afareysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareysad
m.l la-mid: afareysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaareysad
m.l la-mid: abaaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carareysad
m.l la-mid: cararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareys
m.l la-mid: afareyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax af uu wax ku gooyo ama turqo leh soofaysad. Afaysadka billaawaha ayaa ka horreeya gawraca neefka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareysi
m.l la-mid: afareysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareyso
f.mg3 (-stay, -satay) Tiro afar ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraysad
-ka: (magac, lab, keli) wax saddex ahaa, afar ka dhigasho. Saddexda jeer ee aan ciyaarnay afraysad bay u baahan yihiin. Dh: afraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareysasho
m.f.dh eeg afareyso. la-mid: afareysad, afareysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysad
m.l la-mid: abaaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysad
-ka: (magac, lab, keli) roob waayid oo dhulkii oomane noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacageysad
m.l la-mid: lacageysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqaysad
-ka: (magac, lab, keli) dheefsasho. Khudrad badan cun aad nafaqaysatide.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaraysad
(Tabaraysad-ka)
Tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaraysad
m.dh la-mid: tabaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaraysad
-ka: (magac, lab, keli) awood yeelashe: xoogaysadka. Dh: tamaraysadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaraysad
-ka: (magac, lab, keli) awood ama itaal yeelasho. Dh: tabaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsad
-ka: (magac, lab, keli) «ka ~» goosashada aano hore loo geystay. Ka aarsadka ninkii shirkadda qiyaamay waa in xeerka loo maro. Dh: aargoosad, aargoosasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsad
-da: (magac, dhedig, keli) isrogrogga waayaha iyo kaalinta kolba la joogo. Dh: fursad. Wa: farsado.
farsad -da: (magac, dhedig, keli) shaqo ama hawl kolba cid gaar ah loo daayo. Farsad baa loo kala sameeyey basaskii is dhex yaacayey. Dh: malko, kal, kaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaraad
m.l/dh.t.j Tirada jagaale, keeda u dhigma afarta. la-mid: afraad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afaraad
numeral: fourth
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afaraad
quatrième.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afaraad
-ka: (n) fourth (foorth)-, 4lh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaraad
-ka: (magac, lab, keli) tirada jagaale, keeda u dhigma afarta; midka saddexaad iyo ka shanaad, ka u dhexeeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afaraad
a: afraad
de: fourth
lx: afaraad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: afaraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareyn
m.f.dh eeg afaree. la-mid: afareys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaysan
Af leh; soofaysan; lisan; looshan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysan
afaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax af leh noqosho.
afaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax af leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afaysan
der. [adjective] sharp, sharpened
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afaysan
aigu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysan
(tilmaan) af wax jara leh; wax soofaysan ahaan. Waran afaysan baad soo iibsatay. Dh: lisan, looshan, soofaysan. Li: saawir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afaysan
de: sharp, sharpened
lx: afaysan
pd: (afaysnaa)
ps: adj-der
syn: soofaysan
key: afaysan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afeysan
(adj) sharp (shaarp) ~ afaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarsad
m.l la-mid: ajarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax qadhmuun ka dhigasho. Wax ufaysadkiisa ayaa aad u badan. Dh: ufaysasho, ufaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aafo haleeshay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aafeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aafo haleeshay ahaansho. m.f.dh., aafeysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysad
m.l la-mid: aanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysad
-ka: (magac, lab, keli) aargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dilalkii dhacay waxay ahaayeen aanaysad. Dh: godobaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaad
afarqaad¹: m.l 1. Orod xawli ah oo addimada hore iyo kuwa dambe kuwaba mar la qaadayo. 2. Wax muggiisu qaado afar shay.
afarqaad²: f.g1 (-day, -dday) Afar addinle orod dheer oo si talantaalli ah labada addin oo hore iyo labada dambe la qaadayo samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarqaad
(fal) 'geel' orod dartiis, afarta addin marba labo wada qaad oo abraar. Afarqaad haddaad awrka tidhi aayar baan idhiye. Dh: dhabaabacee, baabacay, baabacee.
afarqaad -ka: (magac, lab, keli) orod geelu addimadiis marba labo israac u qaado oo xawli badan. Afarqaadka geelu waa ku dheereeyaa. Dh: saqle, dhabaabaco, baabacayn, durduro.
afarqaad: (tilmaame) awr xoog leh oo afar haamood qaada. Waxan soo gatay awr hayin afarqaad ah.
