ereyga

afqudhun

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afqudhun

DHAN
1

-ka: (magac, lab, keli) macaluul iyo gaajo.

2

afqudhun -ka: (magac, lab, keli) ur iyo foolxumo afku yeesho, kolka la cadayi waayo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qudhun

DHAFANDHAAF
1

(fal) wax qudmay oo xumaaday noqo. Dh: qurun.

2

qudhun -ka: (magac, lab, keli) is beddel xumaansho ah oo shey ku dhaca oo dhadhankiisa iyo urtiisuba silloonaadaan. Dh: qurun.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afqudhmid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) macaluulid iyo gaajo xun oo saamaysa dhulka; gaajo darteed oo urta afku doorsoontay. Dh: macaluulid.

2

afqudhmid -da: (magac, dhedig, keli) caday la'aan ay afka urtiisu qudhmuunaato.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daacaqudhun

DHAFANDHAAF
1

(fal) caloosha iskugu gey cunnooyin is qudhmiya oo daaco qadhmuun yeelo.

2

daacaqudhun -ka: (magac, lab, keli) daacada urteeda oo qadhmuun noqota marka la isku daro laba cunto oo aan isla falgeli karin ama calooshu shiidi kari weydo sida, hilib iyo shuuro la iska dabageeyey oo hilibku horreeyo shuuraduna danbayso. Daacaqudhun baan la soo kacay saaka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afyuun

DHAFANDHAAF
1

(Afyuun-ka)

2

Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

afyuun

DHAFANDHAAF

m.l Geed-ubax oo dhacaankiisa laga sameeyo mukhaaddaraad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

afyuun

DHAFANDHAAF

m.l Geed-ubax oo dhacaankiisa laga sameeyo mukhaaddaraad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

afyuun

DHAFANDHAAF

m. n., (mass n.): opium

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afyuun

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) maandooriye ka samaysan dheecaan sida caanaha u cad oo la engejiyey oo laga lisay geed waxtar iyo dhibaato weyn labadaba leh; sida xashiishadda ayuu kartida garashada iyo maanka ba u dooriyaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

afyuun

DHAFANDHAAF
1

de: opium

2

lx: afyuun

3

pd: (-ka)

4

ps: n-m-mass

5

key: afyuun

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afgudub

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhigaha xagga hore kaga xidhan dhigta kaynka ee ah lafdhabarta aqalka Soomaaliga. Afgudub baan ku adkeeyay kaynka. Wa: afgudubyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhudhun

DHAFANDHAAF
1

(Dhudhun-ka)

2

1. Gacanta inta u dhexaysa xusulka iyo sacabka.

3

2. (cabbir) dhudhunka iyo sacabka oo fidsan, oo is wata.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhudhun

DHAFANDHAAF

m.l (-ummo, m.dh) 1. Gacanta inta u dhexeysa xusulka iyo sacabka. 2. Dhudhun iyo sacabka oo fidsan oo is wata (cabbir).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhudhun

DHAFANDHAAF

m.l (-ummo, m.dh) 1. Gacanta inta u dhexeysa xusulka iyo sacabka. 2. Dhudhun iyo sacabka oo fidsan oo is wata (cabbir).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhudhun

DHAFANDHAAF

m. n. forearm (from wrist to elbow); cubit

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dhudhun

DHAFANDHAAF

-ka: (n) forearm (foor-aarm); from the tip of the middle finger to the elbow

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhudhun

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) gacanta, inta u dhaxaysa xusulka iyo xididdaleyda faraha ama lugta inta u dhaxaysa jilibka iyo boqonta. Dhudhun ayuu ka jabay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhudhun

DHAFANDHAAF
1

cf: cukur, curcur

2

de: forearm (from wrist to elbow); cubit

3

lx: dhudhun

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m

6

key: dhudhun

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

dhudhun

DHAFANDHAAF

سَاعِدِ، زَند

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fuudhin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) fuudh ku cabbirid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Afguduud

DHAFANDHAAF

nickname-m red-lipped

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afxidhan

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) qof afku qarsoon yahay; qof afku duuban yahay.

2

afxidhan -ta: (magac, dhedig, keli) haweenay shareerato ah oo wejigeega qarisay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aabbudhan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) wax afkiisa dabool la saaray. Dh: daboolan, aabburan. Li: bujisan.

waa la naqliyay ✓

Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]

AFKUDUFAN

DHAFANDHAAF

Commicarpus sp 01

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cabbudhin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) neef ku celin ama xorriyad u diidid. Cabbudhinta ka ilaali ilmaha, waa halis oo waa lagu dhintaaye.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hanqadhin

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) onkodid. Roob hanqadhin badan baa da'aya. Dh: hanqarin.

2

hanqadhin -ta: (magac, dhedig, keli) muddo kooban is taagid oo qaadid; roobku muddada yar ee uu istaago, inta aanu dib u soo bilaabmin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sanqadhin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadh ka keenid.

waa la naqliyay ✓