afceliso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afceliso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Naag turjubaanad ah. 2. Naag dadka ku afnaqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afceliso
-da: (magac, dhedig, keli) qof haween ah oo labo af isku turjunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afcelis
m.l la-mid: afcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afcelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg afcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afceli
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka a.: cid cid kale oo aaney af garanayn uga turjumid. 2. Qof xurmad kaa mudan si uusan jaclaysan ugu warcelin; afnaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afceli
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka a.: cid cid kale oo aaney af garanayn uga turjumid. 2. Qof xurmad kaa mudan si uusan jaclaysan ugu warcelin; afnaq. m.f.dh, afcelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afceli
v., [compound] interpret, translate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afceli
-yey / say: (v) [with preposition ku] 1. argue (argiyuu); dispute (dis-piyuut); engage in a quarrel ~ afnaq. Ex: waalidkaa ha ku afcelin; don't quarrel with your parents. 2. interpret (intar-pat); translate (taraanis leeyt) ~ tuijun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afceli
(fal) u turjun qof kale af uusan garanayn. U afceli, safiirka Af Soomaaliga ma yaqaanne e. Dh: afnaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afceli
de: interpret, translate
lx: afceli
pd: (afceliyey)
ps: v2a=cmp
syn: turjubaan
key: afceli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afcelin
(Afcelin-ta)
*Afniqid; turjumaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afcelin
m.f.dh eeg afceli. la-mid: afcelis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afcelin
-ta: (n) 1. argument (aargiyuument); 2. translation (taraan-isleeyshin) ~ turjumaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afcelin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, af u turjumid. Dh: afniqid, turjubaanid, turjumaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afceliye
(Afceliya-ha)
Afhaye; afnaqe, turjumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afceliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Nin turjubaan ah. 2. Nin dadka ku afnaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afceliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Nin turjubaan ah. 2. Nin dadka ku afnaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afceliye
m. n., [compound] interpreter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afceliye
-afceliyaha: (n) interpreter (intar-pareeytar); translator (taraanis-leeyter) ~ turjubaan, afnaqe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afceliye
-ha: (magac, lab, keli) qof lab oo afafka isku turjuma. Dh: afhaye, afnaqe, turjumaan, turjubaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afceliye
de: interpreter
lx: afceliye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: afceliye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
celis
m.l la-mid: celin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
celis
-ka: (magac, lab, keli) eeg celin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
felino
agg. e s.m. - la xariira bisad; qayb naaslay oo hilib cun ah (libaax, bisad, iwm.).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
accèsso
s.m. gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaliso
(Faalisa-da)
Naagta faalka dhigta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaliso
f. n. fortune-teller (female)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaliso
-faalisada: (n) fortuneteller (female) (foorjantelar) ~ [opposite of faalalow]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaliso
-da: (magac, dhedig, keli) haweeney faalka wax ka sheegta oo uu dadku ujeeddadaa ugu tago; naagta faalka dhigta. Faaliso warkeed lama raaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaliso
de: fortune-teller (female)
lx: faaliso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: faaliso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafciso
(fal) dheefso oo ka faa'iidayso. Nafciso xoolaha aabahaa ka tegey. Dh: nacfiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli)mindi iyo wixii la mid ah, waxba jarid la'aan. Dh: afbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadcelis
-ka: (magac, lab, keli) cirka oo mar kale dib u daruuraystay. Fadcelis buu cirku maanta leeyahay Dh: naqkicis, daruurayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacaliso
(Gacalisa-da)
Qof dumar ah oo jacayl iyo gacalo loo qabo; xigto ama sokeeye ah; gacalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacaliso
m.dh Qof haween ah oo aad loo jecelyahay. la-mid: gacalo (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacaliso
m.dh Qof haween ah oo aad loo jecelyahay. la-mid: gacalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacaliso
f. n. beloved female relative, 'sister'
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gacaliso
nickname; name-f beloved; dear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacaliso
- gacalisada: (n) dear (dhiyar); the girl or woman who is greatly loved ~ gacalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacaliso
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh aad kalgacal loogu hayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacaliso
de: beloved female relative, 'sister' (respectful term of address)
lx: gacaliso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gacaliso
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gacaliso
حبيبة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciliso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: miciyaliso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
accendino
s.m. - sigaar-shide, shentasigar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afeefasho
(Afeefasha-da)
Afeef dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afeefasho
m.f.dh eeg afeefo. la-mid: afeefad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afeefasho
vl. n. explanation, apology
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afeefasho
-afeefashada: (n) disapproval (dis aparuuvel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afeefasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afeefad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afeefasho
de: explanation, apology
lx: afeefasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: afeefasho
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
alcoolisé
alcoolisé, adj. - alkool u ku jirto
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
asterisco
s.m. summad qaab-xiddig leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadceedso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid. m.f.dh, cadceedsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadceedso
v. travel westwards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedso
(fal) cadceedda isku dhig. Dh: qoraxso, yo dhalcayso.
