affray
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
affray
n., dirir, -ti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afray
(fal) saddex la hayay mid afraad ku dar; afar ka dhig. Shaaha saddex kubbaayadood iguma fillee ii afray. Dh: afree.
afray: (fal) tiro saddex ahayd, ka afraad noqo; hadday sadex yihiin adu afray; ka afraad ahaw. Ciyaarta dhankaa baa saddex ahe, adigu afray. Dh: afree, afarree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Affuran
Aan soommanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Aan soommanayn. la-mid: afuran, afursan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
saffran
(see turmeric).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afay
(fal) mindi iyo wax la mid ah af wax gooya u yeel. Intaanad wanka ku gawricin billaawaha afay. Dh: lis, siifee, soofee, afee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fray
/frey/ (v) 1. tifmid, siib-siibmid, badanaa dhammaansho darteed. (n) 2. dagaal ama muran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafay
(fal) dhibaato iyo xumaan dad kale qabadsii oo gaadhsii. Haddii ad xanuun qabto dadka kale ha aafayn. Dh: aafee, ibtilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaray
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah shimbiraha oo midabka dambaska leh. Aaray ayaa geedkaa fuushan. Dh: adar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Afrax
name: Afrah
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Afrax
name-m success, gain; lit: succeed, be successful
Carabi: name-m happier, happiest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Afrax
magac loo baxsho wiil ama gabadh dhalashadeeda lagu farxay ama in badan la sugayay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Afrax
de: Afrah
lx: Afrax
ps: name-m
key: Afrax
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Array
Teed
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Array
Teed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
array
/arrey/arrays, arraying, arrayed; (n) 1. wax tiro badan oo il gabato leh. 2. wax meel lugu sharraxay ama lugu waray si ay dadka u soo jiitaan. e.g. She looked in the window at the array of jewellery.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
array
v.tr., (attire) xarrago.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Faray
(I) Cavallo bianco;
(E) White Horse
(S) FARAY (S. c. m.: Frai)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faray
(fal) faraha la gal oo ku taabtaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firay
(fal) turub iyo wixii la mid ah, dhinaca wax ku yaalliin muuji.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
foray
/foorey/ (n) weerar-kadis ah, oo siiba dhac ama bililiqo loo-baxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furay
(fal) meel daloosha, fur qeli oo awd. Dh: gufay, gufee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saddex ah mid ku darid oo afar ka dhigid. Saddexdoodu way isku filan yihiin oo afrayn uma baahna. Dh: afrays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg afrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuran
f.mg4 (-rnaa,-rnayd) la-mid: affuran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Aan soommanayn. m.f.dh, afurnaan. la-mid: afuran, afursan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afuran
der. [adjective] not fasting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuran
(tilmaame) aan soomanayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afuran
de: not fasting
lx: afuran
pd: (afurnaa)
ps: adj-der
key: afuran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araray
(fal) gogoldhig ama hordhac samee. Si habboon u araray maqaalka. Dh: araree.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
astray
/astrey/ (adv) marin habaabsan, waddada saxda ah ka weecsan. e.g. He is my best friend; he won't lead me astray.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
astray
/astyrey/ (adv) baathy eh, dhungsyng. My cat had gone astray.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
astray
ad., qallooc; go astray, ambo, habaab; lead astray, ambi, habaabi; they were led astray from the right worship of God, caabudniinti Ilaahay ee toosnayd baa iyaga laga ambiyay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
defray
/dhifrey/ (v) ka bixin (sida kharash ka dhiibid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdarray
(fal) afbeel oo waxba ha goyn, saawir noqo. Dh: afbeel, afdarree, saawirow
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
effrayer
effrayer, v. - bagdin gelin; ka bajin; bajin; bago gelin; ka nixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mafafaay
(Mafafaay-ga)
Babbaay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mafafaay
m.l Babbaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mafafaay
m. n. papaya
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAFAFAAY
(Mafafai) N? Carica papaya L Caricaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mafafaay
-ga: (magac, lab, keli) cambaha waawayn ee lafaha yaryar ee badan leh. Dh: babay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mafafaay
de: papaya
lx: mafafaay
pd: (-ga)
ps: n2-m-enum
syn: babbaay
key: mafafaay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaraad
m.l/dh.t.j Tirada jagaale, keeda u dhigma afarta. la-mid: afraad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afaraad
m.l/dh.t.j Tirada jagaale, keeda u dhigma afarta. la-mid: afraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afaraad
numeral: fourth
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afaraad
quatrième.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afaraad
-ka: (n) fourth (foorth)-, 4lh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaraad
-ka: (magac, lab, keli) tirada jagaale, keeda u dhigma afarta; midka saddexaad iyo ka shanaad, ka u dhexeeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afaraad
a: afraad
de: fourth
lx: afaraad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: afaraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareyn
m.f.dh eeg afaree. la-mid: afareys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareys
m.l la-mid: afareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarran
(Afarran-ka)
Saddex kale oo badanaa la dhalay weheliso oo afar ku tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarran
afarran¹: m.l Nalfey wax dhashay iyo saddexdeeda ilmood oo wadajira.
afarran²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax tiradoodu afar gaartay ahaansho; afar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afarran
m. n. quartet, any group of four persons ~ events
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarran
(tilmaame) qof ama neef saddex kale weheliso; qof ama neef wata saddex ilmihiisa ah.
