aflaggaaddeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aflaggaaddeyn
(Aflaggaaddeyn-ta)
Afxumayn, caayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aflaggaaddeyn
m.f.dh eeg aflaggaaddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflagaadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) afxumo iyo cay ku dhihid; wax aan fiicnayn qof kale ku sheegid. Dh: aflagaadeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aflaggaaddee
f.g2 (-ddeeyay, -ddeysay) Hadal aflaggaaddo ah cid u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aflaggaaddee
f.g2 (-ddeeyay, -ddeysay) Hadal aflaggaaddo ah cid u jeedin. m.f.dh, aflaggaaddayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aflaggaaddee
v. insult, abuse, provoke
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aflaggaaddee
de: insult, abuse, provoke
lx: aflaggaaddee
pd: (aflaggaaddeeyey)
ps: v2b=
key: aflaggaaddee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caayid
(Caayid-da)
Hadal xun oo la qoonsado (qof, kd.) ku dhihid; aflaggaaddeyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aflagaaddee
-yey / say: (v) offend (ofeend); insult (insalt) ~ cay, afxumo. Ex: dadka ha aflagaaddayn; don't offend anyone —Syn: affront, outrage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflagaadeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg aflagaadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aflaggaaddo
m.dh (-ooyin, m.l) Hadal qadaf ah oo cid lagu yiraahdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aflaggaaddo
m.dh (-ooyin, m.l) Hadal qadaf ah oo cid lagu yiraahdo. Tusaale: Aflaggaaddada ka daa cid aan waxba kaa hallayn!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aflaggaaddo
f. n. insult, offense, abuse
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aflaggaaddo
de: insult, offense, abuse
lx: aflaggaaddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: aflaggaaddo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
aflaggaaddo
شَتُم إِهَانَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflagaaday
(fal) cid kale, ereyo aan raalli laga ahayn kula hadal; hadal cay iyo afxumo ah cid kale ku dheh; wax xun qof kale ku sheeg. Dh: cay, afxumay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflagaadee
(fal) eeg aflagaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afiaggaaddo
(Afiaggaadda-da)
Hadal qoonsimaad leh; cay; afxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadleyn
m.dh la-mid: afarqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgaadeyn
m.f.dh eeg halgaadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaaddeyn
(Wadaaddeyn-ta)
Wadaad iska dhigid, isu ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaaddeyn
m.f.dh eeg wadaaddee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
af lagaaddo
-af lagaaddada: (n) insult (insalt) ~ caytin, cay —Syn. offence, affront, outrage
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Af lagaaddo
Offesa
Offence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faddaraynta iyo wasakhaynta wax nadiif ahaa. Dh: faddaaddays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaaddeyn
m.f.dh eeg jallaadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareegacaddeyn
m.f.dh eeg wareegacaddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegacaddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wareegacaddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadle
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: afarqaad¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afka aaddi
v. face toward
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afka_aaddi
a: wejiga aaddi
de: face toward
lx: afka aaddi
pd: (aaddiyey)
ps: v2a=idiom
syn: u jeeso
key: afka_aaddi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcaddeyn
m.f.dh eeg cadcaddee. la-mid: cadcaddeys (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaadday
(fal) uskagee oo faddaree. Dh: uskagee, faddaray, faddaree, wasakhee. Li: nadiifi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddee
(fal) eeg faddaadday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaageyn
m.f.dh eeg fallaagee. la-mid: fallaageys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargaameyn
(Hargaameyn-ta)
Si hargaamo ku jirto cid wax u yeelid; dhibid; dibindaabyeyn; silicdilyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargaameyn
m.f.dh eeg hargaamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadeyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, raxmadda iyo khayrka Ilaah ka dheerayn; nacladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luncaddeyn
m.f.dh eeg luncaddee. la-mid: luncaddeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munaaddeyn
m.dh la-mid: muraaddeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaaddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawaaqid; cid cod dheer ugu yeedhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraaddeyn
m.f.dh eeg muraaddee. la-mid: munaaddeyn, munaaddo, muraaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaylaggeyn
(Qaylaggeyn-ta)
Shil ama dhibaato kale oo dhacday warkeed dad aan ka warhayn u geyn, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylaggeyn
m.f.dh eeg qaylaggee. la-mid: qaylaggeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wagaradeyn
m.f.dh eeg wagaradee. la-mid: we- geredeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wagaradeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gammaan suunka ku giijin. Bal waraabahaa daya siduu wagaradka u giijay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaandeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) shalwin oo meel sare hoos uga soo qululin.
walaandeyn -ta: (magac, dhedig, keli) wada qaadid oo wax culus isla qabasho. Walax culus walaandeyn ayaa lagu qaadi karaa. Dh: waldaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afmacaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qurxinta hadalka oo turxaanta laga reebo; hadal macaan oo aan laga didin qof kale ku dhihid. Dh: afmacaanays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbasleyn
m.f.dh eeg alabbaslee. la-mid: alabbaslays, alabbasmays, alabbasmeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbasmeyn
m.f.dh la-mid: alabbasleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaggeddin
m.f.dh eeg dalaggeddi. la-mid: dalaggeddis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalmaddeyn
(Dhalmaddeyn-ta)
Da'da dhalmadu ku joogsato gaarid; dhalmaddeys noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalmaddeyn
dhalmaddeyn¹: m.f.dh eeg dhalmaddee. la-mid: dhalmaddeys.
dhalmaddeyn²: m.dh (cilmiga naflayda) Xilliga qofka dumarka ah ay ka joogsato caadadu taas oo ay keentay ugaxleyda oo joojisa sameyntii unugga ukunta, sidaas darteed haweeneydu mardambe uur ma qaadi kareyso. Dhalmadayntu waxay dhici kartaa da'da u dhexeysa dhexda soddomaadka iyo kontomaadka, sida badan inta u dhexeysa da'da 40 - 50sano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalmaddeyn
m.dh (cilmiga naflayda) Xilliga qofka dumarka ah ay ka joogsato caadadu taas oo ay keentay ugaxleyda oo joojisa sameyntii unugga ukunta, sidaas darteed haweeneydu mardambe uur ma qaadi kareyso. Dhalmadayntu waxay dhici kartaa da'da u dhexeysa dhexda soddomaadka iyo kontomaadka, sida badan inta u dhexeysa da'da 40 - 50sano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faddaaddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaarageyn
m.f.dh eeg fagaaragee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarageyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad u qarsoonaa, bannaanka soo dhigid; meel fagaare ah geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaggabeyn
(Gabaggabeyn-ta)
Gabaggabo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaggabeyn
m.f.dh eeg gabagabee. la-mid: gebaggebeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadlays
m.l la-mid: afarqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallaabasaddeex
(Tallaabasaddeex-da)
Kibir; isla weyni; amarti.