afjuxuunso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afjuxuunso
f.g3 (-saday, -satay) Xag aqooneed, aftahannimo iyo wixi lamida cid dood kaga badin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afjuxuunso
f.g3 (-saday, -satay) Xag aqooneed, aftahannimo iyo wixi lamida cid dood kaga badin. m.f.dh, afjuxuunsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afjuxuunso
v. interrupt, cut someone off, not let someone speak
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afjuxuunso
de: interrupt, cut s.o. off, not let s.o. speak
lx: afjuxuunso
pd: (afjuxuunsaday)
ps: v3a=
key: afjuxuunso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afjuxuunsi
(Afjuxuunsi-ga)
Qof laga hadal badan yahay, oo inta iintaas u lee yahay lagu haadsado, xaq uu lee yahay lagu seejiyo ama wax uusan yeeleen lagu yeelsiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afjuxuunsi
m.l la-mid: afjuxuunsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afjuxuunsi
vl. n. interruption, not letting someone speak
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afjuxuunsi
-ga: (magac, lab, keli) qof laga hadal badan yahay oo inta loo rakaabsado la seejiyo xaqiisa ama waxaanu yeeleen lagu jujuubo. Afjuxuunsi baa lagu marsadaye, lagama garhayn Cali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afjuxuunsi
de: interruption, not letting s.o. speak
lx: afjuxuunsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: afjuxuunsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afjuxuunsad
m.l la-mid: afjuxuunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afjuxuunsasho
m.f.dh eeg afjuxuunso. la-mid: afjuxuunsad, afjuxuunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquunso
f.g3 (-saday, -satay) Xoog wax ku meel marsasho. la-mid: maquunso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muquunso
f.g3 (-saday, -satay) Xoog wax ku meel marsasho. m.f.dh, muquunsasho. la-mid: maquunso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muquunso
v. do without permission, achieve by force
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunso
(fal) xoog ku qaado; awood kula teg. Haddaad itaal ku faantay muqoonso xoolahayga anna wixii ila gudboon ayaan fali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muquunso
bw: maquunso
de: do without permission, achieve by force
lx: muquunso
nt: muquunsad (ka) [vn-m], muquunsasho (/da) [vn-f], muquunsi (ga) [vn-m]
pd: (muquunsaday)
ps: v3a=
xv: diriqso
key: muquunso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tutuunso
(fal) «ku~awooddaada oo dhan wax saar si aad ugu guulaysato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afkuxuuble
m.l (-layaal, m.l/dh) Ilmo geel oo isaga oo aan dhammays ahayn nolol ku dhashay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afkuxuuble
m. n. fetus (of miscarried ~ prematurely-born camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkuxuuble
-ha: (magac, lab, keli) dhiciska geela oo ay gaajo ama harraad ka soo tuuray isaga oo aan shinkiisii gadhiin, welise nool. Dh: cabaaddheere.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afkuxuuble
de: fetus (of miscarried ~ prematurely-born camel)
lx: afkuxuuble
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: afkuxuuble
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxumaansho
m.l/dh eeg afxumow. la-mid: afxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afxumaansho
-ha: (magac, lab, keli) hadal aan asluubaysnayn ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxuunsho
(Faraxuunsha-da)
1. Summad u eg raadka xuunshada.
2. Geed yar oo dhulka banka ah ka baxa oo leh laamo dhuudhuuban oo la cuno oo macaan-dhanaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxuunsho
m.dh 1. Summad xoolaha lagu dhigo oo raadka xuunshada u eg. 2. Qof fulay ah. 3. Geed abaareed, leh laamo dhuudhuuban oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxuunsho
f. n. mark, trace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxuunsho
-da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo laamo dhuudhuuban oo la cuno oo macaan iyo dhanaan isku jira leh. Waxa uu ka baxaa dhulka banka ah.
faraxuunsho-da: (magac, dhedig, keli) summad xoolaad oo leh raadka xuunshada; summad raadka xuunshada u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxuunsho
de: mark, trace
lx: faraxuunsho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: faraxuunsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabxuunsho
(Laabxuunsha-da)
Lafsakaarta caaraddeeda hoose oo fiiqan; labxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabxuunsho
m.dh la-mid: laabtaxaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabxuunsho
f. n. point of the breast bone; xiphoid process
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laabxuunsho
-laabxuunshada: (n) xiphisternum (sifis-teer nem); xiphoid ~ feercalaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabxuunsho
-da: (magac, dhedig, keli) laf sakaarka caaradiisa hoose ku taalla. Laabxuunshada ayaa xanuunaysa. Dh: labxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabxuunsho
de: point of the breast bone; xiphoid process
lx: laabxuunsho
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: laabtaxaw, labxo
key: laabxuunsho
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FARA-XUUNSHOW
(Faro-hunsho) C Caralluma dicapuae Chiov. Asclepiadaceae.