afgobaadsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgobaadsasho
m.f.dh eeg afgobaadso. la-mid: afgobaadsad, afgobaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgobaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal edeb iyo hufnaani ku dheehan tahay, qof kale, sidii uu rabay u dhihid. Dh: afgobaadsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgobaadso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hadal macaan oo hufan oo eed ka carar darteeda keliya u dhihid. 2. Si asluub leh arrin uga xogwarramid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afgobaadso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hadal macaan oo hufan oo eed ka carar darteeda keliya u dhihid. 2. Si asluub leh arrin uga xogwarramid (qof). m.f.dh, afgobaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgobaadso
v. placate by speech, appease, pacify; speak diplomaticly, make excuses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgobaadso
(fal) hadal macaan oo hufan ku hadal adiga oo eed ka cararaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgobaadso
de: placate by speech, appease, pacify; speak diplomaticly, make excuses
lx: afgobaadso
pd: (afgobaadsaday)
ps: v3a=
key: afgobaadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgobaadsad
m.l la-mid: afgobaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgobaadsad
-ka: (magac, lab, keli) hadal macaan oo hufan qof kale ku dhihid; hadal ammaani ku jirto qof kale ku soo dhoweyn. Afgobaadsad ma ahayn waxaan idhi ayaantiiye, Ilaah baa ogaayoo run baa iga odhaahsiisay. Dh: afgobaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugbaadsasho
m.f.dh eeg ugbaadso. la-mid: ugbaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugbaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cosob iyo udgoon yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarsasho
m.dh la-mid: abaarsad, abaaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgobaadsi
(Afgobaadsi-ga)
Hadal macaan oo hufan oo eed ka cararid darteed keliya loo yiraahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgobaadsi
m.l la-mid: afgobaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgobaadsi
m. n. placatory sweet-talk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afgobaadsi
-ga: (n) compliment (koonrpalemenfy, an expression of praise especially when someone offers something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgobaadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg afgobaadsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgobaadsi
de: placatory sweet-talk
lx: afgobaadsi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: afgobaadsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) hore u dhicid kufitaan afka loo dhaco.
afgoosasho-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal u diiditaan ay canaani ku jirto; canaantan iyo gooddi qofka lagu aammusiiyo. Afgoosashada anaa diiday, marti ma aha ereygaygu, odhaahdiisa waan sheegan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaansasho
m.f.dh eeg abbaanso. la-mid: abbaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaansasho
-ha: (magac, lab, keli) cid kale wakiil ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awlaadsasho
m.f.dh eeg awlaadso. la-mid: awlaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furaadsasho
(Furaadsasha-da)
Furaad ku xanbaarasho; sida furaadka loo qaatoo kale, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaadsasho
m.f.dh eeg furaadso. la-mid: furaadsad, furaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) furaad ku xanbaarasho; sida furaadka loo qaato oo kale, u qaadasho. Dh: furaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabsasho
m.f.dh eeg gabaabso. la-mid: gabaabsad, gabaabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadsasho
m.f.dh eeg garaadso. la-mid: garaadaysasho, garaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aansasho
m.f.dh eeg go'aanso. la-mid: go'aansad, go'aansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aansasho
-da: (magac, dhedig, keli) go'aan gaadhis; qaraar qaadasho. Go'aansasho ayey arrintu u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbaadsasho
(Ilbaadsasha-da)
Ilbaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaadsasho
m.f.dh eeg ilbaadso. la-mid: ilbaadsad, ilbaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadsasho
m.f.dh eeg badbaadso. la-mid: badbaadaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad leedahay dhibaato ka badbaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaadsasho
m.f.dh eeg gabbaadso. la-mid: gabbaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) gabbaad ka yeelasho; gabbaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afhaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo, ka aammusid. Dh: afhaysi, hadaaqid, hadliwaayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) tiro saddex afar ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaagsasho
m.f.dh eeg asaagso. la-mid: asaagsad, asaagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid aad isku fil iyo da' tihiin u arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaansasho
m.f.dh eeg ayaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) ayaan iyo nasiib ka dayid; ku nasiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaarasho
m.f.dh la-mid: gabrasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogobsasho
m.f.dh eeg rogobso. la-mid: rogob-sad, rogobsi, roqobsad, roqobsasho, ro-qobsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogobsasho
-da: (magac, dhedig. keli) muuqa maydhaxda muudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarsasho
m.dh eeg ugaarso. la-mid: ugaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaarsasho
vl. n. hunting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaarsasho
-ugaarsashada: (n) hunting (han-tin-ing)-, the act of hunting ~ ugaarasho, ugaarsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh soo qabasho ama dabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaarsasho
de: hunting
initial: u
lx: ugaarsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ugaarsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogobsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xobog xaquuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaansasho
m.f.dh eeg ammaanso. la-mid: ammaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) ammaano ahaan u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorarsasho
m.dh la-mid: foororsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hoos gorodda u laallaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydsasho
m.dh la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhayalsiga hawl ama xil ku saarnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobaabasho
m.f.dh eeg goobaabo. la-mid: koobaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaagsasho
m.f.dh eeg hagaagso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, hoggaan ku wadasho. Dh: hogaansad, hogaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilwaadsasho
m.f.dh eeg ilwaadso. la-mid: il- waadsad, ilwaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaabasho
m.f.dh la-mid: goobaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaadsasho
m.dh la-mid: lixaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lixaadsasho
(Lixaadsasha-da)
