afgembin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgembin
m.dh la-mid: afgembiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgembin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaankiisa iyo talo dal xoog iyo qori caaraddii kula wareegis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgembi
afgembi¹: m.l 1. Hab aan sharci ahayn oo dowlad dhisan lagu beddelo; inqilaab. 2. Hoosmaridda, wax afkooda sare uu hoos maro. 3. la-mid: afgembiyid.
afgembi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Hab aan sharci ahayn dowlad dhisan ku beddelid. 2. Wax afkooda sare hoos marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afgembi
afgembi¹: m.l 1. Hab aan sharci ahayn oo dowlad dhisan lagu beddelo; inqilaab. 2. Hoosmaridda, wax afkooda sare uu hoos maro.
afgembi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Hab aan sharci ahayn dowlad dhisan ku beddelid. 2. Wax afkooda sare hoos marin. m.f.dh, afgembiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgembi
m. n. revolution, coup d'etat; overturning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgembi
(fal) talada xoog ku muquuni oo taliskii hore ka maroorso.
afgembi -ga: (magac, lab, keli) hoggaankiisa iyo talada dal oo xoog iyo qori caaraddii lagula wareego. Dh: inqilaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgembi
de: revolution, coup d'etat; overturning
lx: afgembi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: afgenbi
key: afgembi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inqilaab
inqilaab¹: m.l (-byo, m.dh) Hab aan sharci ahayn oo dawlad dhisan lagu beddelo; afgembi.
inqilaab²: f.g1 (-bay, -btay) Dawlad dhisan si aan sharci ahayn ku beddelid; afgembin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjaxaabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof taagan ama socda lugihiisa dhulka ka qaadid si uu u dhaco. 2. Xukun afgembin. la-mid: majaxaabi, mijaxaabi, minjaxaabi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inqilaab
inqilaab¹: m.l (-byo, m.dh) Hab aan sharci ahayn oo dawlad dhisan lagu beddelo; afgembi.
inqilaab²: f.g1 (-bay, -btay) Dawlad dhisan si aan sharci ahayn ku beddelid; afgembin. m.f.dh, inqilaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
manjaxaabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof taagan ama socda lugihiisa dhulka ka qaadid si uu u dhaco. 2. Xukun afgembin. m.f.dh, manjaxaabin. la-mid: majaxaabi, mijaxaabi, minjaxaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gembin
m.dh la-mid: gembiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gembin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagnaa afka u rogid. Dh: genbin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afgambi
-ga: (n) coup (kuu), coup d'etat (kuu daytaa); insurrection (insarekshen) ~ inqilaab, afganbi. see also [eeg] af gambi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgenbi
(Afgenbi-ga)
Taliskii hore oo xoog lagu rido oo mid kale oo cusub la curiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgenbi
v., [compound] turn upside down; mount a coup d'etat, overthrow
afgenbi m. n. coup d'etat, revolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgenbi
-ga: (magac, lab, keli) eeg afganbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) hore u dhicid; kufitaan afka loo dhaco. Dh: afgoosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgembiyid
m.f.dh eeg afgembi². la-mid: afgembi¹ (3), afgembin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgembiyid
-da: (magac, dhedig, keli) samaynta inqilaab talada lagaga xayuubinayo taliskii hore oo mid cusub loogu wareejinayo, iyada oo xoog millateri la adeegsano. Afgembiyidda waataan arkeen eednay berigiiye, miyaa aayar la iskula hadloo edebta loo joogo. Dh: inqilaabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgenbi_1
a: afgembi
de: turn upside down; mount a coup d'etat, overthrow
hm: 1
lx: afgenbi
pd: (afgenbiyey)
ps: v2a=cmp
key: afgenbi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgenbi_2
de: coup d'etat, revolution
hm: 2
lx: afgenbi
pd: (-ga)
ps: n7-m
syn: inqilaab
key: afgenbi_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambin
m.f.dh eeg ambi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambin
-ta: (magac, dhedig, keli) luminta ama jaho ka luminta cid kale. Dh: hallayn, dhumin, lumis, anbis, ambis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebin
m.l Qalab lagu dabo shimbiraha siiba dagiiranka oo xidid geed ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gembi
gembi¹: m.l 1. Dagaal weyn oo lagu hoobto. 2. la-mid: gembiyid.
gembi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax afrogid. 2. Dagaal ku kicid. la-mid: gambi².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gembi
gembi¹: m.l 1. Dagaal weyn oo lagu hoobto.
