afgobaadsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgobaadsad
m.l la-mid: afgobaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgobaadsad
-ka: (magac, lab, keli) hadal macaan oo hufan qof kale ku dhihid; hadal ammaani ku jirto qof kale ku soo dhoweyn. Afgobaadsad ma ahayn waxaan idhi ayaantiiye, Ilaah baa ogaayoo run baa iga odhaahsiisay. Dh: afgobaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgobaadsi
(Afgobaadsi-ga)
Hadal macaan oo hufan oo eed ka cararid darteed keliya loo yiraahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgobaadsi
m.l la-mid: afgobaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgobaadsi
m. n. placatory sweet-talk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afgobaadsi
-ga: (n) compliment (koonrpalemenfy, an expression of praise especially when someone offers something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgobaadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg afgobaadsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgobaadsi
de: placatory sweet-talk
lx: afgobaadsi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: afgobaadsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgobaadso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hadal macaan oo hufan oo eed ka carar darteeda keliya u dhihid. 2. Si asluub leh arrin uga xogwarramid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afgobaadso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hadal macaan oo hufan oo eed ka carar darteeda keliya u dhihid. 2. Si asluub leh arrin uga xogwarramid (qof). m.f.dh, afgobaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgobaadso
v. placate by speech, appease, pacify; speak diplomaticly, make excuses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgobaadso
(fal) hadal macaan oo hufan ku hadal adiga oo eed ka cararaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgobaadso
de: placate by speech, appease, pacify; speak diplomaticly, make excuses
lx: afgobaadso
pd: (afgobaadsaday)
ps: v3a=
key: afgobaadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgobaadsasho
m.f.dh eeg afgobaadso. la-mid: afgobaadsad, afgobaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgobaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal edeb iyo hufnaani ku dheehan tahay, qof kale, sidii uu rabay u dhihid. Dh: afgobaadsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarsad
m.l la-mid: abaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarsad
-ka: (magac, lab, keli) deegaan abaari heshay noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaadsad
m.l la-mid: furaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabsad
m.l la-mid: gabaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabsad
-ka: (magac, lab, keli) wax badnaa oo yaraada ama is dhima.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aansad
m.l la-mid: go'aansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aansad
-ka: (magac, lab, keli) go'aan qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaadsad
m.l la-mid: ilbaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadsii
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: abaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalgad
-ka: (magac, lab, keli) abaaldhac iyo wanaagga oo la gudi waayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
af badan
adj., [expression] sharp
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
af_badan
de: sharp
lx: af badan
pd: (afbadan)
ps: adj-expr
syn: afleh
key: af_badan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgaaban
Comp. adj., (ie. n., adj.): not talkative, taciturn, reserved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afgaaban
(adj) quiet person. Ex: Gaabane waa nin afgaaban; Gabane is a quiet man. see [eeg] af gaaban
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgaaban
de: not talkative, taciturn, reserved Lit: short mouth
lx: afgaaban
ps: adj-cmp
key: afgaaban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgumaas
-ga: (magac, lab, keli) qof af gaaban oo aan ku fiicnayn doodaha. Afgumaas gar looma dhiibto. Dh: afgaab, afkumaas. Dh: afmiishaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraysad
-ka: (magac, lab, keli) wax saddex ahaa, afar ka dhigasho. Saddexda jeer ee aan ciyaarnay afraysad bay u baahan yihiin. Dh: afraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaagsad
m.l la-mid: asaagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaagsad
-ka: (magac, lab, keli) cid aad isku fil tihiin ka yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaadad
m.dh (-do, m.l) Haweeney, rag iyo naago isu geysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaadad
-da: (magac, dhedig, keli) haweeney, rag iyo naago isu geysa. Dh: fataalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebaanad
-ka: (magac, lab, keli) eeg gabbaati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gisaasad
-da: (magac, dhedig, keli) muraayadda faynuuska ee dibaaradda dabaysha ka ilaalisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaasad
(Rafaasad-da)
Cad ka samaysan bir dhexe oo duuban oo wareegeysa iyo dhego serfo u eg oo balballaaran ama dhuudhuuban, oo si babac ah, madaxeeda uga taagtaagan oo biyaha ama neecawda xoog u jara; waxaa lagu rakibaa oo ku socda doonyaha iyo maraakiibta iyo dayuuradaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaasad
m.dh (-do, m.l) Qalab ka kooban carrabbo xalxalleefsan oo si gaar ah isugu rakiban, wareega oo maraakiibta iyo dayaaradaha dhaqaajiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rafaasad
f. n. propellor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaasad
-ka: (magac, lab, keli) qalab koranto ama dabay ku shaqeeya oo ka kooban naxaas wareegsan iyo baadad ay laydha ku babbiso. Dh: marawaxad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rafaasad
de: propellor (of boat or airplane)
lx: rafaasad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: rafaasad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogobsad
m.l la-mid: rogobsasho, rogob, roqob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarsad
m.l la-mid: ugaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarsad
-ka: (magac, lab, keli) dabashada ugaadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugbaadsi
m.l la-mid: ugbaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugbaadsi
-ga: (magac, lab, keli) dhir roob ku da'ay oo baxday oo aan cidi daaqin.
