ereyga

afweyn-holac

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

afweyn-holac

DHAN

m.l (daawo) Halaamacood lafta afweynta ee ka muuqata dhegta dabadeeda oo saameeya gododka laftaas (air space) la xiriiriya godka dhegta dhexe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

afweynholac

DHAFAN

m.l (daaw.) Halaamacood lafta afweynta ee ka muuqata dhegta dabadeeda oo saameeya gododka laftaas (air space) la xiriiriya godka dhegta dhexe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xubin-holac

DHAFANDHAAF

m.l (-bno ..., m.l) (daawo) Halamacoodka xubno kalagoyska mid ama ka badan astaamihiisu: barar, kuleyl, xanuun iyo dhaqaaq la'aan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aroore-holac

DHAFANDHAAF

m.l (-cyo, m.dh) (daawo) Halaamacoodka xididdada dhiigga ku cesha (aroore), sida badan waxaa lagu arkaa lugaha wuxuuna ku dhacaa aroore ballaartay oo laalaaban (varicose veins). Arooruhu xanuun badan ayuu yeelanaya waana adkaanaya maqaarka korkiisa ahna waa kululaanayaa waana casaanayaa. Xinjir xirikareysa xididdada ayaa inta badan sameysmata.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

aroore-holac

DHAFANDHAAF

m.l (-cyo, m.dh) (daaw.) Halaamacoodka xididdada dhiigga ku cesha (aroore), sida badan waxaa lagu arkaa lugaha wuxuuna ku dhacaa aroore ballaartay oo laalaaban (varicose veins). Arooruhu xanuun badan ayuu yeelanaya waana adkaanaya maqaarka korkiisa ahna waa kululaanayaa waana casaanayaa. Xinjir xirikareysa xididdada ayaa inta badan sameysmata.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tuf-xubno-holac

DHAFANDHAAF

m.l (daawo) Nooc xubnoholac, kan labaad ee ugu badan cudurrada tufta waxa ka horreeya lafoxubnoholac (osteo artritis) waxay gaar ahaan saameysa xubnaha faraha, xubin isgoyska gacanta iyo dhudhunka, lugaha, canqowyada, miskaha iyo garbaha: xubnoisgoysyada si siman ayaa labada dhinacba cudurku ugu dhacaa waana kala silloonyihiin.

waa la naqliyay ✓