afarqaad -ka: (magac, lab, keli) weel afar shey berdaankood oo keli ah qaada. Weel afarqaad ka weyn soo iibsada, waa xilli abaareed waxa la joogaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraysan
(tilmaame) afar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cageysad
m.l la-mid: cageysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
careysan
der. [adjective] angry, enraged, angered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
careysan
-careysnaa I careysnayd: (adj) angry (ang-geri), disgruntled (dis-gurantlidh) ~ xanaaqsan, caraysan. —Syn: furious, indignant, irate, ireful, mad, wrathful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
careysan
a: cadhaysan ~ caraysan
de: angry, enraged, angered
lx: careysan
pd: (careysnaa)
ps: adj-der
key: careysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweysad
m.l la-mid: daaweysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kaa jirran daawo siisasho. Dh: daaweysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysad
(Facaysad-ka)
Facaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysad
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysad
-ka: (magac, lab, keli) in uu qof kale kula fac yahay ku doodid; factirsasho la factirsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariisad
(Fariisad-ka)
Fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisad
m.l la-mid: fariisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fariisad
vl. n. act of sitting (down)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisad
-ka: (magac, lab, keli) dhulka, iyo wixii la mid ah. korkiisa salka dhigid ama saarid; salka dhulka saarid. Dh: fadhiisad, fadhiisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fariisad
a: fariisasho (/da) [vn6-f]
de: act of sitting (down)
lx: fariisad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: fariisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysad
(Garaysad-ka)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysad
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysad
-ka: (magac, lab, keli) garays xidhasho. Garaysadka waxa lagu yaqaanaa gabdhaha Soomaaliyeed.
garaysad-ka: (magac, lab, keli) in arrini gar tahay ama gar ku dhacday garawsasho. Dh: garaysasho, garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haweysad
(Haweysad-ka)
Haweysasho; haweysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haweysad
m.l la-mid: haweysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haweysad
-ka: (magac, lab, keli) niyeysashada wax kaa fog iyo tiigsigiisa. Dh: haweysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaraysad
(Jaraysad-ka)
Jaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysad
m.l la-mid: jaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraysad
-ka: (magac, lab, keli) faras iyo wax la mid ah, jare ku xidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kireysad
m.l la-mid: kireysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafeysad
m.l la-mid: lafeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maneysad
m.l la-mid: manesyasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maneysad
-ka: (magac, lab, keli) cid abaal u galid; siin aan wax laga doonayn cid siin. Dh: mannaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax nadiisafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakeysad
m.l la-mid: sakeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraysad
(Waraysad-ka)
Waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysad
m.l la-mid: waraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysad
-ka: (magac, lab, keli) waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaraysad
(Yaraysad-ka)
Waxyar ka dhigad; waxyar ahaan u qaadad; saluug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraysad
m.l la-mid: yaraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaraysad
vl. n. act of belittling, taking lightly, not seriously; taking very little of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraysad
-ka: (magac, lab, keli) badsi la'aan; wax yar ka isticmaalid. Cuntadu yaraysadkay ku macaantahay. Dh: yaraysasho. Li: badsad.
yaraysad -ka: (magac, lab, keli) tix galin la'aan; quudhsi. Yasid iyo yaraysad midna ma bannaana. Dh: quudhsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaraysad
a: yaraysasho
de: act of belittling, taking lightly, not seriously; taking very little of s.t.
initial: y
lx: yaraysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: yaraysad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aforesaid
/aforseedh/ (adj) horey loo yiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agareydam
(tilmaame) rajo la'aan iyo baaba'. Dhulka abaar baa ka dhacdoo, waa agareydam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweysad
(Daaweysad-ka)
Daawadhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweysad
m.l la-mid: daaweysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweysad
vl. n. medical treatment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale ama meel ku jirran daawo siisasho. Dh: daweysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaweysad
a: daaweysasho (/da) [vn-f]
de: medical treatment
lx: daaweysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: daaweysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaweysad
m.l la-mid: dhoweysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fahmeysad
(Fahmeysad-ka)
Fahmeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafeysad
m.l la-mid: gaafeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiireysad
(Hiireysad-ka)
Hiireysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiireysad
m.l la-mid: hiireysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiireysad
-ka: (magac, lab, keli) hiriirtii meel aadid; jarmaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeysad
m.l la-mid: jaabeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karreysad
-ka: (magac, lab, keli) sidii hore dhaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeysad
m.l la-mid: maadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeysad
-ka: (magac, lab, keli) cid ka tooxsasho oo ku qosqoslid. Wilku maadaysadka wuu nacaaye ka aamusa. Dh: maadaysasho, ruwaayadays, maadaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraysad
-ka: (magac, lab, keli) mirdhid oo daxal yeelasho. Bir labaatan sano meel taallay maaraysad waa lagama maarmaan. Dh: maarow, daxalaysad, midhidhid.
maaraysad -ka: (magac, lab, keli) si wanaagsan wax u maamulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Mushkilad wax la maareeyey ahaansho. 2. Wax daxalaysatay ahaansho (bir).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareysan
(tilmaame) eeg maaraysan.