afuufmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufmid
m.f.dh eeg afuufan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid nakhas lagu afuufay noqosho; mid nakhas galay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afuufid
(Afuufid-da)
Neef afka ka soo deyn, oo meel ama wax ku toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufid
m.f.dh eeg afuuf². la-mid: afuuf¹ (1).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afuufid
-da:(n) the act or an instance of blowing air from the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) dabka oo naqas lagu tuuro si loo huriyo.
afuufid-da: (magac, dhedig, keli) neef afka ka soo deyn oo meel ama wax mug leh ka buuxin. Dh: afuufis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaliyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dibbirido dhereg badan dartii la afuufmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalalyood
-ka: (magac, lab, keli) cunta badan darteed calool'afuufmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufis
-ta: (magac, dhedig, keli) dabka oo naqas lagu tuuro si loo huriyo. Dh: afuufid.
afuufis -ta: (magac, dhedig, keli) neef afka ka soo deyn oo meel ama wax ka buuxin. Dh: afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuugid
m.f.dh eeg afuug². la-mid: afruug¹, afruugid, afuug¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurmid
m.f.dh eeg abuuran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid jira ama soo baxay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aguugmid
m.f.dh eeg aguugan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afqudhmid
-da: (magac, dhedig, keli) macaluulid iyo gaajo xun oo saamaysa dhulka; gaajo darteed oo urta afku doorsoontay. Dh: macaluulid.
afqudhmid -da: (magac, dhedig, keli) caday la'aan ay afka urtiisu qudhmuunaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduugmid
m.f.dh eeg baduugan¹. la-mid: baduuqmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugmid
-da: (magac, dhedig, keli) burburid oo wax jajabay ahaansho. Dh: burburid, jajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduuqmid
m.dh la-mid: baduugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daguugmid
m.f.dh eeg daguugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daguugmid
-da: (magac, dhedig, keli) xobkismid oo wixii dul saarnaa ka hobobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faruurmid
(Faruurmid-da)
1. Faruur dillaacsan yeelasho.
2. Webi, keli, kd., dhinac ka dillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faruurmid
m.f.dh eeg faruuran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurmid
-da: (magac, dhedig, keli) faruur ama meel kale oo dillaacsan yeelasho.
faruurmid-da: (magac, dhedig, keli) webi iyo wixii la mid ah. dhinac u dillaacid ama u jeexmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaduudmid
m.f.dh eeg kaduudan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karuurmid
m.f.dh 1. eeg karuuran¹. 2. eeg karuuran³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taluulmid
m.f.dh eeg taluulan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgamuurmid
m.dh la-mid: afgammuurmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgamuuxmid
m.dh la-mid: afgammuurmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuuf
afuuf¹: m.l 1. la-mid: afuufid. 2. Soor a. ah: soor aan iidaan lahayn. 3. Xirsi yar oo ummulaha iyo carruurta loo xiro.
afuuf²: f.g1 (-fay, -ftay) Neef afka ka soo baxday wax ku sii deyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afuuf
f.g1 (-fay, -ftay) Neef afka ka soo baxday wax ku sii deyn. m.f.dh, afuufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afuuf
v. blow, blow up, inflate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afuuf
-ay / tay: (v) 1. blow (baloow); expel air from the mouth. 2. ventilate or cool through the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuuf
(fal) neef afka ama qalab ka soo daa, si wax loogu qaado ama loogu huriyo dab.
afuuf: (fal) walax mug leh, neef geli; naqas ku shub. Kubadda afuuf, ha lagu ciyaaree.
afuuf-ka: (magac, lab, keli) walax mug leh, nakhas ku shubid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afuuf
de: blow, blow up, inflate
lx: afuuf
pd: (afuufay)
ps: v1=
key: afuuf
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
afuuf
نفخة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fufid
(Fufid-da)
Fuf yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fufid
m.f.dh eeg fuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fufid
-da: (magac, dhedig, keli) abuur iyo wixii la mid ah, gabaabsi ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uumid
(Uumid-da)
Wax aan hor u jirin abuurid; alkumid; curin; khalqid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumid
m.f.dh eeg uun².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uumid
Creazione
Creation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin abuurid; wax cusub alkumid. Dh: alkumid, curin, khalqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afurid
m.f.dh la-mid: affurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afurid
-da: (magac, dhedig, keli) afur cunid. Dh: afuris.