gembi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax afrogid. 2. Dagaal ku kicid. m.f.dh, gembiyid. la-mid: gambi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gembi
v. turn something, upside down; overturn, overthrow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gembi
-yey I say: (v) bring the bottom to the top or vice versa, turn over; invert (inveert) ~ gambi, gaddi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gembi
a: gambi ~ genbi
de: turn s.t., upside down; overturn, overthrow
lx: gembi
pd: (gembiyey)
ps: v2a=
key: gembi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afwebi
m.l (--afwebi, m.l) (juqraafi) Halka webiga iyo baddu iska galaan, halkaas oo saamaynta mawjaddu ay ka muuqato, isla markaasna ah halka biyaha webiga ee macaan iyo biyaha baddu iskaga darsoomaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afwebi
m.l (-af ..., m.l) (juqraafi) Halka webiga iyo baddu iska galaan, halkaas oo saamaynta mawjaddu ay ka muuqato, isla markaasna ah halka biyaha webiga ee macaan iyo biyaha baddu iskaga darsoomaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambin
m.dh la-mid: gembiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo wixii la mid ah, afka u rogid. Dh: geddin, foorarin, genbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelbin
(Gelbin-ta)
(aroos, kd.) kaxayn; guriggeyn; wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelbin
m.dh la-mid: galbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelbin
-ka: (magac, lab, keli) sii sabootin; sii raacid iyo hareergelid la socod leh maamuusna ku jirto. Gelbintii suldaanka ayaan sii raacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gembis
m.l 1. la-mid: gembiyid. 2. G. ah: aqal waxa ku dedani hoos u fooraraan oo biyuhu ka daataan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gembis
-ka: (magac, lab, keli) aqal beeraleydu inta badan dhisato oo wareegsan xagga sarana qoryo iyo caws laga soo damaloolsho. Dh: mundul, gombis, gambise.
gembis -ka: (magac, lab, keli) weel iyo wixii la mid ah, dhanka afka u rogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
genbin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel godan ama wax kale, afka dhulka u dhigid ama hoos u foororin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afcelin
(Afcelin-ta)
*Afniqid; turjumaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afcelin
m.f.dh eeg afceli. la-mid: afcelis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afcelin
-ta: (n) 1. argument (aargiyuument); 2. translation (taraan-isleeyshin) ~ turjumaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afcelin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, af u turjumid. Dh: afniqid, turjubaanid, turjumaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afganbi
(fal) talada dal iyo hoggaankiisa, xoog iyo qori caaraddii kula wareeg.
afganbi -ga: (magac, lab, keli) hoggaankiisa iyo talada dal oo xoog iyo qori caaraddii lagula wareego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleemin
m.f.dh eeg aleemi. la-mid: aleemis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faambin
m.dh la-mid: faambiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faambin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax u boobid ama u cunid si aan habaysnayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
af genbi
af genbi-ga (n) coup (kuu), coup d'e-tat (kuu day-tad) ~ inqilaab
af genbi -yey / say: (v) overthrow (o var-tharowf, topple (tapal)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgaaban
Comp. adj., (ie. n., adj.): not talkative, taciturn, reserved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afgaaban
(adj) quiet person. Ex: Gaabane waa nin afgaaban; Gabane is a quiet man. see [eeg] af gaaban
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgaaban
de: not talkative, taciturn, reserved Lit: short mouth
lx: afgaaban
ps: adj-cmp
key: afgaaban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgamuun
-ka: (magac, lab, keli) qof aan balaaqo ama fasaaxa lahayn; qof aan garta si fiican u celin. Dh: afgamuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgenbiyid
(Afgenbiyid-da)
Afgenbi samayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
af gaaban
(adj) shy (shaay)-, reserved (riseervidy, modest (moodhest) demure (dimyuur) ~ xishood
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
affection
/affekshan/ (n) u dabacsanaan qof ama xayawaan; jeclaan; u roonaan. e.g. She looked at him with affection.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
affection
/afekshan/ (n) jeelang, ing roonang. I have a great affection for my kids.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
affection
n., jacayl, -ki, jeclaan, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargudbin
m.f.dh egg gargudbi. la-mid: gargudbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebin
m.f.dh eeg jalbeebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafajebin
m.dh Hadal saamayn weyn leh oo sharafta iyo shaqsiyadda qofka dhaawaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafajebin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, waxyeellayn iyo hagardaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggaabin
(Maggaabin-ta)
Cantuugid weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggaabin
m.f.dh eeg maggaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggaabin
-ta: (magac dhedig, keli) cantuugid xoog ah oo caano la soo lisay la cantuugo. Geelie magaabin buu ku dhergaa. Dh: qantuugid. Li: qudhqudhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaloombin
m.dh la-mid: qaloombiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruumbin
m.dh la-mid: xaruumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaangaambin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarrago iyo aayar u socosho.