) Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax dhaafsiisan nolol maalmeedka ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danyar
m.dh.u Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax nolol maalmeedkiisa dhaafsiisan. la-mid: dabyar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danyar
f. n., [collective] the poor, people of modest economic circumstances
danyar [compound] adj., (ie. n., adj.): poor, economically weak
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danyar
-ta: (n) poor (puur) person; economically poor person ~ reer tabareed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyar
-ta: (magacwadareed) dadka inta haynta yar ee saboolka ah. Dh: danlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facyar
(tilmaame) qof aan weynayn oo da'yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafsar
-ka: (magac lab, keli) hoggaan iyo madax. Hafsarkii dalbanaayay, hareerta iskaga looxayoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka yar
[adjective] phr. younger, smaller
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka yar
-aa: (n) lesser (lesar) —ugu yar: (adj) least (liist)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_yar
de: younger, smaller
lx: ka yar
ps: adj-phrase
key: ka_yar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax jurmi yar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanyar
der. [adjective] slender, thin (of person)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanyar
-ta: (magac, dheddig, keli) mid jurmi yar loh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanyar
de: slender, thin (of person)
lx: qanyar
pd: (qanyaraa)
ps: adj-der
key: qanyar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaar
-ka: (magac, lab, keli) geed geedaha ka mid ah oo ubaxiisa xooluhu cunaan. Dh: qaliifaqabe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safmar
(Safmar-ka)
(cudur) Saf; tariib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safmar
safmar¹: m.l.kh S. ah: cudur dad ama xoolo badan mar ku wada dhaca.
safmar²: m.l (-rro, m.dh) (daawo) Cudur si kedis ah u dillaaca oo si dhakhso leh ugu fida dadka dhexdiisa isagoo saameynaya qayb badan ee dadka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
safmar
safmar¹: m.l.kh S. ah: cudur dad ama xoolo badan mar ku wada dhaca.
safmar²: m.l (-rro, m.dh) (daaw.) Cudur si kedis ah u dillaaca oo si dhakhso leh ugu fida dadka dhexdiisa isagoo saameynaya qayb badan ee dadka ka mid ah.