afjig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afjig
f.g1 (-gay, -gtay) Qof hadlaya, iyadoo loo diidayo inuu sheego sir ama wax aan habboonayn hadal ka joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afjig
f.g1 (-gay, -gtay) Qof hadlaya, iyadoo loo diidayo inuu sheego sir ama wax aan habboonayn hadal ka joojin. m.f.d, afjigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afjig
v., [compound] silence (someone), shut (something) up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afjig
-ay -tay: (n) disrespect (dis rispekfy, show a lack of respect for; especially while someone is speaking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afjig
(fal) qof looga cabsanayo inuu sir baxsho, hadal ka jooji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afjig
de: silence (s.o.), shut (s.t.) up
lx: afjig
pd: (afjigay)
ps: v1=cmp
key: afjig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afwaaji
(fal) hadal aan weli la odhan, ka hortag Afwaaji intaanu kaaga horrayn hadalka.
afwaaji -ga: (magac, lab, keli) hadal qof odhan lahaa, hadal kale ka horgeyn; hadal aan weli la odhan ka hortegid. Dh: afjigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afjigid
(Afjigid-da)
Qof hadalka u diidid, ku celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afjigid
m.f.dh eeg afjig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afjigid
-da: (magac, dhedig, keli) qof looga cabsanayo inuu sir baxsho, hadal ka joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aji
(Aji-ga)
1. Dhalad ah; gob; xor.
2. Soomaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aji
m.l.u (aji, m.dh) 1. Qof nasab wanaagsan ka soo jeeda. 2. Soomaali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aji
m.l.u (aji, m.dh) 1. Qof nasab wanaagsan ka soo jeeda. 2. Soomaali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aji
m. n. important person, high-caste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aji
-ga: (magac, lab, keli) dadka, intooda dhaladka ah ama nasabka wanaagsan ku aroorta. Aji fal dhiman lama tuso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aji
de: important person, high-caste of traditional social standing
lx: aji
pd: (-ga ~ -da)
ps: n7-m
key: aji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fig
fig¹: m.dh la-mid: fiq.
fig²: m.dh (-gyo, m.dh) (jooloji) Meesha fiigan ee buurta, ee ka dul taagan dhulka ku wareegsan ama buurta inteeda kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fig
m.dh (-gyo, m.dh) (jool.) Meesha fiigan ee buurta, ee ka dul taagan dhulka ku wareegsan ama buurta inteeda kale.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fig
Apex
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fig
Apex
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
fig
Peak
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fig
/fig/ (n) tiin, geedka tiinka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fig
-ta: (magac, dhedig, keli) buur iyo wixii la mid ah, halka ugu sarraysa ee aan meeli ka korayn. Figta buurta nimankaa fantaan farasku gaadhayne. Dh: dhalad, dusha, fiin.
fig: (fal) carar oo meel kale u baxso. Gandihii midduu wada nacee gacalka fiigaysa, abidkay intaan gabaw wataba guur aan ka la'aado. Dh: firix, carar, baxso, baydad.
fig-ga: (magac, lab, keli) noole, carar iyo baxsad ku jirid. Dh: baxso, caymad, carar. Li: hebedow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fig
n., berde or berda, -ihi, daray, -gi.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Jig
Alaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jig
(ereycodeed) lagu tusmeeyo wax soo dhacay oo dhulka cuskaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afri
-da: (magac, dhedig, keli) magac loo yaqaan xigtada qofka dhagarqabaha ah.
afri -da: (magac, dhedig, keli) xumaanta ka dhaxaysa labo reer ama labo dhinac oo is haya. Utun baa u dhaxaysiyo, afri aan bogsoonayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afti
(Afti-da)
1. Arrin ama qaanuun, in la oggolaado ama la diido darteed, dadweynaha ama tolka loo bandhigo.
2. Farriin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afti
m.dh (-iyo, m.l) Arrin ama qaynuun, in la oggolaado ama la diiddo darteed, ay dowladi shacbigeeda u bandhigto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afti
m.dh (-iyo, m.l) Arrin ama qaynuun, in la oggolaado ama la diiddo darteed, ay dowladi shacbigeeda u bandhigto. Tusaale: Afti ha loo qaado dastuurka cusub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afti
f. n. opinion, ascertaining consent, plebescite; referendum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afti
-da: (n) referendum (referendum); plebiscite (pilibiseeyt); vote (vowt) ~ doorasho
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
AFTI
Verbale
Verbatim record
Waa qoraalka lagu diiwaan geliyo hadallada fadhiyada Guddiyada, waxaana lagu muujiyaa ujeeddada Shirka, wixii xubin waliba ku hadashay iyo go'aanka guud ee la gaarey.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Afti
Verbale
Verbatim record
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afti
-da: (magac, dhedig, keli) cod laga qaado dadka si loo ansaxiyo sharcinimada dastuur iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afti
de: opinion, ascertaining consent, plebescite; referendum
lx: afti
pd: (-da)
ps: n1-f, n7-f
key: afti
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ajil
-ajisha: (n) fate (feeyt) ~ qaddar, see also [eeg] ajal. —Syn: destiny, kismet, lot, portion
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajir
m.l la-mid: ajar¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajir
-ka: (magac, lab, keli) abaalmarinta ay xagga Rabbi addoomadu ka helaan, marka ay gutaan waajibaadkii uu faray ama ay sameeyaan samafal iyo wax wanaagsan oo kale. Li: ciqaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alji
m.l.u (-iyo, m.dh) (baayoloji) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox ablaablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alji
m.l.u (-iyo, m.dh) (baay.) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox abla-ablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arji
(Arji-ga)
Waxweyddiisad qoran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arji
m.l (araaji /-iyo, m.dh) Qoraal loo diro dawlad, shirkad, hay'ad iyo wixi lamida oo wax lagu weyddiisanayo ama lagaga cabanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arji
m.l (araaji /-iyo, m.dh) Qoraal loo diro dawlad, shirkad, hay'ad iyo wixi lamida oo wax lagu weyddiisanayo ama lagaga cabanayo. m.dh.w, araaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arji
m. n. petition, written request, appeal; job application
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arji
-ga: (n) 1. application (ap li keey-shin); a request, as for assistance, employment, or admission [for example to a school] ~ araaji. 2. petiton (pati shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arji
-ga: (magac, lab, keli) codsi qoran; waraaq cid loo qorto si wax loogu weydiisto. Dh: codsi. Wa: arjiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arji
bw: Arabic
de: petition, written request, appeal; job application
lx: arji
pd: (-ga Pl: araaji (da))
ps: n2a-m, n8-m
key: arji
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
arji
اسْتِمَارَةَ اسْتِثْمَارَة، طَلَب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiig
fiig¹: m.l la-mid: fiigid.
