afarfoolle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarfoolle
m.l Ilmo yar oo ay u soo baxeen afartii ilig oo ugu horreysay, oo ah afarta fool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarqooble
-ha: (magac, lab, keli) magac guud oo ay gammaanku leeyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardoole
m. n. horseman, horse-owner; cavalry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardoole
de: horseman, horse-owner; [pl] cavalry
lx: fardoole
pd: (/ha Pl: fardooley (da))
ps: n5b-m
key: fardoole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargoonle
m.l Nooc dawacada ka mid ah, midab bey madow ah leh oo aad ariga u laysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargoonle
-ha: (magac, lab, keli) jaad dacawada ka mid oo aad u xooggan. Waxay inta badan leedahay bey madaw oo jaadadka kale lagaga sooco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarbaalle
-ha: (magac, lab, keli) qof aan cilmi badan lahayn oo dhawr kitaab uun dhigtay; qof an aqoon badan lahayn oo isagu sidaa aan isku haysan. Dh: baalgaab, kitaabgaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarsuulle
(Afarsuulla-ha)
Muruq afar suul ama afar madax leh, siiba muruqa weyn oo ku yaal bowdada docdeeda kore, oo kolka uu isku soo rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarsuulle
m.l Muruq afar madax leh oo ku yaal bowdada dhinaceeda sare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afarsuulle
m. n. thigh muscle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarsuulle
-ha: (magac, lab, keli) muruq afar suul ama afar madax leh, siiba muruqa weyn oo ku yaalla bawdada docdeeda kore. Waa muruqa kolka uu isku soo rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto. Orodkuu badinaayay baa, afarsuullaha gooyaye, ma anaaba arkaayay!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afarsuulle
cf: muruq; labasuulle
de: thigh muscle
lx: afarsuulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: afarsuulle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarfaallow
m.l Qof aan faalka aad u aqoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afargacnoodle
m. n. (adj.): monkey; quadrumanous
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afargacnoodle
de: monkey; [atr.] quadrumanous Lit: four-handed
lx: afargacnoodle
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: daayeer
key: afargacnoodle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroole
(Baroola-ha)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroole
m.l Noocyada kalluunka jaad ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baroole
m.l Noocyada kalluunka jaad ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroole
m. n. fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroole
-ha: (magac, lab, keli) jaad kalluun ah, jaad mallay ah. Baroole baddii ka soo baxay, barbaar ugu qayli leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroole
de: fish sp.
lx: baroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: baroole
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Lafoole
pr. n., loc. Lafoole College [in Afgoi.]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafoole
m. n. person who collects bones for food; poverty-stricken
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqoolli
-ga: (magac, lab, keli) socodka foosha xoolaha lagu garto oo ay lugaha kala durkiyaan. Dh: fool.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
farfalla
s.f. - balanbaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farooley
m.dh Qalab bir ah oo daab dheer oo qori ah leh oo beeraha looga shaqeeyo. la-mid: faraley (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farooley
m.dh Qalab bir ah oo daab dheer oo qori ah leh oo beeraha looga shaqeeyo. la-mid: faraley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farooley
-da: (magac, dhedig, keli) qalab bir ama wax kale oo adag laga sameeyo oo afka hore ku leh faro dhaadheer oo dhulka lagu xaaqo ama carrada qushaashka iyo quruuruxa lagaga saaro.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TAFOOYLE
(Tafoyle) N, S Ricinus communis L. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARMOOLE
(Warmole) N Myrsine africana L. Myrsinaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XARKOOLE
(Harcole) S Ancylobothrys petersiana (Kl.) Pierre. Apocynaceae.
C Convolvulus hystrix Vahl. Convolvulaceae.
S Ipomoea sp. Convolvulaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkanoole
-ha: (magac, lab, keli) qof aan waxtar badan lahayn, laakiin aad u hadal badan oo wax u samayn ku faana. Dh: afkuxoogle, afkutamarle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darfooley
m.dh Nooc dermooyinka ka mid ah oo darfo casaan ah leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darfooley
-da: (magac, dhedig, keli) noocyada dermooyinka nooc ka mid ah oo darfaha laga madoobeeyo. Dh: salli.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fardoolay
-da: (n) mounted soldiers; cavalry (kaavalri); horsemen (hooresmiin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardoolay
-da: (magac, dhedig, keli) ciidanka inta fardaha fuushan ee ku dagaallanta. Dh: fardooley.
fardoolay-da: (magac, dhedig, keli) bulsho fardaha hayntooda ama dhaqiddooda iyo fuulidtaankooda taqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fardooley
(Fardooley-da)
1. Bulsho fardo haysa kamid ah; fardaha hayntooda iyo dhaqiddooda iyo fuullaankooda yaqaan.
2. Ciidanka faraska ah.
3. Dhaqanwanaagga bulshada fardaha oo kale leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardooley
fardooley¹: m.dh.u 1. Rag fardo leh ama fuli yaqaan. 2. Ciidan hubaysan oo fardaha ku dagaala.
fardooley²: m.dh.u (taar.) Qarniyadii dhexe waxaa loo yiqiin askari, badanaa ka dhasha dabaqadda sare, una shaqeeya boqorka ama taliya waqtiyada dagaalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fardooley
fardooley¹: m.dh.u 1. Rag fardo leh ama fuli yaqaan. 2. Ciidan hubaysan oo fardaha ku dagaala.
fardooley²: m.dh.u (taar.) Qarniyadii dhexe waxaa loo yiqiin askari, badanaa ka dhasha dabaqadda sare, una shaqeeya boqorka ama taliya waqtiyada dagaalka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afargeesle
m. n., [compound]. Or [adjective] rectangle, four sided figure; quadrilateral, four-cornered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afargeesle
-afargeeslaha: (n) rectangle (rektaangel); a four-sided plane figure with four right angles
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afargeesle
de: rectangle, four sided figure; [atr.] quadrilateral, four-cornered
lx: afargeesle
pd: (/ha Pl: afargeesley (da))
ps: n7-m, n5b-m-cmp
key: afargeesle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadle
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: afarqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkuxoogle
-ha: (magac, lab, keli) eeg afkanoole.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Afar geesle
Quadrilateral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afar qaadle
-qaadlaha: (n) canter (kaan-ter); trot (taroot); gait (geeyt); gallop (gaa-lap) ~ kadle
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afarmadaxle
m.l (cilmiga naflayda) Muruqyada ugu waaweyn ee lugta fidiya midkood, wuxu ku yaal bowdada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarroole
-ha: (magac, lab, keli) afargeesle labadiisa dhinac ee iska soo horjeediba ay isle'g yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandoolli
m.dh Cayayaan caanallusha la eg isku bahna yihiin oo hargaha iyo lafahaba xagata. la-mid: dalandoolyo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Darandoodle
name-m tough; strong; orator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Darandoodle
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo in uu noqdo nin adag ama xoog leh.
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
La farfalla
Balanbaalista
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARANKOOYLE
(Warancoile) S Spirostachys venenifera (Pax) Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAAF-NAAFOOLE
(Uaf-nafole) S Leucas glabrata (Vahl) R.Br. Labiatae.
S Leucas urticifolia R.Br. Labiatae.