cadceedso: (fal) galab, xagga cadceeddu kaa xigto eeg ama aad.
cadceedso: (fal) diinta ka bax; gaalow; riddow.
cadceedso: (fal) adiga oo rabay in aad kallahdo, cadceeddu ha kuu soo baxdo. Dh: bariiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadceedso
de: travel westwards
lx: cadceedso
pd: (cadceedsaday)
ps: v3a=
key: cadceedso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canceenso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid canceeno ka dalbasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canceenso
v. turn to, rely on someone who can show friendship ~ sympathy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canceenso
de: turn to, rely on s.o. who can show friendship ~ sympathy
lx: canceenso
pd: (canceensaday)
ps: v3a=tr
key: canceenso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carceerso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax muuqaalkiisa libdhid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carceerso
v. fix one's gaze intently (to see at a distance); look at something with blurred vision
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carceerso
de: fix one's gaze intently (to see at a distance); look at s.t. with blurred vision
lx: carceerso
pd: (carceersaday)
ps: v3a=intr
key: carceerso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabdemiso
-da: (magac, dhedig, keli) haan bir ah oo uu ku jiro dareere cadaadis sare ku kaydsan oo dabka lagu baqtiiyo. Dabdemiso weyn ayaa la soo iibiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalooliso
-da: (magac, dhedig, keli) qalab xafiis oo warqadda faylka la gelinayo si habboon loogu dalooliyo. Dalooliso cusub ayaa xafiiska la keenay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaaliso
m.dh la-mid: fulaaliso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaaliso
-da: (magac, dhedig, keli) Allabariga loo sameeyo haweenay foolanaysa in uu Ilaahay u dhibyareeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeeniso
m.dh eeg habeeno.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADUULISO
(Maduliso) May Cissus aphylla Chiov. Vitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
micilliso
(fal) miciyaha soofeyso; miciyaha isku xoq. Awroow micilliso intaan rarada lagu saarin. Dh: jirriqso; cartan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaceenso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Cid wehel, garab iyo wixi lamida ka dhigasho. 2. Aanayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaceenso
v. take someone along as a companion; seek support from someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaceenso
(fal) cid kale ehelnimo u tohoyo oo warayso. Ciddaad doonayso dadka waaceenso. Dh: aanayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaceenso
de: take s.o. along as a companion; seek support from s.o.
initial: w
lx: waaceenso
pd: (waaceensaday)
ps: v3a=tr
key: waaceenso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareejiso
(fal) melmelo oo xagaaga u jeedi. Kursiga wareejiso.
wareejiso: (fal) xil, alaab ama wax kale oo ay cid kali kaa hayso la wareeg oo qaado.
wareejiso: (fal) gabadh ad guursatay aqal geyso oo aqalkii ehelkeeda ka kaxayso. Gabadha wareejiso inta aanay aqalkooda ku umulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafjeclayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Khatar u beerdhigeddeeda ka cabsasho. 2. Ka n.: wax nafac leh oo dad ka dhexeeya gaar u qaadasho. 3. Ka n.: saaxiib dhib kaga baxsasho danaysi dartii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nafjeclayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Khatar u beerdhigeddeeda ka cabsasho. 2. Ka n.: wax nafac leh oo dad ka dhexeeya gaar u qaadasho. 3. Ka n.: saaxiib dhib kaga baxsasho danaysi dartii. m.f.dh, nafjeclaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nafjeclayso
v., [compound] loves one's own life to the point of abandoning anything else
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafjeclayso
(fal) dantaada gaar ahaaneed, u dhaqdhaqaaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nafjeclayso
de: loves one's own life to the point of abandoning anything else (e.g., abandon one's friends, prefer survival over sacrifice)
lx: nafjeclayso
pd: (nafjeclaystay)
ps: v3b=cmp
key: nafjeclayso
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parcelliser
parcelliser, v. - googoyn; jarjarid; qayqaybin.