afdhabaandhabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhabaandhabid
m.f.dh eeg afdhabaandhab². la-mid: afdhabaandhab¹, afdhabaandhaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhabaandhab
afdhabaandhab¹: m.l 1. Baaq si aayar ah afka gacanta loogu garaaco si cid hadlaysa loo aammusiiyo. 2. la-mid: afdhabaandhabid.
afdhabaandhab²: f.g1 (-bay, -btay) Si cid hadlaysa loo aammusiiyo afka aayar gacanta ugu garaacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afdhabaandhab
m.l 1. Baaq si aayar ah afka gacanta loogu garaaco si cid hadlaysa loo aammusiiyo. 2. la-mid: afdhabaandhabid. Tusaale: Afdhabaandhab aayar ah nin ku aamusaan ahaye. - Raage Ugaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdhabaandhab
v. shush someone up, put one's hands on someone's mouth to silence someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhabaandhab
(fal) biyo yar oo aan harraad bi'in, afka marmari.
afdhabaandhab: (fal) cid hadlaysa, aamusii adoo afkaaga aayar gacanta u saarsaaraya.
afdhabaandhab -ka: (magac, lab, keli) qof dhib qoonsaday ka baabi'in; qof kale xaaladdiisa, hadal ku dejin. Hadalkaad i leedahay, afdhabaandhab weeyaan, arrintu na intaa dheer. Dh: sabaalayn, sasabid.
afdhabaandhab -ka: (magac, lab, keli) biyo yar oo aan harraad bi'in; biyo suququl ah; sangaagurro biyood. Nin harraad idlaystoo, afdhabaandhabaan ahay. Dh: leefleef, afdhabaandhow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afdhabaandhab
de: shush s.o. up, put one's hands on s.o.'s mouth to silence s.o.
lx: afdhabaandhab
pd: (afdhabaandhabay)
ps: v1=tr
key: afdhabaandhab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhabaandhaw
m.l la-mid: afdhabaandhabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhabaandhaw
(fal) eeg afdhabaandhab.
afdhabaandhaw -ga: (magac, lab, keli) eeg afdha baandhab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaandhebid
m.f.dh eeg dhabaandhaw². la-mid: dhabaandhaw¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaandhebid
-da: (magac, dhedig, keli) masaf dabaq iyo wixii la mid ah, wax gunta kaga hadha ka rujin oo adoo labada dhinac ka garaaca ka fujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawaandhalad
m.l la-mid: dhowaandhalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakaandhabiye
-ha: (magac, lab, keli) abaabulaha hawsha wada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalaadhacid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la mashaqadeed la kufkufid oo u babbacdhigid. Daalaadhacid dabadeed baan beertii falkii ka saarnay. Dh: dalanbaabiyid, daalaadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabdhaabid
m.f.dh eeg dhaabdhaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabdhaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan qodqotomin oo dhulka ku taagtaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaandhaamid
m.f.dh eeg dhaandhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaandhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) jahawareerid wax kala garanwaasho. Shaqala'aantu waa dhaandhaamid. Dh: jahawareerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhaadhacid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaandhirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku mudan kolba dhan u dhaqaajin si uu u soo baxo oo aayar u siibid. Qodaxda dharaandhirin ayaa lagu saaraa. Dh: dhiraandhirrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhowaandhalad
(Dhowaandhalad-ka)
Yar; cusub; fil yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhowaandhalad
m.l Fikrad, qalab iyo wixi lamida hore u jiri jirin oo waqti dhow soo baxay. la-mid: dhawaandhalad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhowaandhalad
m.l Fikrad, qalab iyo wixi lamida hore u jiri jirin oo waqti dhow soo baxay. la-mid: dhawaandhalad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhowaandhalad
m. n., [compound] recently born, very young person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhowaandhalad
-ka: (magac, lab, keli) wax goor dhaw dhashay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhowaandhalad
de: recently born, very young person
lx: dhowaandhalad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhowaandhalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadaraandarid
m.f.dh eeg indhadaraandar². la-mid: indhadaraandar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhbaydhid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u leexleexasho. Baydhbaydhid nimaan aqoon iyo waxaan ahay qummane toosoone.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhasaabid
m.f.dh eeg candhasaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhasaabid
-da: (magac, dhedig, keli) naasaha candhasaab gelin oo ku qarin. Dh: candhasaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalaadhacis
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl kaa taagroon la ciirciirid. Daalaadhacis bay ku dhammeeyeen goyntii beerta. Dh: daalaadhicis. daalaadhacitaan -ka: (magac, lab, keli) daalaadhacis hawleed, la ciirciiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafdhaafid
m.f.dh eeg dhaafdhaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaandhaamin
m.f.dh eeg dhaandhaami. la-mid: dhaandhaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaandhaamis
