afbaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ilmo yar, sida loo hadlo barasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afbaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ilmo yar, sida loo hadlo barasho. m.f.dh, afbarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbaro
(fal) af aanad aqoon, ku hadalkiisa baro; hadalka baro. Afbaro inankaan dhalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbar
f.g1 (-ray, -rtay) Ilmo yar sida loo hadlo barid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Cid ujeeddadeeda fahmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afgaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Cid ujeeddadeeda fahmid. Tusaale: Nimankii dagaalsanaa way is afgarteen. m.f.dh, afgarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgaro
(fal) garo oo fahan waxa uu ku leeyahay.
afgaro: (fal) sii wax uu hawlfududayn kuugu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbarasho
m.f.dh eeg afbaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrablayli
-ga: (magac, lab, keli) qaab carruurta loo afbaro oo ereyo lagu laylyo, sida 'Abtigay mar i wad mar is wad'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abbaaro
m. n., loc. (adj.): proximity, vicinity; about, approximately
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abbaaro
-abbaaraha: (adv) about (a bowt); approximately; nearly: Ex: abbaaraha wuu tagay; he is almost there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaaro
-ha: (magac, lab, keli) qiyaas ahaan; xilli lagu qiyaasi karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abbaaro
de: proximity, vicinity; [atr.] about, approximately
lx: abbaaro
pd: (/ha)
ps: n0-m-loc
key: abbaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbarad
m.l (-dyo, m.dh) Ilmo yar oo ku jira marxaladdii hadal barashada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afbarad
m.l (-dyo, m.dh) Ilmo yar oo ku jira marxaladdii hadal barashada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbarad
-ka: (magac, lab, keli) barashada af cusub, gaar ahaan carruurta yaryar. Afbarad hadalkiisa lama dhadhansado. Dh: hadalbarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbarid
m.f.dh eeg afbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afdarro
(Afdarra-da)
Af la'aan; saawirnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdarro
m.f.dh la-mid: afdarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdarro
f. n. (adj.): muteness, speechlessness; mute, speechless
afdarro [feminine] n., [abstract] bluntness, dullness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdarro
-da: (magac, dhedig, keli) af la'aanta bir ama aalad wax lagu jarto. Afdarrada billaawahan way muuqataa; baruur na kuuma jarayo. Dh: afbeel, saawirnimo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bàrbaro
agg. - badow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cambaro
pr. n., [feminine] Ambaro, Amber
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cambaro
name-f amber; precious
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cambaro
cf: cambar
de: Ambaro, Amber
lx: Cambaro
ps: name-f
key: Cambaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farbaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Qof wax dhigasho billaabid. 2. Qof farshaxannimo billaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farbaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Qof wax dhigasho billaabid. 2. Qof farshaxannimo billaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farbaro
v., [compound] learn to write; be literate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farbaro
-farbartay I farbaratay: (v) learn how to write: become literate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farbaro
de: learn to write; be literate
lx: farbaro
pd: (farbartay)
ps: v3b=cmp
key: farbaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaro
(Gabbara-da)
Lacag ama wax kale oo tolku qof qof u bixiyo oo qaranka la siiyo; ammaan; sedo; canshuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaro
m.dh (-ooyin, m.l) Lacag ama hanti kale oo beelo meel wada daggani bixiyaan oo la siiyo dowlad ama boqortooyo; sedo, ammaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbaro
f. n. tax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaro
-ha: (magac, lab, keli) eeg gabbare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbaro
de: tax
lx: gabbaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gabbaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafaaro
(Kafaara-da)
Wax Ilaah horti loo sameeyo ama loo baxsho (soon, sadaqo, kd.) oo gef ama denbi la falay daboola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaaro
m.dh (dii.) Wax Ilaah dartii loo sameeyo ama loo baxsho sida soon, sadaqo iyo wixi lamida oo gef ama dembi la falay daboola.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kafaaro
m.dh (dii.) Wax Ilaah dartii loo sameeyo ama loo baxsho sida soon, sadaqo iyo wixi lamida oo gef ama dembi la falay daboola.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kafaaro
f. n. duty, obligation, dues
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafaaro
-da: (magac, dhedig, keli) wax Ilaah hortii loo sameeyo ama loo baxsho, oo gef iyo denbi la falay daboola.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kafaaro
de: duty, obligation, dues
lx: kafaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kafaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqbaro
m.dh 1. Qabriyo badan oo meel ku wada yaal. 2. Siyaaro lagu sameeyo qabriyaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqbaro
m.dh 1. Qabriyo badan oo meel ku wada yaal. 2. Siyaaro lagu sameeyo qabriyaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqbaro
-da: (magac, dhedig, keli) qabriyo badan oo meel ku wada yaal.