fiig²: f.mg1 (-gay, gtay) 1. Neef qalo la cararid. 2. Irdhoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiig
f.mg1 (-gay, gtay) 1. Neef qalo la cararid. 2. Irdhoobid. m.f.dh, fiigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiig
v. run in panic, stampede
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiig
-ay/tay: (v) fill with fear: frighten (faraayten); terrify (terafaay)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiig
de: run in panic, stampede
lx: fiig
pd: (fiigay)
ps: v1=
key: fiig
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
affix
/affiks/ (v) dhejiyow, isky hirow. I affixed labels to the envelopes.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afrid
m.l Mayrax, derin iyo wixi lamida oo daaha looga dhigo aqal-Soomaaliga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afrid
f. n. bullet
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afrid
de: bullet
lx: afrid
pd: (-da)
ps: n-f
syn: xabbad
key: afrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afrog
afrog¹: m.l la-mid: afrogid.
afrog²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Weel afkiisa sare hoos marin. 2. Weel waxa ku jira ka wadaddaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afrog
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Weel afkiisa sare hoos marin. 2. Weel waxa ku jira ka wadaddaadin. m.f.dh, afrogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afrog
v. turn something upside down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afrog
(fal) gembi oo xagga kale u rog: foorari oo madaxiisa mijo ka yeel. Foostadaa afrog biyo kuma jiraane. Dh: genbi.
afrog-ga: (magac, lab, keli) gembinta iyo foorarinta walax. Dh: genbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afrog
de: turn s.t. upside down
lx: afrog
nt: afrogid (da) [vn-f]
pd: (afrogay)
ps: v1=tr
key: afrog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aftin
(Aftin-ta)
1. Kobta banka iyo dhirtu dhinaca isaga hayaan oo labadaba laga gaari karo; iran.
2. Meel dihin oo aan la daaqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftin
m.dh (-nno, m.dh) Meesha ay banka iyo aydu iska galaan. 2. Meel dihin oo aan la daaqin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aftin
m.dh (-nno, m.dh) Meesha ay banka iyo aydu iska galaan. 2. Meel dihin oo aan la daaqin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aftin
f. n. virgin land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftin
-ta: (magac, dhedig, keli) kobta banka iyo dhirtu dhinaca iskaga hayaan oo labadaba laga gaadhi karo. Reerku waxa uu deggan yahay aftinta ugu sokaysa. Dh: qoor, idhan, iran, afmeer.
aftin-ta: (magac, dhedig, keli) meel dihin oo aan la daaqin. Dh: cogor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aftin
de: virgin land
lx: aftin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: aftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftir
aftir¹: m.l (-rro, m.dh) Cad maro ah ama warqad afka lagu tirto.
aftir²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax af la' ka dhigid (qalab wax gooya). 2. (f.mg) Qof af u tirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aftir
aftir¹: m.l (-rro, m.dh) Cad maro ah ama warqad afka lagu tirto.
aftir²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax af la' ka dhigid (qalab wax gooya). 2. (f.mg) Qof af u tirid. m.f.dh, aftirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aftir
m. n. napkin, table napkin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aftir
-ka: (n) napkin (naapkin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg afmaris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aftir
de: napkin, table napkin
lx: aftir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: aftir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuug
afuug¹: m.l Caws ka jaridda beer la geed qaaday. la-mid: afuugid.
afuug²: f.g1 (-gay, -gtay) Beer la geed qaaday caws ka jarid. la-mid: afruug².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afuug
m.l Caws ka jaridda beer la geed qaaday. la-mid: afuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxir
afxir¹: m.l Asraar loo akhriyo xoolo lumay si uusan dugaag u cunin. la-mid: aftuur¹.
afxir²: f.g1 (-ray, -rtay) Xoolo lumay quraan u akhrin si aan dugaag u cunin. la-mid: aftuur².
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
affligé
affligé, adj. - Murugaysan; Murugo leh; Murugoonaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afjarid
-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) hawl socotay, dhammaystirid; soo gebagebaynta shaqo la hayay. Shirkii Carta ayaa lafdhabar ka ahaa soo afjaridda dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya. Dh: dhammaystirid, gebagebayn, gunaanadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) hore u dhicid; kufitaan afka loo dhaco. Dh: afgoosi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afjidid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afgoosi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afjilid
-da: (magac, dhedig, keli) canjilidda qof kale oo waxa uu yidhaahdo lagaga daba cesho. Dh: canjilid, canjilis.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afti-ga
1) note, 2) note verbale (dipl.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuujin
m.dh Burburinta beer carradeeda lagu sameeyo si loo carrageddiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afuujin
m.dh Burburinta beer carradeeda lagu sameeyo si loo carrageddiyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaajiga
(n) pilgrim (pil-garam); haji or hajji (haaji)