m.l la-mid: dhaandhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabannahayn
m.dh Fikir iyo walaac oo sacabka dhabanka lagu qabto. la-mid: dhabannahays.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabannahayn
m.dh Fikir iyo walaac oo sacabka dhabanka lagu qabto. la-mid: dhabannahays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabannahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) yaabid oo gacanta dhabanka saarid. Dh: dhabannahays, yaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabannahays
(Dhabannahays-ka, Dhabannahays-ta)
Arrin ama wax saamays weyn leh oo aad iyo aad loola yaabo; yaab; amakaag; 'lama arag iyo lama maqal'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabannahays
m.l la-mid: dhabannahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabannahays
m. n. wonder, puzzle, something surprising ~ shocking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabannahays
-ka: (magac, lab, keli) yaab uu qofku calaacasha dhabanka saaro oo wax uu ku hadlo uu garan waayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabannahays
de: wonder, puzzle, s.t. surprising ~ shocking Something that makes a person put his hands on his cheeks
lx: dhabannahays
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f
syn: amakaag, yaab
key: dhabannahays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaandhilo
m.l Laba ciddiyood oo qoobabka ariga, lo'da iyo wixi lamida korkooda ku yaal oo yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaandhuux
m.l (botani) Geed gaab ciinka u eg, aan caleen lahayn, laamo xubno leh yeesha iyo canano indhaha lagu daweeyo. la-mid: dhallaandhuux.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalaandhuux
m.l (botani) Geed gaab ciinka u eg, aan caleen lahayn, laamo xubno leh yeesha iyo canano indhaha lagu daweeyo. la-mid: dhallaandhuux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaloobid
m.f.dh eeg dhaqaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax daranyada laga dhabay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaanbiyid
m.dh la-mid: dhadaanbiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawaaqdhawr
-ta: (magac, dhedig, keli) xiddig. dabaqaloocda oo ay tu kale oo yarina ku maran tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiraandhiri
(fal) wax meel ku mudan ama sollo adag ku jira kolba dhan u dhaqaaji si uu u soo baxo. Fartaada oo rako gasha lama gundhiyee waa la dhiraandhirriyaa. Dh: dhiraandhirri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhfaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul aasan qodqodid oo soo qufqufid; faadhid oo hadana mar kale faadhid. Dh: baadhbaadhitaan, faarfaarid, faarfaaris, qufitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhgaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku noqnoqosho; meel tegtegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeendhalad
-ka: (magac, lab, keli) nasiib badan oo Ilaahay qofka kolba ta san ku ilhaamiyo, ducadiisa iyo habaarkiisana la arko. Haybad baa i guud taal, waxan ahay habeendhalad, hadalkiisa la arkaa. Dh: hameendhalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadhaandiid
-ka: (magac, lab, keli) qof in qaadhaan laga qaado diida; baaho diid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kala hadlid; hantaatac cabsi ah ku hadaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadnabbaabid
(Wadnabbaabid-da)
Wadnabbaab iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnabbaabid
m.f.dh eeg wadnabbaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandhacaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhacadiid u jiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabakannaaxid
(Dabakannaaxid-da)
Dabakannaax noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakannaaxid
m.dh Hanti helidda qof saboolnimo ku koray. la-mid: dibkannaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabakannaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) caydh dabadeed xoolo yeelasho. Dh: dhawaanxooloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalandhoolid
(Dhalandhoolid-da)
Qorrax kulul ku socosho; boqoolid; wirwirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandhoolid
m.f.dh eeg dhalandhool². la-mid: dhalandhool¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalandhoolid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkoo kulul meel dheer u hayaamid; meel fog u socdaalid. Adigaa dhibtiyo, dhalandhoolidda i baday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarmaalid
m.f.dh eeg dharaarmaal². la-mid: dharaarmaal¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaarmaalid
-da: (magac, dhedig, keli) dharaar cad xoolo maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaashaandhigid
(Gaashaandhigid-da)
Qaranka cadowga ka dhicin; dagaallamid; jilib-dhigid; daaficid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashaandhigid
m.f.dh eeg gaashaandhig². la-mid: gaashaandhig¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaandhigid
-da: (magac, dhedig, keli) difaacid iyo is hortaagid cadaw soo duulay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhaafdhaafid
m.f.dh eeg isdhaafdhaaf².
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MANDHARAAN-CAD
(Mandaran-ad) N Plectranthus rupestris Bak. Labiatae.
N Salvia hochstetteri Bak. Labiatae.