ereyga

aftahamo

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aftahamo

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) hadal si qurux badan loo yidhaahdo ama loo qoro oo dadka aad u soo jiita. Nin aftahamo lihi waxa u helaa odhaah toobboone ah. Dh: codkarnimo. Li: agnaan, garooc.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aftahmo

DHAFAN
1

(Aftahma-da)

2

Qof si fudud ugu hadla ama u qora, hadal qurux badan oo dadka aad u saameeya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aftahmo

DHAFAN

m.dh 1. Awodda qof u leeyahay inuu fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

aftahmo

DHAFAN

m.dh 1. Awodda qof u leeyahay inuu fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay. Tusaale: Gabyaagu waa nin aftahmo badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

aftahmo

DHAFAN

f. n. eloquence

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

aftahmo

DHAFAN
1

de: eloquence

2

lx: aftahmo

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f

5

key: aftahmo

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qawjad

DHAABAN

m.dh Cid cilmi, caqli iyo aftahamo dheeraad ah kulansatay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

eloquènza

DHAABAN

s.f. - aftahamo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aftahan

DHAFANDHAAF
1

(Aftahan-ka)

2

Xaajayaqaan; codkar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aftahan

DHAFANDHAAF

m.l (-nno/-ammo, m.dh) 1. Qof fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

aftahan

DHAFANDHAAF

m.l (-nno/-ammo, m.dh) 1. Qof fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

aftahan

DHAFANDHAAF

m. n. elequent person, orator

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aftahan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) qof hadal habaysan ku hadla ama qora ee codkark ah. Dh: codkar, afmiishaar. Li: afgarooc, agnaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

aftahan

DHAFANDHAAF
1

de: elequent person, orator

2

lx: aftahan

3

pd: (-ka)

4

ps: n2c-m

5

key: aftahan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aftahannimo

DHAFANDHAAF

m.dh Aftahan ahaansho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aftahannimo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hadal si wacan loo yidhaa ama loo qoro oo dadka soo jiita. Aftahannimo waa itaal afkaaga ah. Dh: codkarnimo. Li: afgaabnimo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

faham

DHAFANDHAAF

v. understand

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

faham

DHAFANDHAAF

-ay / fahantay: (n) understand (andharstaandh); comprehend; apprehend; grasp ~ fahan, garasho. Ex: ma fahamtay? did you understand? —is fahamsan: (expression) mutual understanding

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

faham

DHAFANDHAAF
1

de: understand

2

lx: faham

3

pd: (fahmay)

4

ps: v1=tr

5

xe: Arabic

6

xv: fahan

7

key: faham

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fahmo

DHAFANDHAAF
1

(Fahma-da)

2

1. Kartida wax lagu barto oo lagu ogaado; degdeg wax u qabasho oo u barasho.

3

2. Weji furfurraan; firfircooni; farax; (ama fahmad).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

fahmo

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Garashada si sahlan wax loo garto. 2. Farxad iyo firfircooni. la-mid: fahmad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

fahmo

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Garashada si sahlan wax loo garto. 2. Farxad iyo firfircooni. la-mid: fahmad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

Fahmo

DHAFANDHAAF

pr. n., [feminine] Fahmo

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

fahmo

DHAFANDHAAF

f. n. intelligence; well-being

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

fahmo

DHAFANDHAAF

-fahmada: (n) powers of thought; comprehension (kom-pre-hen shin); understanding; awareness

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fahmo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) awoodda iyo kartida ay maskaxdu wax ku barato iyo degdegga ay wax u qabato oo uga jawaabto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aflaam

DHAFANDHAAF

m.dh.w eeg filin. ld.aflaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

aflaam

DHAFANDHAAF

f. n., pl. movies, films

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aflaam

DHAFANDHAAF

-ta: (n) [plural of filin] films (filmis), movies (muuvis) ~ aflaan

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

aflaam

DHAFANDHAAF
1

bw: Arabic

2

de: movies, films Sg: filim

3

lx: aflaam

4

pd: (-ta)

5

ps: n8-f-pl

6

key: aflaam

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aftaag

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) wax kaste oo af yuuban oo taagan leh. Li: afgallooc.

2

aftaag-ga: (magac, lab, keli) kibir iyo islaweynaan fuqa sare loo taago; hadal qab ku jiro oo cid ixtiraam mudan lagula hadlo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ayaamo

DHAFANDHAAF

m.dh.w 1. Duulal la rumaysanyahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug. 2. eeg ayaan².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ayaamo

DHAFANDHAAF

m.dh.w 1. Duulal la rumaysanyahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug. 2. eeg ayaan².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afdhaqo