ugbaadsi -ga: (magac, lab, keli) dhul weli ugubah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugbaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Qof ugbaad doonasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugbaadso
v. look for virgin ~ fertile land; search for something new ~ a change
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugbaadso
(fal) cosob iyo udgoon yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugbaadso
cf: doogso
de: look for virgin ~ fertile land; [ext.] search for s.t. new ~ a change
initial: u
lx: ugbaadso
pd: (ugbaadsaday)
ps: v3a=intr
key: ugbaadso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogobsad
-ka: (magac, lab, keli) xobkisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorarsad
m.l la-mid: foororsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydsad
m.l la-mid: fududaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gadoodsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaadsan

gunaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Dhaawac wax hoos ka buka ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaansad
-ka: (magac, lab, keli) soo foorarsasho ama qooraansi. Dh: hoogaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilwaadsad
m.l la-mid: ilwaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaadsad
m.l la-mid: lixaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaadsad
-ka: (magac, lab, keli) laxaad yeelasho: tabaraysasho; lixaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixaadsad
m.l la-mid: lixaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lixaadsad
-ka: (magac, lab, keli) tabara iyo xoog yeelad; lixaad yeelad. Dh: lixaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadsad
m.l la-mid: muraadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraadsad
-ka: (magac, lab, keli) duco muraad laga leeyahay samaysasho. Dh: muraadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaadsan
Rafaad ku sugan; silicsan; jirraban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Nalfey rafaad hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rafaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Nalfey rafaad hayo ahaansho. m.f.dh, rafaadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rafaadsan
der. [adjective] struggling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rafaadsan
-aa / ayd: (adj) in pain; distressed; troubled; unhappy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaadsan
(tilmaame) mid carcaraafsan; mid dhib ku dhex jira. Agoon raafadsan baa raaskan deggan Dh: carcaraafsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rafaadsan
de: struggling
lx: rafaadsan
pd: (rafaadsanaa)
ps: adj-der
key: rafaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ragaadsan
Ragaad (qodax) mudey oo ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Neef geel ah oo ragaaday ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ragaadsan
der. [adjective] injured by a thorn in the foot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragaadsan
(tilmaame) dhaawacan oo cagta laga muday ah. Awr ragaadsan baan ragaadiyay.
ragaadsan: (tilmaame) caddilan oon shaqo ka socon. Shaqo sannad ragaadsan baan dhaqaajay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ragaadsan
de: injured by a thorn in the foot
lx: ragaadsan
pd: (ragaadsanaa)
ps: adj-der
key: ragaadsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhsad
-ka: (magac, lab, keli) ugaadha soo dabasho. Ugaadhsadka duurjoogta dad baa aad u yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadid
m.f.dh eeg afarqaad². la-mid: afarqaad¹ (1), afarqaadis, afarqaadlays, afarqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) orod afarta addin marba labo israac u qaadis. Afarqaadid buu awrku reerka ku yimid. Dh: baabacayn, durdurin, dhabaabacayn, saqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) hore u dhicid kufitaan afka loo dhaco.
afgoosasho-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal u diiditaan ay canaani ku jirto; canaantan iyo gooddi qofka lagu aammusiiyo. Afgoosashada anaa diiday, marti ma aha ereygaygu, odhaahdiisa waan sheegan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflagaaday
(fal) cid kale, ereyo aan raalli laga ahayn kula hadal; hadal cay iyo afxumo ah cid kale ku dheh; wax xun qof kale ku sheeg. Dh: cay, afxumay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftiqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aftiqaad. aftir ka: (magac, lab, keli) cuntada iyo sharaabka soonka lagu furo Bisha Ramadaan. Li: suxuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabaysad
-ka: (magac, lab, keli) qalab shaqo loogu baahan yahay urursigii. Dh: alaabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadsan
(tilmaame) mid samatabaxay; mid nabadgalay. Dh: samatabaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolbaxsad
(Foolbaxsad-ka)
Foolbaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolbaxsad
m.l la-mid: foolbaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolbaxsad
-ka: (magac, lab, keli) xanuunka foosha oo lala hallaabo; cararka neefku foosha qabata darteed la fakato. Dh: foolhallow, foolcarar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacsad
m.l la-mid: fullaacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaacsad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ku yaalla, soo rujisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarsad
m.l la-mid: gargaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarsad
-ka: (magac, lab, keli) taageersad, cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobolaysad
m.l la-mid: gobolaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaarsad
m.l la-mid: haybaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaansad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, meel u kaxaysad. Dh: kaxaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaansad
m.l la-mid: hoogaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogaansad
-ka: (magac, lab, keli) qooraansi; soo foorarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarsad
m.l la-mid: khabaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarsad
-ka: (magac, lab, keli) warar iyo xog ka raadin. Dh: waraysad, akhbaarsad.