afarran -ka: (magac, lab, keli) saddex cunug oo ay hooyadood weheliso; saddex ilmood oo hooyadood afar ku tahay. Sac afarran baan leenahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afarran
de: quartet, any group of four persons ~ events
lx: afarran
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: afarran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarrey
(Afarrey-da)
1. Gabay yar, shanley.
2. (shax) afar iska soo horjeedda oo hogi u dhexayso, oo ka samaysan labo jare oo taagan (isku dhici kara).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarrey
m.l (-yo, m.l) 1. Tix maanso ah oo dhowr beyd ka kooban. 2. Afar hog oo labada iska soo horjeedda ay yaallaan dhagxaan isku nooc ah, hog shanaad oo maran ama saalo taalna u dhexeeya (shax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afarrey
m.l (-yo, m.l) 1. Tix maanso ah oo dhowr beyd ka kooban. Tusaale: Gabyaa ma ihi, laakiin afarrey baan halkan ka tuurayaa. 2. Afar hog oo labada iska soo horjeedda ay yaallaan dhagxaan isku nooc ah, hog shanaad oo maran ama saalo taalna u dhexeeya (shax).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afarrey
f. n. short alliterative poem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afarrey
-da: (n) short verses of poem often by an skilled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarrey
-da: (magac, dhedig, keli) tixo gabay ah oo afar afar beyd ka kooban; maansada teeda an dheerayn oo wax la iskugu tilmaamo; dhawr beyd oo gabay ah. Samatar, shirkii afarrey buu ka tiriyey.
afarrey -da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta shaxda. dhagax oo kii la raraaba jare ka dhalanayo. Afarreyda jareeyay, oo irmaanta u dhaafaye, ma istaagi kartaa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afarrey
de: short alliterative poem
lx: afarrey
pd: (-da)
ps: n1-f
key: afarrey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afartan
(Afartan-ka)
Tiro ka kooban afar tobnaad, (40).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afartan
m.l.t Tiro ka kooban afar meelood oo min toban ah; “40”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afartan
m.l.t Tiro ka kooban afar meelood oo min toban ah; 40.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afartan
num. forty
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afartan
quarante.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afartan
-ka: (n) forty (foorti) ~ (40)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afartan
-ka: (magac, lab, keli) tirade u dhaxaysa sagaal iyo soddon '39' iyo kow iyo afartan '41'; afar meelood oo min toban ah. Afrtan jir adduun aqli wax ugama hadhsana.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afartan
de: forty
lx: afartan
pd: (-ka)
ps: num-m
key: afartan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbarad
m.l (-dyo, m.dh) Ilmo yar oo ku jira marxaladdii hadal barashada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afbarad
m.l (-dyo, m.dh) Ilmo yar oo ku jira marxaladdii hadal barashada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbarad
-ka: (magac, lab, keli) barashada af cusub, gaar ahaan carruurta yaryar. Afbarad hadalkiisa lama dhadhansado. Dh: hadalbarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan af lahayn ahaansho (qalab wax gooya).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdaran
(tilmaame) bir goynteedu daran tahay; bir saawir ah.
afdaran: (tilmaame) qof afxun kolka uu hadlayo; qof si aan asluubaysnayn u hadla.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
affreux
affreux, adj. - Wax ku naxdin geliya; wax kaa nixiya.
Necbaansho ama cabsi xun; Naxdin leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
affront
/affrant/affronts; affronting; affronted; (n) cay bareer ah, cambaarayn, jareexayn. e.g. It was an affront to her dignity.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
affront
affront, n.m. - Cay badheedh ah; jareexayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
affront
n., naxadin, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Affurid
(Affurid-da)
Soonka jebin; cunnada affurka cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affurid
m.f.dh eeg affur². la-mid: affur¹ (2), afur¹, afurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affurin
m.f.dh eeg affuri. la-mid: affursiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgarad
m.l la-mid: afgarasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Afgarad
Code
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Afgarad
Code
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgarad
vl. n. understanding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afgarad
-ka: (n) understand (ander-istand) ~ fahan. -Syn: apprehend, comprehend, grasp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgarad
-ka: (magac, lab, keli) erey sir ah oo dad gaar ah ka dhexeeya. Badanaa, waxa la adeegsadaa marka dagaal lagu jiro ama xaalad cabsi leh la marayo. Afgaradkeennu maanta waa 'waraabe'. Dh: afjaaq.
afgarad-ka: (magac, lab, keli) baaq ciidanka u gaar ah oo uu dhambaallada isugu diro. Dh: afgarasho.
afgarad -ka: (magac, lab, keli) «is ~ heshiis iyo iswaafaqid; isfahan. Dh: isfahan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgarad
de: understanding
lx: afgarad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: afgarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg afraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afrayso
(fal) afar ka dhigo; waxaad haysatid afar gaadhsiiso. Afrayso ciyaarta, saddex jeer baa lagaa badshee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftirad
-ka: (magac, lab, keli) wax afka ku yaalla iska bi'in; cuntada ka dib afka iska tirid. Dh: aftirtirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftiyay
(fal) afti qaad; aftiqaad samee. Haddii aad doonayso in dastuurku wax laga beddelo, aftiyay. Dh: aftiyee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afurran
-aa: (adj) not fasting, especially during the month of Ramadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afursan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: affuran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afursan
(tilmaan) mid afuray oo wixii uu soon ku jabayay sameeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Qof soon niyaystay ahaansho. 2. Dugaag si uusan xoolo lumay u cunin wax la afxiray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la odhan doono, arar ka hormarsasho. Dh: ararad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ararayn.