DHAFANDHAAF

(fal) afka maydho; afka biyo ku dahirso.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aflaaqo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) cudur timaha dumarka ku dhaca oo baarka ay ka cawlaadaan kana qarqarxaan oo koridda ka horjoogsada. Kawsar timaha aflaaqo ayaa kaga dhacay. Dh: laba'afle.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

awtaami

DHAFANDHAAF

(fal) habaartan adoo codka kor u qaadayo. Awtaamisaa iyo sidii, geel u oloshaaba.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

af tahan

DHAFANDHAAF

-ka: (n) orator (ooriter)-, an eloquent and skilled speaker ~ af-maal

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

af-dhaqo

DHAFANDHAAF

v. wash one's mouth

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

affamato

DHAFANDHAAF

agg. gaajaysan, baahan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aflahaar

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qofka hadalka aan sugin inta looga baxayo e, ku degdega; qofka inuu hadal ku shaqaysto jecel. Dh: afmiishaar, aflaroor.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aftaxaad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) meel ganacsi ah, iibka ugu horreeya ee lagu bilaabo waaberiga ama marka la furayo. Aftaxaadda ii dhiib, oo iga daa amaahda. Dh: aftixid, aftax.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

antataro

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) 'geed' ontadtaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

afbarasho

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg afbaro.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afbarasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xilli uu ilmuhu ku hadlo kolka ay da'diisu gaadho oo uu ereyo iyo weedho halhaleelo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

afgarasho

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg afgaro. la-mid: afgarad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afgarasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg afgarad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aflagaado

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hadal cay iyo afxumo ah cid kale ku dheh; wax xun qof kale ku sheeg. Aflagaado kuma odhan, abidkay na kuma xaman. Dh: afxumo, gardarro, cay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afqabasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg afqabad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aftirasho

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg aftiro.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aftirasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg aftirad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Amaahasho

DHAFANDHAAF
1

(Amaahasha-da)

2

Amaah qaadasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

amaahasho

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg amaaho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

amaahasho

DHAFANDHAAF

vn: borrowing

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

amaahasho

DHAFANDHAAF

-amaahashada: (n) borrowing (baarowing) —amaahde -amaahdaha: (n) borrower (baarower); debtor (dhee-ter) ~ amaah qaate

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

amaahasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg amaahad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

amaahasho

DHAFANDHAAF
1

de: borrowing

2

lx: amaahasho

3

pd: (/da)

4

ps: vn -f

5

key: amaahasho

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ashahaado

DHAFANDHAAF
1

(Ashahaada-da)

2

Shahaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ashahaado

DHAFANDHAAF
1

ashahaado¹: m.dh Qiritaanka in Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo direy yahay.

2

ashahaado²: f.mg3 (-aatay, -aadatay) In Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo diray yahay qirid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ashahaado

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-aatay, -aadatay) In Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo diray yahay qirid. m.f.dh, ashahaadasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ashahaado

DHAFANDHAAF

v. say the profession of the Muslim faith, recite the Islamic credo

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ashahaado

DHAFANDHAAF
1

-ashahaatay / ashahaadatay: (n) say the first essential duty in Islam. The Muslim must say, “There is no God but God, and Muhammad is His prophet.”

2

ashahaado: -ashahaadada: (n) declaration of faith. A person must recite the shahadah to convert to Islam. The shahadah in Islam is:: “I testify that there is no god but Allah and I testify that Muhammad is the Messenger of Allah.”

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ashahaado

DHAFANDHAAF
1

(fal) qiro kelinimada Ilaahay iyo rasuulnimada Maxamed, naxariista Ilaahay iyo nabadgelyadiisu ha kor ahaatee. Ashahaado waa taan ku idhi ina Israa'iile.

2

ashahaado -da: (magac, dhedig, keli) qiritaanka in uu Ilaahay keli yahay Maxamed na Rasuulkiisa yahay; tiirka koowaad ee arkaanta Islmaamka.

3

ashahaado -da: (magac, dhedig, keli) caddaynta waxbarsho ee laga qaato dugsiyada iyo jaamacadaha. Axmed sadeex ashahaado ayuu haystaa. Dh: shahaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ashahaado

DHAFANDHAAF
1

a: ashahaado (/da) [n6-f]

2

de: say the profession of the Muslim faith, recite the Islamic credo (i.e., to say 'There is no God except one God and Mohammed is his messenger.')

3

lx: ashahaado

4

pd: (ashahaatay)

5

ps: v3b=

6

key: ashahaado

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

macaahado

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: micaahido.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

macaahado

DHAFANDHAAF

f. n. bilateral agreement, treaty, convention, pact

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

macaahado

DHAFANDHAAF

-macaahadada: (n) a for mal treaty between states or organizations; treaty (triiti)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

macaahado

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) axdi guud oo dawlado ama hay'ado waaweyni kala dhigtaan oo lagu heshiiyo. Macaahado ayay labada dawladood kala saxeexdeen. Dh: mucaahado, heshiis, axdi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

macaahado

DHAFANDHAAF
1

a: mucaahido

2

de: bilateral agreement, treaty, convention, pact

3

lx: macaahado

4

pd: (/da)

5

ps: n6-f

6

key: macaahado

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xafaarato

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dadka qabuurta qoda ee lacagta ku qaata. Xafaarato qabri ma weydo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qayladhaamo

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: qayladhaan.

waa la naqliyay ✓