afaaraqabiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaaraqabiil
-ka: (magac, lab, keli) qabiilinimo wax la isugu taro ama qabyaalad ku shaqayn. Afaaraqabiil ayaa dawladdii Soomaaliya dumiyay. Dh: qabiilinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraqabsi
(Faraqabsi-ga)
1. Waxa yar oo u horreeya oo ganacsiga lagu bilaabo.
2. Ul ama jeedal ama tusbax ama wax kaloo la mid ah oo la qaato, si aan faruhu u gororin; farallaab.
3. Lacag waxyaalaha yaryar lagu gato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqabsi
m.l 1. Ul yar, dhagax iyo wixi lamida oo la qaato si aan loo fara marraan. 2. Lacag yar oo cid safrayso la siiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraqabsi
m. n., [collective] small amount of money
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraqabsi
-ga: (n) pocket money for minor travel expenses ~ sahay, jiscin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraqabsi
-ga: (magac, lab, keli) hantida u horraysa ee ganacsiga lagu bilaabo. Nin faraqabsi haystaa hanti soo saara. Dh: gundhig, rasalmaal, faraqabsiin.
faraqabsi-ga: (magac, lab, keli) ul ama jeedal ama wax kale oo la mid ah oo faraha lagu mashquuliyo ama dano kale loo sito oo gacanta aan laga saarin. Dh: gacanqabsi, farallaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraqabsi
de: small amount of money (as initial capital or provisions for a journey, etc.)
lx: faraqabsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: faraqabsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabbaqabiil
-ka: (magac, lab, keli) hoggaamiyaha qabiil ama beel oo laga danbeeyo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Abgaal, qabiil
قَبِيلَة
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
garaad, qabiil
شَيْخ فَهُم
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Isaaq, qabiil
قبيلة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaalaqaadid
m.f.dh eeg kafaalaqaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafaalaqaadid
-da: (magac, dhedig. keli) kafaaloqaadis u suubbin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ugaas, qabiil
شیخ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afacaayil
m.dh.w eeg ficil.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Baraasiil
(n) Brazil (baraa ziil); Brasilia (baraa-ziil-ya) is the capital
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraajiin
m.dh.w eeg fujaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraajiin
-ta: (magacwadareed) weelal yaryar oo shaaha iyo wixii la mid ah lagu shubto, waxna lagu cuno. Dh: fanaajiin, fujaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqaris
m.l Cabbir da'mada roobka lagu cabbiro oo rays-qotonku faraha dhexdooda le'egyahay. la-mid: faraqarrar¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayaqabid
m.f.dh eeg fayaqab². la-mid: fayaqab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaqabid
-da: (magac, dhedig, keli) fayoobida iyo caafimaadqabidda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarabiin
-ka: (magac, lab, keli) qori ka mid ah qoryihii hore oo la adeegsanayay bilawgii qarnigii 20aad oo 10 rasaasood qaada. Waxa lagu samayn jiray dalka jarmalka. Dh: rayfal, halle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraakiil
m.dh.w eeg sarkaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saraakiil
m.dh.w eeg sarkaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saraakiil
f. n., pl. officers, officials
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saraakiil
-saraakiisha: (n) [plural of sarkaal-ka] officers (o-fisaris); usually officers in the armed forces or police officers —xarunta saraakiisha: (exp) officer's club
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraakiil
-sha: (magacwadareed) rag jagooyin sare ka haya ciidamo iyo maammukoo. Saraakiishii ciidanku waxay amar ku bixiyeen in loo baxo dagaal. Dh: sarkaallo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saraakiil
de: officers, officials Sg: sarkaal ~ sargaal
initial: s
lx: saraakiil
pd: (/sha)
ps: n8-f-pl
key: saraakiil
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saraawiil
f. n., pl. trousers, several pairs of pants
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saraawiil
-saraawiisha: (n) [plural of surweel -ka] trousers (taraaw-zeris)-, pants (paantis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saraawiil
bw: Arabic
de: trousers, several pairs of pants Sg: surwaal
initial: s
lx: saraawiil
pd: (/sha)
ps: n8-f-pl
key: saraawiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysii
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: abaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysii
(fal) dhul, abaar ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadid
m.f.dh eeg afarqaad². la-mid: afarqaad¹ (1), afarqaadis, afarqaadlays, afarqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) orod afarta addin marba labo israac u qaadis. Afarqaadid buu awrku reerka ku yimid. Dh: baabacayn, durdurin, dhabaabacayn, saqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadis
m.dh la-mid: afarqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg afarqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqaadid
m.f.dh eeg faraqaad². la-mid: faraqaad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysiin
m.dh la-mid: abaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) abaari in ay ku dhacdo, sabab u noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarqabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof habaar qaba ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afkalaqaadid
m.dh 1. Afkalaqaad. 2. Afka oo la kala qaado; hadlid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Bagadi, qabiil
قبيلة
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abaar qaybeed
Partial drought
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakalabixid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin, faraha ka qaadid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Garre, qabiil
قبيلة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafaalagaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) noloshiisa iska xilsaar; kafaaloqaadid u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaarasalool
m.l (-llo, m.dh) Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar oo ka mid ah dhirta daawada.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Bartire, qabiil
قبيلة
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mataataxa Biita
Beta Decay
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saxarrada Biita
Beta particles