afgorofow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgorofow
(Afgorofow-ga)
Cudur afka ku dhaca; cabeeb; ajarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgorofow
m.l la-mid: afdhalow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgorofow
m. n. disease of the mouth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afgorofow
-ga: (n) disease that affects the mouth ~ cabeeb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgorofow
-ga: (magac, lab, keli) eeg afdhalow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgorofow
de: disease of the mouth
lx: afgorofow
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: afgorofow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhalow
m.l Cudur afka dadka iyo xoolaha ku dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. la-mid: afgorofow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afdhalow
m.l Cudur afka dadka iyo xoolaha ku dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. la-mid: afgorofow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgoror
-ka: (magac, lab, keli) dhul xaaluf ah; dhul baad lahayn oo daaq xoolaad ka jirin. Afgoror xoole kuma dhaqmaan. Dh: madaxkar, madax-xalxal, barqafadhiisi, afgodhodh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoomow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax agoon ah noqosho (ilmo). la-mid: agoomow, agoontow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agoomow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax agoon ah noqosho (ilmo). m.f.dh, agoomoobid. la-mid: agoontow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoomow
(fal) labadaada waalid ama midkood ha ka dhinto oo waa. Agoomow baa la yidhi, ninkii ummo waayayow. Dh: agoonow.
agoomow -ga: (magac, lab, keli) agoon noqosho; qof waalidkii geeriyooday noqosho. Dh: agoonow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoonow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: agoomow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoonow
(fal) labadaada waalid ama midkood waa. Dh: agoomow.
agoonow-ga: (magac, lab, keli) labada waalid ama midkood waayid. Dh: agoomow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgarooc
(Afgarooc-a)
Aan hadalka si wanaagsan u sheegi karin, u jeedin karin; aan codkar ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgarooc
m.l (-cyo, m.dh) Qof aan hadalka si fiican u jeedin karin; aflaawe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afgarooc
m.l (-cyo, m.dh) Qof aan hadalka si fiican u jeedin karin; aflaawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgarooc
m. n., [compound] inarticulate person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgarooc
-a: (magac, lab, keli) qof aan si wanaagsan hadalka u sheegi karin; qof aan si cad dadka wax ugu jeedin karin; qof aan codkar ahayn. Afgarooc gar looma dhiibto. Dh: afgabnay, afgabno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgarooc
de: inarticulate person
lx: afgarooc
pd: (-a)
ps: n2-m-cmp
key: afgarooc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgororid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul xaaluf ab noqosho, dhul afgoror ku dhacay oo an daaq lahayn noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangorofle
-ha: (magac, lab, keli) qof labadiisa dul ee sanku kor u xaydan yihiin; foolxumo sanka gasha oo uu sidii gorof noqdo. Dh: kamasdacawo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Cid ujeeddadeeda fahmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afgaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Cid ujeeddadeeda fahmid. Tusaale: Nimankii dagaalsanaa way is afgarteen. m.f.dh, afgarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgaro
(fal) garo oo fahan waxa uu ku leeyahay.
afgaro: (fal) sii wax uu hawlfududayn kuugu sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afrood
-ka: (magac, lab, keli) ciyaarta shanoodka ama halhallaha afarta dhagax kolka mar qudha la isku qaado. Ciyaarta, marna labalabood u qaado marna afrood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goolow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Gool noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goolow
inch. v. gain weight, get fat (of livestock ~ animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolow
(fal) naax oo gool noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goolow
a: gooloob
de: gain weight, get fat (of livestock ~ animal)
lx: goolow
pd: (gooloobay)
ps: v1=inch
key: goolow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gootow
m.l.kh G. ah: nin dhallin yar oo aan weli guursan; doob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gootow
-ga: (magac, lab, keli) qooqa awrka. Dh: malanda.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gorodo
name-f black-maned
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goroyo
(Goroya-da)
Shinbiraha hadda adduunka ku nool tan ugu weyn; waxay ku dhaqantaa Afrika iyo Bariga Dhow, waxay leedahay sur dhuuban oo dheer iyo madax yar; lugo iyo bowdyo diiran oo mid waliba ku dhammaato labo suul; baalal gaaggaaban oo ayan ku duulin, aadse u qurux badan (kuwa haldhaaga); warriile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goroyo
m.dh Haadda dunida ku nool midda ugu weyn, aan duulin, sur dheer oo aan dhogor lahayn, baalal qurxoon leh oo hilibkeeda la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goroyo
m.dh Haadda dunida ku nool midda ugu weyn, aan duulin, sur dheer oo aan dhogor lahayn, baalal qurxoon leh oo hilibkeeda la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goroyo
f. n. ostrich; female ostrich
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goroyo
-goroyada: (n) ostrich (ostarij); usually the female one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goroyo
-da: (magac, dhedig, keli) shinbiraha tan ugu weyn, waxay leedahay sur dheer iyo madax yar: lugo iyo bowdo diiran oo mid waliba ku dhammaado labo suul iyo baalal gaaggaaban oo aynan ku duuli karin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goroyo
cf: goray, haldhaa (male), booso, goroyacawl, haldhurre (female), warriile (baby)
de: ostrich; female ostrich
lx: goroyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: goroyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoroow
(fal) ka hoos bax gumaysi oo ka mad bannaanaw. Ka xoroow gacan hoorsiga shishe Dh: xorow. Li: gunow, addoomow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgoosi
-ga: (magac, lab, keli) canaantan iyo gooddi qof kale ku aammusiin. Dh: afgoosasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Afgooye
pr. n., loc. Afgoi [town just outside of Mogadishu.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Afgooye
cf: istun
de: Afgoi [town just outside of Mogadishu]
lx: Afgooye
ps: n0-loc
key: Afgooye
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BOOROOW
(Boro) N Aristolochia bracteolata Lam. Aristolochiaceae.
N Aristolochia rigida Duch. Aristolochiaceae.
N,S Capparis cartilaginea Decne Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hororow
-ga: (magac, lab, keli) astaamo dhaqan xumo ah.
hororow: (fal) dhaqanka hororka yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorofol
m.l la-mid: qaranful.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoomow
f.mg1 (-oobay, -owday; oobi) Addoon noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoomow
-ga: (magac, lab, keli) qof addoon ah noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflaroor
-ka: (magac, lab, keli) qof hadal badan oo xeelad iyo afbadni wax ku goosta. Dh: aflahaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afmaroor
-ka: (magac, lab, keli) hadalka sirgaxan hadal siduu ku qummanaa laga weeciyo oo si sirgaxan loo yidhaahdo.
afmaroor: (tilmaame) walax afqalloocsan oo bir ama wax la mid ah ka samaysan; qalabka lagu dagaallamo ee biraha ah midkood. Li: afyuub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoontow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: agoomow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoontow
-ga: (magac, lab, keli) eeg agoomow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofow
f.mg1 (-oobay, -owday: -oobi) la-mid: galoof².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoofow
-ga: (magac, lab, keli) neef, galoof noqosho oo rimiwaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orgootow
m.l (-ooyin, m.l) Neef dheddig oo marar badan inta orgootay aan rimin. la-mid: orgootay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orgootow
-ga: (magac, lab, keli) sac rimiwaaya. Dh: madhalays.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
vigoróso
agg. - firfircoon, xoog leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangorofleh
-a: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah masaska, laayaan ah oo madaxiisu gorof oo kale yahay. Sangorofluhu waa qatar ninkuu qanino.