afurid-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo la soomman yahay wax cunid ama wax soonka jebiya la imasho. Dh: afuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afuufo
(Afuufa-da)
Neef afka, ama wax kale, laga sii daayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufo
m.dh Neef afka, ama wax kale, laga sii daayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afuufo
f. n. breath, ventilation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afuufo
de: breath, ventilation
lx: afuufo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: afuufo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxumi
m.dh la-mid: afxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afxumi
-da: (magac, dhedig, keli) hufnaan la'aan; hadal adyad ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufid
duufid: m.f.dh eeg duuf². la-mid: duuf¹ (2).
dųufid: m.f.dh eeg dųuf². la-mid: dųuuf¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furmid
(Furmid-da)
Wax furan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furmid
m.f.dh eeg furan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax furan. noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuudid
(Fuudid-da)
1. Fuud cabbid.
2. Wax la cabbo oo kulul, aayar cabbid; fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudid
m.f.dh eeg fuud².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudid
-da: (magac, dhedig, keli) sida fuudka u cabbid; fuud cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuulid
(Fuulid-da)
Korid; tafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulid
m.f.dh eeg fuul. la-mid: fuulis², fuullimaad, fuulmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuulid
vl. n. boarding, act of getting on a vehicle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dusha uga bixid; dushiisa korid. Dh: fuulis, koris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuulid
de: boarding, act of getting on a vehicle
lx: fuulid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: fuulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqid
m.f.dh eeg fuuq³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuurid
(Fuurid-da)
Wax fuurey noqosho; soo foocid; dibbirid; afuufmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuurid
fųurid: m.f.dh eeg fųur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fuuray noqosho; dibbiraad ama neef buuxisa nooluhu kolkuu dhinto yeelasho. Dh: dibbirid, afuufmid, foocid, fuuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuusid
-da: (magac, dhedig, keli) wax loo tartansanaa, ku guulaysi. Dh: guulaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufmid
m.f.dh eeg hufan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huufid
m.dh 1. la-mid: hiifid. 2. Qof soo orday neef gurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huufid
-da: (magac,dhedig,keli) canaanashada iyo haraamitaanka cid kale. Dh: hiif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luufid
m.dh la-mid: liifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luufid
-da: (magac, dhedig, keli) luuf dheelid. luufluuf: (fal) hoog oo habqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruufid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u eegid. Dh: huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suumid
m.f.dh eeg suun³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uunmid
(Uunmid-da)
Iska abuurmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunmid
m.f.dh eeg uuman².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunmid
-da: (magac, dhedig, keli) abuurmidda wax aan hore u jirin; waa awood Eebbe u gaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurid
(Abuurid-da)
Wax aan hor u jirin uumid; curin; alkumid; jirsiin; dhalin; ahaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurid
m.f.dh eeg abuur³. la-mid: abuur¹ (2), abuuris, abuuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin uumid; alkumidda wax cusub. Dh: ahaysiin, jirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Affurid
(Affurid-da)
Soonka jebin; cunnada affurka cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affurid
m.f.dh eeg affur². la-mid: affur¹ (2), afur¹, afurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afuufan
Neef la geliyey; neefaysan; la afuufay; la buufiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufan
afuufan¹: f.mg1 (-fmay, -fantay; -fmi) Wax la afuufay noqosho.
afuufan²: f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax la afuufay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afuufan
der. [adjective] inflated, blown up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufan
(tilmaame) walax mug leh oo neef la geliyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afuufan
de: inflated, blown up
lx: afuufan
pd: (afuufnaa)
ps: adj-der
key: afuufan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuujin
m.dh Burburinta beer carradeeda lagu sameeyo si loo carrageddiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afuujin
m.dh Burburinta beer carradeeda lagu sameeyo si loo carrageddiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aguugid
m.f.dh eeg aguug². la-mid: aguug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aguugid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo. socod habqan ah, is dhexsocod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alkumid
(Alkumid-da)
Wax aan hor u jirin abuurid; uumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkumid
m.f.dh eeg alkun³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alkumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan horey u jirin abuurid; wax cusub uumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardufid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, sirid oo khayaamayn; hanbagid iyo hoosaasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arjumid
m.f.dh eeg arjun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arjumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qarin; wax daboolid ama aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrumid
m.f.dh eeg arrun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubid
-da: (magac, dhedig, keli) milidda dareere wax lagu qaso. Dh: walaaqid, qassid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruurid
m.f.dh eeg aruur. la-mid: ururid, uruurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baahsanaa, isku keenid.