afkurubadle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkurubadle
-ha: (magac, lab, keli) daadka inta ugu horraysa ee soo rogmata.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
AFKUDUFANLE
Hermannia boranensis 01, Pupalia lappacea 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AF-KUDUFANLE
(Af-kudufunleh) C Pupalia lappacea (L)A. Juss. Amaranthaceae.
C Hermannia boranensis K.Schum. Sterculiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkulibaaxle
-ha: (magac, lab, keli) magaca jaad kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadle
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: afarqaad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afkuxuuble
m.l (-layaal, m.l/dh) Ilmo geel oo isaga oo aan dhammays ahayn nolol ku dhashay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afkuxuuble
m. n. fetus (of miscarried ~ prematurely-born camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkuxuuble
-ha: (magac, lab, keli) dhiciska geela oo ay gaajo ama harraad ka soo tuuray isaga oo aan shinkiisii gadhiin, welise nool. Dh: cabaaddheere.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afkuxuuble
de: fetus (of miscarried ~ prematurely-born camel)
lx: afkuxuuble
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: afkuxuuble
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afkullibaaxle
(Afkullibaaxla-ha)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afkullibaaxle
m.l Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afkullibaaxle
m.l Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afkullibaaxle
m. n., [compound] fish species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afkullibaaxle
de: fish sp.
lx: afkullibaaxle
pd: (/ha)
ps: n-m-cmp
key: afkullibaaxle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhuubyaale
m.l Hab geela aarankiisu u ordo isagoo luqunta hore u dhiibanaya gafuurkana dhuubaya. la-mid: afdhuubyaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubyaale
-ha: (magac, lab, keli) orodka qoorta la niibiyo ama la raariciyo laftiisa oo uu geelu sameeyo kolka uu dhergo, isaga oo an cidi eryanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkudhagarle
-ha: (magac, lab, keli) qof dadka isku. dira; qof diradiraale ah oo hadalka uu yidhaahdo dadku isku dilo. Afkudhagarle iyo dhagarqabe waa walaalo. Dh: namiim, diradiraale, iskudire.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarbaal
-ka: (magac, lab, keli) beertu marka ay afar dhegood leedahay; biqilku marka uu qiyaasta hal toddobaad jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afduuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la afduubay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afduuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la afduubay ahaansho. m.f.dh, afduubnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduuban
(tilmaame) qof afka maro ama wax kale iskaga duubay. Nin afduuban baa dhagarta geystay. Dh: afxidhan.
afduuban: (tilmaame) qof ama dad ku jira gacmo dad kale iyaga oo an raalli ka hayn oo xorriyaddii laga qaaday. Nin afduuban baan ahay, ka xayiran adduunyada. Dh: qafaalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afduubid
(Afduubid-da)
Xoog ku kaxaysasho; qafaalid; boojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afduubid
m.f.dh eeg afduub². la-mid: afduub¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduubid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo xoog ku kaxaysad; qafaalashada dad ama duunyo. Dh: afduubis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
afduubid
خَطَّفَ اخْتِطَافِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkumaal
-ka: (magac, lab, keli) qof xoolaha afka ku maala oo aan weel adeegsan. Dh: nuugtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afyuubid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir iyo aftaagid cid na lala hadli waayo. Afyuubid buu kulankii ku dhammaystay, kolkii gartii laga helay. Dh: aftaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradle
-ha: (magac, lab, keli) qofka ama meeshal faaradda ka shaqaysa ama wax faaradeeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furagale
-ha: (magac, lab, keli) ibta naasaha dhedigga irmaan, fur yar oo ku jira oo awda. Inta badan caanaha ayaa soo tuura oo kolkaa ba wuu ka baxaa. Dh: ibagale.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
furuncle
n., (ambury) dhullax, -i, mal, mashi, kasoo bax, -i.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurtuble
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar la ciyaaro. Aniga iyo axmed kurtuble ayaanu ciyaarnay. Dh: hurdub.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abturaale
name-m from kindly descent; kindful; merciful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abturaale
eeg abtudhaale.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
AFKUDUFAN
Commicarpus sp 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shurbadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Meseg-go, qamadi iyo wixi lamida shurbad ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shurbadee
v. make porridge; make something into porridge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shurbadee
(fal) badar iyo wixii la mid ah shurbad ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shurbadee
de: make porridge; make s.t. into porridge
initial: s
lx: shurbadee
pd: (shurbadeeyey)
ps: v2b=tr
key: shurbadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarbaalle
-ha: (magac, lab, keli) qof aan cilmi badan lahayn oo dhawr kitaab uun dhigtay; qof an aqoon badan lahayn oo isagu sidaa aan isku haysan. Dh: baalgaab, kitaabgaab.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Afkudeeble
nickname-m evil-worded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkuleeble
-ha: (magac, lab, keli) dadka qofka uu habaarkiisu kaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkulibidh
-ka: (magac, lab, keli) weelasha wax lagu cabbo kan ugu yar. Dh: bidhiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkutoxole
-ha: (magac, lab, keli) geednagaadh ka baxa dhulka ciidda dhanaan sida dhoodida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkuweelle
-ha: (magac, lab, keli) reer aan caano badan xoolahooda ku qabin; reer xoolo yar ama intii badnayd ka gudhan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afkuxaarre
m.l (-rrayaal, m.l/dh) Qof cay badan oo aan hadalka u miidaandeyin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afkuxaarre
m.l (-rrayaal, m.l/dh) Qof cay badan oo aan hadalka u miidaandeyin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afkuxaarre
m. n. scurrilous ~ rude person; one who talks dirty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afkuxaarre
cf: afxaar
de: scurrilous ~ rude person; one who talks dirty Lit: having mouth with regard to excreta
lx: afkuxaarre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: afkuxaarre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkuxoogle
-ha: (magac, lab, keli) eeg afkanoole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awbarqadle
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar caan ku ah haweenka oo kaliya oo ku tartama awooddooda murtiyeed iyo ciyaareed. Qalabka lagu tumo waxaa ka mid ah, durbaan weyn, sharaq iyo teneg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inkiraadle
m. n. one who denies; liar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inkiraadle
de: one who denies; liar
lx: inkiraadle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: inkiraadle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuruwalle
m.l (-layaal, m.l/dh) Xasharaad calaamberiga u eg oo midab cascas leh oo waxyaabaha macmacaan soo raaca.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afar qaadle
-qaadlaha: (n) canter (kaan-ter); trot (taroot); gait (geeyt); gallop (gaa-lap) ~ kadle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afkulleeble
m.l A. ah: qof habaarkiisu kaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afkulleeble
m.l A. ah: qof habaarkiisu kaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afkulleeble
m. n. one who has an evil eye ~ brings bad luck
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afkulleeble
de: one who has an evil eye ~ brings bad luck
lx: afkulleeble
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: afkulleeble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafuurcadde
-ha: (magac, lab, keli) eeg dameer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhuubyaalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Afdhuubyaale samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdhuubyaalee
v. run in a straight line (of camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubyaalee
(fal) adiga oo qoorta raaricinaya orod.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afdhuubyaalee
de: run in a straight line (of camel)
lx: afdhuubyaalee
pd: (afdhuubyaaleeyey)
ps: v2b=
key: afdhuubyaalee