1. Lixaad yeelasho; tabaraysasho.
2. (laba lixaadsasho) socod xoog leh socosho; socodka labajibbaarid; dheerayn; lixaadsasho (ama laxaadsasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixaadsasho
m.f.dh eeg lixaadso. la-mid: laxaadsasho, laxaadsi, lixaadsad, lixaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lixaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada xoog badan iyo tamar. Dh: itaalsasho, laxaadsasho, tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaadsasho
m.f.dh eeg milaadso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muraadsasho
(Muraadsasha-da)
Muraadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadsasho
m.f.dh eeg muraadso. la-mid: muraadsad, muraadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadsasho
m.f.dh eeg siyaadso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh dabasho; ugaadh ku noolaansho. Ugaadhsashada biciidku waa dhib badan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaalsasho
m.f.dh eeg xagaalso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbilaabasho
m.f.dh eeg afbilaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) aqal, xafiis ama wax kale, qalabaysasho. Dh: alaabaysad, alaabaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashahaadasho
m.f.dh eeg ashahaado².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ashahaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaahay kelinimadiisa aqoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finnaaqsasho
m.f.dh eeg finnaaqso. la-mid: finnaaqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finnaaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) caano yar dhamid adiga oo fiiqsanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolbaxsasho
(Foolbaxsasha-da)
1. Bunka subagga lagu dubo, subaxdii marsasho, cunid.
2. Quraacasho; hamuuntirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolbaxsasho
m.f.dh eeg foolbaxso. la-mid: foolbaxsad, foolbaxsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolbaxsasho
vl. n., [compound] rubbing the ghee ~ oil from fried coffee beans on one's face and body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolbaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baxsashada ama lumitaanka xoolaha, kolka ay xanuunka foosha xamiliwaayaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolbaxsasho
a: foolbaxsad (ka) [vn-m], foolbaxsi (ga) [vn-m]
de: rubbing the ghee ~ oil from fried coffee beans on one's face and body
lx: foolbaxsasho
pd: (/da)
ps: vn-f-cmp
key: foolbaxsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacsasho
m.f.dh eeg fullaacso. la-mid: fullaacsad, fullaacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) in ka soo goosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarsasho
m.f.dh eeg gargaarso. la-mid: gargaarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobolaysasho
m.f.dh eeg gobolayso. la-mid: gobolaysad, gobolaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaarsasho
m.f.dh eeg haybaarso. la-mid: haybaarsad, haybaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hoggaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaansasho
m.f.dh eeg hoogaanso. la-mid: , hoogaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarsasho
m.f.dh eeg khabaarso. la-mid: khabaarsad, khabaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) warar iyo xog ka raadsasho; waraysasho; akhbaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugabaxsasho
m.f.dh eeg lugabaxso. la-mid: lugabaxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabbaansasho
(Qabbaansasha-da)
Qabbaan ka dhigasho; ciidansasho; adeegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbaansasho
m.f.dh eeg qabbaanso. la-mid: qabbaansad, qabbaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qabbaanasho.
qabbaansasho -da: (magac, dhedig, keli) qaraabo ahaan u raadsi. Waxan ku socdaa qabbaanasho aan dad ku raadinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooqaarsasho
m.f.dh eeg qooqaarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooraansasho
(Qooraansasha-da)
Wax eegid iyadoo qaarka sare la godayo ama kor loo qaadayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraansasho
m.f.dh eeg qooraanso. la-mid: qooraansad, qooraansi.