maqbaro-da: (magac, dhedig, keli) siyaaro lagu sameeyo qabriyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safaaro
(Safaara-da)
Safaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safaaro
m.dh la-mid: safaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afar
(Afar-ta)
Tirada saddexda iyo shanta u dhexaysa (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afar
m.dh.t Tirada saddexda iyo shanta u dhexayso; “4”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afar
m.dh.t Tirada saddexda iyo shanta u dhexayso; 4.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afar
num. four
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afar
quatre.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
afar
/afar/ (adv) ka fog. e.g. She saw me from afar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afar
-ta: (n) four (foor) ~ [4] ~ afraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afar
-ta: (magac, dhedig, keli) tirada saddex iyo shan u dhaxaysa; 4.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
afar
أربعة
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
afar
ad., meel fog; it is far, waa fog yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afro
f. n. contagion; infection, contamination
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Afro
-ga: (magac, lab, keli) dadka Afrika ku abtirsada intooda madow; Afroo na waa la yidhaa. Jasiiradaha Kaariibiyanka, waxa ku nool dad asalkoogii Afro ahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baro
(Bara-da)
1. Kobta la deggan yahay oo la bartay iyo iyada iyo nafleyda isasaamayskooda.
2. Aqal; hooy; guri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baro
baro¹: m.dh 1. Degaan lagu dhasho ama lagu dhaqmo; guri. 2. Goobta lagu cayaaro ciyaarta xayaadka.
baro²: f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Aqoon kororsasho. 2. U b.: wax caado ka yeelasho. Tusaale: “Cali in uu subax walba canjeero cuno ayuu u bartay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baro
baro¹: m.dh 1. Degaan lagu dhasho ama lagu dhaqmo; guri. 2. Goobta lagu cayaaro ciyaarta xayaadka.
baro²: f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Aqoon kororsasho. 2. U b.: wax caado ka yeelasho. Tusaale: Cali in uu subax walba canjeero cuno ayuu u bartay. m.f.dh, barasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baro
v. learn; study
baro: [feminine] n. familiar environment, home
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baro
-bartay / baratay: (v) gain knowledge or skill through experience or study (ista li); learn (leen)
-u baro: (v) get used to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baro
(fal) wax dhigo; aqoon dhigo. Wax baro oo wax dhaqo haddaad waano laba dhaadday. Dh: dhigo.
baro-da: (magac, dhedig, keli) meel la dego. Allahayoow badhaadhaha, ha ka dhigin baroor dumar iyo barada meyd yaal. Dh: hoy, guri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faro
f.g/lg3 (-rtay, -ratay) 1. Wax fandharasho. 2. Cid farriin u dhiibasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faro
f.g/lg3 (-rtay, -ratay) 1. Wax fandharasho. 2. Cid farriin u dhiibasho. m.f.dh, farasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faro
m. n., pl. fingers; fingerprints
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faro
-faraha: (n) [Plural of far] fingers (fingeris)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
faro
s.m. munaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faro
de: fingers; [ext.] fingerprints
lx: faro
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
key: faro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaso
-da: (magac, dhedig, keli) godob raagtay iyo utun hore. Abaso horuu qabay ninka dacwoonayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbax
afbax¹: m.l la-mid: afbixid.
afbax²: f.mg1 (-xay, xday; -bixi) U a.: qof wax sirtooda si daacadnimo ah ugu sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afbax
f.mg1 (-xay, xday; -bixi) U a.: qof wax sirtooda si daacadnimo ah ugu sheegid. m.f.dh, afbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbax
(fal) «ulacid kale si cad ugu sheego waxaad rabtay. Intaad cid u diraysid adigu ba soco oo ula afbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuro
(fal) eeg afur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyar
(Afyar-ta)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afyar
m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afyar
m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afyar
f. n., [compound] fish species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afyar
-ta: (n) 1. small mouth; little mouth. 2. small opening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afyar
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afyar
de: fish sp.
lx: afyar
pd: (-ta)
ps: n-f-cmp
key: afyar
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
amaro
agg. - qaraar, kharaar, xaraar.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ambar
Amber
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araro
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal ama qoraal gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho. 3. Xoola la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
araro
v. begin, introduce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
araro
-arartay / araratay: (v) make an introduction or preface
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araro
(fal) arar jeedi; hadalkaaga ama qoraalkaaga hordhac u yeel. Dh: araaro.
araro -ha: (magac, lab, keli) hareeraha dooxada, ama halka la degan yahay meelaha u dhowdhow. Araraha intaan marahayey igu arkaayeene. Dh: hareeraha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
araro
de: begin, introduce
lx: araro
pd: (arartay)
ps: v3b=
key: araro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
avaro
agg. - bakhayl, dhabcaal ah, muudal ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: faro¹ (1).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
affare
s.m. - arrin, dan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Afraxo
name-f success, gain; lit: succeed, be successful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Afraxo
magaca gabadh dhalashadeeda lagu farxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Qof, wax sida dufan, caano iyo wixi lamida oo afkiisa ku yaal iska bi'in.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aftiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Qof, wax sida dufan, caano iyo wixi lamida oo afkiisa ku yaal iska bi'in. m.f.dh, aftirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftiro
(fal) cuntadii iyo sharaabkii aftirka qaado. aftiro: (fal) afka waxa ku yaalla ama kaa maray, iska tir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Soon niyaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afxiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Soon niyaysasho. m.f.dh, afxirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Afyare
magac ama naanays loo baxsho qof afkiisu yar yahay. Li: afweyne.