afeeftamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afeeftamid
m.f.dh eeg afeeftan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afeeftamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ay suurgal tahay in uu dhaco, hadal afeef ah, kala sii hortagid. Afeeftamid buu hadalkiisa ku bilaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feertamid
(Feertamid-da)
Cayaarta feerka cayaarid; feer isla dhicid; is feerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feertamid
m.f.dh eeg feertan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feertamid
-da: (magac, dhedig, keli) feedh iskala hor tegid; feedh ku ciyaarid ama ku dagaallamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afeefad
m.l la-mid: afeefasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afeefad
-ka: (magac, lab, keli) hadal afeef ah dhigasho. Afeefadka beenta, run baa ku abaadday. Dh: afeefasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afeeftan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ka a.: arrin afeef ka samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afeeftan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ka a.: arrin afeef ka samayn. m.f.dh, afeeftamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afeeftan
v. foretell; discuss ~ talk about something to make it happen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afeeftan
(fal) (ka ~) afeef dhigo oo ka sii horteg wax dooddaada burinaya; ka afeefo. Ka afeeftan waa taan ku idhi ereyadaadiiye.
afeeftan -ka: (magac, lab, keli) eeg afeeftamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afeeftan
de: foretell; discuss ~ talk about s.t. to make it happen
lx: afeeftan
pd: (afeeftamay)
ps: v1=tr
key: afeeftan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akeekamid
(Akeekamid-da)
Hadal akeekan ah, ku hadlid; muran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akeekamid
m.f.dh eeg akeekan². la-mid: akeekan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhtamid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale feedh kula dagaallamid ama ciyaarta feedhka ciyaarid. Dh: feertamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalbeebtamid
(Jalbeebtamid-da)
Jalbeeb isweydaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebtamid
m.f.dh eeg jalbeebtan². la-mid: jalbeebtan¹(2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xafiiltamid
(Xafiiltamid-da)
Is xifaalayn; is jurxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xafiiltamid
m.f.dh eeg xafiiltan². la-mid: xafiiltan¹, xifaalootan, xifaaltamid, xifaaltan¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafiiltamid
-da: (magac, dhedig, keli) isxifaalayn kaftan ah oo dacaayad iyo ficiltan ku jiro. Dh: isjurxayn.
xafiiltamid-da: (magac, dhedig, keli) faan ku tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariiftamid
m.f.dh eeg xariiftan². la-mid: xariiftan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariiftamid
-da: (magac, dhedig, keli) si xariifnimo ah u ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftaxid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aftaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufmid
m.f.dh eeg afuufan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid nakhas lagu afuufay noqosho; mid nakhas galay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaamid
(Eedaamid-da)
(xoolo) xanuun la ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaamid
m.dh la-mid: aadaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aadaamid.
eedaamid -da: (magac, dhedig, keli) riyaha xanuun la ciyid. Eedaamid ayaa ka dhamaatay xoolihii maanta xanuun dartii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faltamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale, la falgelid ama hawlgelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedagid
-da: (magac, dhedig, keli) feedag samayn; badar buushibixin. Dh: buushibixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feertame
m. n. fighter, boxer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feertame
-feertamaha: (n) [Pl. feertamayaa-sha] boxer (book-ser)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feertame
de: fighter, boxer
lx: feertame
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: feertame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filtamid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la bixinayo, dad badan wadaajin, u qaybin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
footamid
-da: (magac, dhedig, keli) caanawadaag ku tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hertamid
m.dh la-mid: hardamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaftamid
(Kaftamid-da)
Hadal ama waxyaalo kale oo kaftan ah ku kicid, isdhaafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaftamid
m.f.dh eeg kaftan². la-mid: kaftan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaftamid
-da: (magac, dhedig, keli) xafiiltan iyo dacaayad aan turxaan lahayn. Kaftamid badan iyo kaadi badan ba waa la isku nacaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afeefasho
(Afeefasha-da)
Afeef dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afeefasho
m.f.dh eeg afeefo. la-mid: afeefad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afeefasho
vl. n. explanation, apology
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afeefasho
-afeefashada: (n) disapproval (dis aparuuvel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afeefasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afeefad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afeefasho
de: explanation, apology
lx: afeefasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: afeefasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akeekanid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal akeekan ah ku hadlid; asaraartamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleegadid
-da: (magac, dhedig, keli) cod wanaagsan ku orin oo luuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beexaamid
m.f.dh eeg beexaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beexaamid
-da: (magac, dhedig, keli) yaryarayn oo horay u dhammaansho la'aan. Dh: badi, barakay, tarmi, tashiil, beeqaami, beexaami, maradhaadhi. beekhaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beratamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo ama in ka badan, tartamid. Dh: baratamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beretamid
m.dh la-mid: bedertamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beretamid
-da: (magac, dhedig, kei) orod lagu tartamayo ka qaybgelid. Beretamid weligu kumuu badin. Dh: baratamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeddamid
-da: (magac, dhedig, keli) dabada ka kaxaynta xoolo fara badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feegaarid
m.f.dh eeg feegaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feegaarid
-da: (magac, dhedig, keli) dersi buug ama loox laguugu dhigay, dib u qorid si aad farta u baratid.
