afdhuubaalay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubaalay
(fal) afdhuubaalayn u roor; roor adiga oo qoorta raaricinaya. Afdhuubaalay sida awrkiinna. Dh: afdhuubaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si geelu u ordo kolka uu dhergo oo aan durduro ahayne, inta uu luqunta raariciyo uu aad u ordo. Nirguhu baarqabka ayay afdhuubaalaynta kaga daydaan. Dh: afdhuubaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubaalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg afdhuubaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubyaalay
(fal) eeg afdhuubaalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhuubyaalayn
m.f.dh eeg afdhubyaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubyaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida geel dhergey u ordid oo qoorta raaricin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubyaalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg afdhuubaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhuubyaalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Afdhuubyaale samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdhuubyaalee
v. run in a straight line (of camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubyaalee
(fal) adiga oo qoorta raaricinaya orod.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afdhuubyaalee
de: run in a straight line (of camel)
lx: afdhuubyaalee
pd: (afdhuubyaaleeyey)
ps: v2b=
key: afdhuubyaalee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuublayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod uu geelu caan ku yahay oo uu qoorta raariciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhuubyaale
m.l Hab geela aarankiisu u ordo isagoo luqunta hore u dhiibanaya gafuurkana dhuubaya. la-mid: afdhuubyaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubyaale
-ha: (magac, lab, keli) orodka qoorta la niibiyo ama la raariciyo laftiisa oo uu geelu sameeyo kolka uu dhergo, isaga oo an cidi eryanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalay
(fal) awr, mid kale qallaxatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afduubnaan
m.l eeg afduuban. la-mid: afduubnaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuumaalays
-ga: (n) hide-and-seek; a children's game ~ dhuumashowga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala filiqsan ama daassan, kolba mid qaadid. Gorowgii waxan ku dhammeeyey haldhablayn. Dh: halhalayn, haldhablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuubaani
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda laga soo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuubnaan
(Dhuubnaan-ta)
Wax dhuuban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuubnaan
m.f.dh eeg dhuuban. la-mid: dhuubnaansho, dhuubni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuubnaan
f. n., [abstract] thinness, narrowness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuubnaan
-ta: (n) slenderness (islendher-nes); slimness (isliim-nes) ~ dhuubni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhuuban oo aan dhumucweynayn ahaan. Dh: miliilsanaan.
dhuubnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax qasan oo rib ah ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuubnaan
de: thinness, narrowness
lx: dhuubnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dhuubnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabaalayn
(Dhabaalayn-ta)
1. Dhabbaalo ku dhufasho.
2. Guubaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalayn
m.f.dh eeg dhabaalee. la-mid: dhabaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) awr, mid kale qallaxato ku dhufasho. Dh: qallacatayn.
dhabaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) guubaabin oo gooddin iyo boorrin iskugu darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxay
(fal) cid kale, dhirbaaxo ku dhufo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbaallay
(fal) qaab laga cabsoodo samee; si humbaalle ah u orod ama u soco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubyood
-ka: (magac, lab, keli) eeg afdhuubaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduubitaan
-ka: (magac, lab, keli) dad ama duunyo xoog ku kaxaysasho; qafaalashada dad ama duunyo. Dh: afduubid, afduubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhuubgaal
-ka: (magac, lab, keli) hadhuub weyn oo aan wax lagu aabudhin oo geela lagu lisso. Dh: toobke, haruubgaal, gorof.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhuubraac
-a: (magac, lab, keli) hasha irmaanka ku waydawda; taagdarro hasha ku timaadda oo ay sabab u tahay caanaha laga liso. Dh: wayd.
