afkulibidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkulibidh
-ka: (magac, lab, keli) weelasha wax lagu cabbo kan ugu yar. Dh: bidhiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdabayl
-ka: (magac, lab, keli) weel yar oo koob ama kubbaayad dhegle ah le'eg oo shaaha lagu cabbi jiray waayadii hore. Dh: bilaale, afkulibidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydh
(fal) dhinac ama gees u leexo. Hablayahow dhanqankii ka baydhee, maad is badhqabataan. Dh: weeco, bayr.
baydh -ka: (magac, lab, keli) weel aan weynayn oo wax lagu qiyaaso waxna lagu cabbiro. Laba baydh oo burcad ah haddaad shiisho hal baydh oo miid ah ma noqdaan. Dh: afkulibidh, bayr, bidhiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhiq
-a: (magac, lab, keli) koob yar oo dheeh leh oo koobasha wax lagu cabbo ugu yar. Bidhiq bay wax iigu shubeen gaajo igu beerye. Dh: afkulibidh, haaf, biriq.
bidhiq-da: (magac, dhedig, keli) gantaal xoog leh oo ay dhaliyaan daruuraha da'ayaa oo ololaya. Dh: danab, jac, wiriq, biriq.
bidhiq -da: (magac, dhedig, keli) nin dhallinyaro ah oo xarrago badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habe
-ha: (magac, lab, keli) koob aad u yar oo caruurta aan cuntada baran wax lagu siiyo. Dh: afkulibidh, bilaale.
habe -ha: (magac, lab, keli) meesha carradeeda biyuhu ka dusaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddac
-a: (magac, lab, keli) hubaal male iyo maanba lagu garan karo. In la wada dhimanayaayi waa qaddac.
qaddac-a: (magac, lab, keli) weel aad u yar oo subagga iyo saliidda lagu cabbiro. Qaddac ayay wax iigu miiseen. Dh: afkulibidh.
qaddac-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar caruureed ay dhagaxaan ku ciyaaraan oo mid walba doono inuu dhagax ku dhifto dhagaxa kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aflixid
(Aflixid-da)
(waxbarasho...) liibaanid; guuleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aflixid
m.f.dh eeg aflax². la-mid: aflax¹, aflaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afduubid
(Afduubid-da)
Xoog ku kaxaysasho; qafaalid; boojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afduubid
m.f.dh eeg afduub². la-mid: afduub¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduubid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo xoog ku kaxaysad; qafaalashada dad ama duunyo. Dh: afduubis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
afduubid
خَطَّفَ اخْتِطَافِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afyuubid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir iyo aftaagid cid na lala hadli waayo. Afyuubid buu kulankii ku dhammaystay, kolkii gartii laga helay. Dh: aftaagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falliidh
m. n. splinter, chip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falliidh
(fal) (ka ~) wax weyn wax yar oo ka mid ah, ka dillaaci. Dh: falliir.
falliidh: (fal) «kala walax isku taallay, labo u kala dillaaci. Qoriga qaadi kari mayside, kala faldhiidh. Dh: dhanbal.
falliidh -ka: (magac, lab, keli) eeg falladh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falliidh
de: splinter, chip {N}
lx: falliidh
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: falliidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafkujiid
-ka: (magac, lab, keli) marada dacalkeeda ku dhufasho iyadoo qofka la dhaafayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habkulxidh
m.l (fiisikis) Hab kul daynaamikaad oo dhaca ama dhammaysyirma iyada oo aanu kul soo gelin kana bixin. Guud ahaan, isbeddelka kul-xidh waxa uu keenaa kor u-kaca ama hoos u-dhaca heerkulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habkulxidh
-ka: (magac, lab, keli) hab kul daynaamikaad oo dhaca ama dhammaystirma iyada oo aanu kul soo gelin kana bixin. Guud ahaan, isbeddelka kul-xidh waxa uu keenaa kor'ukaca ama hoos'udhaca heerkulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkulibaaxle
-ha: (magac, lab, keli) magaca jaad kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hab kul-xidh
Adiabatic process
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkurubadle
-ha: (magac, lab, keli) daadka inta ugu horraysa ee soo rogmata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalliidh
(fal) faas ama gudin ku yaryaree xaabo iyo wixii la mid ah. Dh: jeexleex, dildullaaci.
falfalliidh -ka: (magac, lab, keli) digir inta la dubo oo la tumo la kariyo. Dh: faracad.
falfalliidh-ka: (magac, lab, keli) wax la jeexjeexay ama la dildillaacshey; wax falliidho laga dhigay. Dh: falfalliir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hab-kulxidh
m.l (fiisikis) Hab kul daynaa-mikaad oo dhaca ama dhammaysyirma iyada oo aanu kul soo gelin kana bixin. Guud ahaan, isbeddelka kul-xidh waxa uu keenaa kor u- kaca ama hoos u-dhaca heerkulka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afkullibaaxle
(Afkullibaaxla-ha)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afkullibaaxle
m.l Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afkullibaaxle
m.l Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afkullibaaxle
m. n., [compound] fish species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afkullibaaxle
de: fish sp.
lx: afkullibaaxle
pd: (/ha)
ps: n-m-cmp
key: afkullibaaxle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafkulaciirid
-da: (magac, dhedig, keli) naf badbaadinteed meel ula cararid.