feegaarid -da: (magac, dhedig, keli) si aan habaysnayn, wax u qorqorid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feetamiin
-ka: (n) vitamin (faaytamiin) ~ fiitamiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtamid
m.f.dh eeg fiiqtan². la-mid: fiiqtan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dad kale, habka fiiqsiga, caano iyo wax la mid ah u wadaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleeggadid
m.f.dh eeg aleegad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bedertamid
(Bedertamid-da)
Orod, la tartama hayo, ka qayb gelid; tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedertamid
m.f.dh eeg bedertan². la-mid: baratamid, beretamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedertamid
-da: (magac, dhedig, keli) eegid orod ka u dheereeya. Bedertamid ayuu u joogaa meesha. Dh: baratamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafirtamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad samaysay qirashadiisa diidid. Dafirtamid badanaa munaafaq iyo beenaale. Dh: inkirtamid, asaraartamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheecaamid
m.dh la-mid: dhacaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afeef dhigo
v., [compound] make an excuse, justify
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Afeef fudud
Hypothesis, simple
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afeef_dhigo
de: make an excuse, justify
lx: afeef dhigo
pd: (dhigtay)
ps: v3b=cmp
key: afeef_dhigo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
affectation
/affekteyshan/affectations; (n) dabeecad aan dhab ahayn oo layska yeelyeelo. e.g. His affectations are ridiculous.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
affectation
affectation, n.f. - Dabeecad aan dhab ama dabiici ahayn.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
atelectasis
(n) lack of gas from part or the whole of the lungs.
hawo la'aan ku dhacda qayb ama sambabka oo dhan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayactamid
m.f.dh eeg baayactan². la-mid: baayactan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayactamid
-da: (magac, dhedig, keli) doodda iyo saayiraadda dhex marta labo qof oo wax kala gadanaya. Dh: gorgortamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbartamid
m.f.dh eeg barbartan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbartamid
-da: (magac, dhedig, keli) barbar dhicid; natiijo isku mid ah keenid. Tartanka u dambeeya barbartamid lama oggola ee waa in midi badiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardootamid
m.dh la-mid: bardooddamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryootamid
m.f.dh eeg baryootan². la-mid: baryootan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryootamid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta hoos dhigasho dad kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caneeqaadid
m.dh la-mid: qaneeqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleeshamid
m.dh la-mid: delooshamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleeshamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dalooshamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafootamid
(Gaafootamid-da)
Gaafeysi; kaltamid; toogaysi; jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafootamid
m.f.dh eeg gaafootan². la-mid: gaafootan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafootamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax uu qofba kol qabto oo lagu kaltamo. Dh: kaayaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaartamid
m.f.dh eeg habaartan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruuftamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo iyo wax ka badan is huruufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleewaalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mala'awaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaneecaadid
m.f.dh eeg qaneecaad². la-mid: caneeqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaneecaadid
-da: (magac, dhedig, keli) faa'ideysi waxtarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajootamid
m.f.dh eeg xaajootan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajootamid
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo wada galid oo isla falanqayn. Xaajootamid ayaa xoolo lagu xero geliyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xifaaltamid
m.dh la-mid: xafiiltamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaaltamid
-da: (magac, dhedig, keli) kaftan is weydaarsasho oo isla xafaaltamid. Dh: isxifaalayn, xafaaltamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanafootamid
-da: (magac, dhedig, keli) caano dhamistooda ku tartamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafaalootamid
-da: (magac, dhedig, keli) xifaaltan is weydaarsasho oo isla kaftamid. Dh: isxifaalayn, xifaaltamid.