hadhuubraac-a: (magac, lab, keli) iimaanli'i iyo hungurixumo uu qofku weelkii caano lagu lisaba raacraaco oo isha ka daba geeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuumaalaysi
m.l la-mid: dhuumaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuumaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar inta ay labo kooxood la isku qaybiyo qaybi is qariso qaybna ay doondoonta. Ka la helo waa la dhaafaa ka aan la helinna inta aan la arag ama la taaban ayuu golaha soo galaa oo uu yidhaa biraan birxoosh, xalay dabadeed, dab laguu oog oo kolba tirada aan la arag inta ay le'eg tahay ayaa lagu kala badiyaa. Carruurta waxay noqon karaan koox kolba midi uu indhaha isqabto kuwa kalina dhuuntaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuumaalayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Dhuu mashow cayaarid (qof). 2. Gaggabbasho; dhuundhuumasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuumaalayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Dhuumashow cayaarid (qof). 2. Gaggabbasho; dhuundhuumasho. m.f.dh, dhuumaalaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuumaalayso
v. play hide-and-seek; hide oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuumaalayso
(fal) dhuumaalaysi ciyaar. Orod carruurta la soo dhuumaalayso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuumaalayso
cf: dhuumo
de: play hide-and-seek; hide oneself
lx: dhuumaalayso
pd: (dhuumaalaystay)
ps: v3b=intr
key: dhuumaalayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafdhabarla'
m.dh.u Xayawaan aan lahayn lafdhabar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lafdhabarla'
m.dh.u Xayawaan aan lahayn lafdhabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafdhabarla'
f. n., [collective] invertebrates, invertebrate life forms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafdhabarla'
de: invertebrates, invertebrate life forms
lx: lafdhabarla'
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: lafdhabarla'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafdhabarley
m.dh.u Nafleyda inta lafdhabarta leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lafdhabarley
m.dh.u Nafleyda inta lafdhabarta leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafdhabarley
f. n., [collective] vertebrates, animals with a vertebra ~ back bone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lafdhabarley
-da: (n) vertebrate (veer ti bareeyt); such as the fishes, amphibians, reptiles, birds, and mammals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafdhabarley
-da: (magacwadareed) noolaha inta leh lafdhabarta, oo dadka iyo dugaaggu ka mid yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafdhabarley
de: vertebrates, animals with a vertebra ~ back bone (e.g. humans, dogs, cats, etc.)
lx: lafdhabarley
pd: (-da)
ps: n7-f-col
key: lafdhabarley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax tiro ah, halhal u qaadasho. Dh: halhalaysi, haldhabaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaalayso
(fal) wax firi leh, kolba hal qaado. Dh: halhalayso, haldhablayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhabaandhab
afdhabaandhab¹: m.l 1. Baaq si aayar ah afka gacanta loogu garaaco si cid hadlaysa loo aammusiiyo. 2. la-mid: afdhabaandhabid.
afdhabaandhab²: f.g1 (-bay, -btay) Si cid hadlaysa loo aammusiiyo afka aayar gacanta ugu garaacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afdhabaandhab
m.l 1. Baaq si aayar ah afka gacanta loogu garaaco si cid hadlaysa loo aammusiiyo. 2. la-mid: afdhabaandhabid. Tusaale: Afdhabaandhab aayar ah nin ku aamusaan ahaye. - Raage Ugaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdhabaandhab
v. shush someone up, put one's hands on someone's mouth to silence someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhabaandhab
(fal) biyo yar oo aan harraad bi'in, afka marmari.
afdhabaandhab: (fal) cid hadlaysa, aamusii adoo afkaaga aayar gacanta u saarsaaraya.
afdhabaandhab -ka: (magac, lab, keli) qof dhib qoonsaday ka baabi'in; qof kale xaaladdiisa, hadal ku dejin. Hadalkaad i leedahay, afdhabaandhab weeyaan, arrintu na intaa dheer. Dh: sabaalayn, sasabid.
afdhabaandhab -ka: (magac, lab, keli) biyo yar oo aan harraad bi'in; biyo suququl ah; sangaagurro biyood. Nin harraad idlaystoo, afdhabaandhabaan ahay. Dh: leefleef, afdhabaandhow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afdhabaandhab
de: shush s.o. up, put one's hands on s.o.'s mouth to silence s.o.
lx: afdhabaandhab
pd: (afdhabaandhabay)
ps: v1=tr
key: afdhabaandhab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhabaandhaw
m.l la-mid: afdhabaandhabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhabaandhaw
(fal) eeg afdhabaandhab.
afdhabaandhaw -ga: (magac, lab, keli) eeg afdha baandhab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afduubnaansho
m.l/dh la-mid: afduubnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduubnaansho
-ha: (magac, lab, keli) afka maro iyo wax la mid ah ku xidhnaansho.
afduubnaansho -ha: (magac, lab, keli) qof ama koox xorriyaddii xoog lagaga qaaday oo la qafaashay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhuufaysan
(tilmaame) mid candhuuf la marshay; mid candhuuf lagu tufay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuumaalaysad
m.l la-mid: dhuumaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuumaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) dhumaalaysi ciyaarid. Dh: dhuumaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalay
(fal) suuldhabaale samee; kindhay.