aflohloh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflohloh
-a: (magac, lab, keli) qof aan ilko lahayn ama badhkood ka maqan yihiin. Dh: aflaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lohloh
(Lohloh-a)
1. (af, ilko, ...) liiqliiqana haya; ilko wax dhacay iyo wax ruxana hayaba leh; qushaash.
2. Gilgil; ruxrux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lohloh
m.l.kh L. ah: aad u liiqliiqashada ilkaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lohloh
m. n., [collective] halitosis, bad smell of the mouth ~ poorly-brushed teeth
lohloh vl. n. shaking ~ chattering (of teeth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lohloh
-a: (magac, lab, keli) dheri intii fiicnayd laga guray, wixii ku hadhay oo weel kale lagu wareejiyo.
lohloh -a: (magac, lab, keli) ilko wax dhacay iyo wax ruxanayaba leh. Dh: liiqliiqasho, gilgilad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afloo
-ga: (magac, lab, keli) eeg aflaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloolo
-da: (magacwadareed) eeg alool.