af-dhaqo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
af-dhaqo
v. wash one's mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaqo
(fal) afka maydho; afka biyo ku dahirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaq
(fal) «u ~» afka cid kale u maydh; cid kale u luqluq. Ilmaha intaanad cuntada siin u afdhaq.
afdhaq -a: (magac, lab, keli) afka oo biyo lagu maydho; afka luqluqid. Dh: luqluqad, afmaydh.
afdhaq -a: (magac, lab, keli) biyaha faraxalka ah ee gacmaha iyo afka lagu maydho cuntada ka dib ama ka hor. Afdhaq innoo diyaari, cuntadii waa la keenaye. Dh: faraxal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqo
f.mg3 (-qday, -qatay) la-mid: faraxalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faradhaqo
v., [compound] wash one's hands
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faradhaqo
-faradhaqday / faradhaqatay: (v) wash or cleanse hands ~ farammayro, faraxalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhaqo
(fal) faraha biyo ku nadiifi oo ku maydh; faraha maydho. Dh: faramayro, faraxalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faradhaqo
de: wash one's hands
lx: faradhaqo
pd: (faradhaqday)
ps: v3b=cmp
syn: farammayro, faraxalo {S & C}
key: faradhaqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajidhaqo
(fal) fooldhaqo; wejiga maydho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqo
f.g3 (-qday, -qatay) 1. Wax si fiican u maamulasho. 2. Wax mayrasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaqo
f.g3 (-qday, -qatay) 1. Wax si fiican u maamulasho. 2. Wax mayrasho. m.f.dh, dhaqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqo
v. raise, breed; save, conserve; care for one's own family
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqo
-dhaqday/dhaqatay: (v) raise for oneself, have the care of; watch over; look after
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqo
(fal) mood iyo nool kolba midkaad haysato xannaanayso oo korodhso. Dh: tabco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqo
de: raise, breed; save, conserve; care for one's own family
lx: dhaqo
pd: (dhaqday)
ps: v3b=
xe: The Somalis of old used to look after livestock.
xv: Soomaalidii hore baa xoolo dhaqan jirtay.
key: dhaqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaw
(fal) qof wax aanu odhan ka sheog; adyad aanu geysan u aanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhaq
-a: (magac, lab, keli) dharka qaarkood, dunaha tidcan ee cidhfaha ka laadlaada sida daaha gundhataha, shalmadaha iyo wixii la mid ah. Dh: tarash.
fadhaq -a: (magac, lab, keli) wax kala daatay. Hadalku waa fadhaq iyo firi. Dh: qubane.
fadhaq -da: (magac, dhedig, keli) eeg faddanac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afadhac
(fal) xoolo, aroorta hore ama dareerka hore, lun. Rimaydii geelu saakay afadhacday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhaaf
f.g1 (-fay, -ftay) Is-afgaranwaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afdhaaf
f.g1 (-fay, -ftay) Is-afgaranwaa. m.f.dh, afdhaafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdhaaf
v. argue, quarrel; have a misunderstanding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afdhaaf
-een: (vn) see also [eeg] isafdhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaaf
-ka: (magac, lab, keli) hadalka la isla garanwaayo ee khilaafka iyo isdiidmada keena.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afdhaaf
de: argue, quarrel; have a misunderstanding With is
lx: afdhaaf
pd: (afdhaafay)
ps: v1=
key: afdhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhawr
(tilmaame) naanays hablaha yaryar loogu yeedho inay wiilasha walaalahooda ku hinaasaan oo afkooga eegaan waxay cunayaan iyo waxay leeyihiinba. Waxan dhalay afar wiil iyo afdhawr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) cudur timaha dumarka ku dhaca oo baarka ay ka cawlaadaan kana qarqarxaan oo koridda ka horjoogsada. Kawsar timaha aflaaqo ayaa kaga dhacay. Dh: laba'afle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhato
-da: (magacwadareed) dad bililiqaysi iyo boob ku kaca. Dh: farato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhiqo
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh yar oo fudfudud. Dh: walasaqo.
fidhiqo -da: (magac, dhedig, keli) daasad yar sida tan tamaandhadu ay ka dhammaato oo wax lagu miisto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhalow
m.l Cudur afka dadka iyo xoolaha ku dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. la-mid: afgorofow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afdhalow
m.l Cudur afka dadka iyo xoolaha ku dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. la-mid: afgorofow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdhalow
m. n. inflammation of the mouth, sore lips
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afdhalow
-ga: (n) thrush (thuraash), see [eeg] cabeeb
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afdhalow
de: inflammation of the mouth, sore lips
lx: afdhalow
pd: (-ga)
ps: n-m
syn: cabeeb
key: afdhalow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaqad
-ka: (magac, lab, keli) afmaydhadka qof wax cunay ama dhamay. Dh: luqluqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) af wax cunay ama cabbay, maydhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftahamo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal si qurux badan loo yidhaahdo ama loo qoro oo dadka aad u soo jiita. Nin aftahamo lihi waxa u helaa odhaah toobboone ah. Dh: codkarnimo. Li: agnaan, garooc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) eog afdhaqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afxidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) soommanaan: soon xidhasho. Dh: soomid, afxirasho.
afxidhasho -da: (magac, dhedig, keli) hadal ka gaabsasho. Anoo adyadeeya duul, afxidhashaa iiga roon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darabdhaqo
f.mg3 (-qday, -qatay) la-mid: darabqaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darabdhaqo
v. wash one's buttocks after using the restroom (before prayer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darabdhaqo
(fal) istijoo oo xubnaha qashinsaarka ee muuqda maydh. Dh: darabyeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darabdhaqo
a: darabqaado [v3b=intr]
de: wash one's buttocks after using the restroom (before prayer)
lx: darabdhaqo
pd: (darabdhaqday)
ps: v3b=intr
key: darabdhaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagadhabo
f.mg3 (-btay, -batay) Caga dhulka la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooldhaqo
f.g3 (-qday, -qatay) Weji mayrasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fooldhaqo
f.g3 (-qday, -qatay) Weji mayrasho. fooldhaw m.l Bun la dubay oo jirka la marsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooldhaqo
v. wash one's face
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fooldhaqo
-fooldhaqday / fooldhaqatay: (v) clean one's own face by washing with water —u fooldhaq -ay / day: (v) clean someone's face by washing with;, water
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooldhaqo
de: wash one's face
lx: fooldhaqo
nt: fooldhaqasho (/da) [vn-f]
pd: (fooldhaqday)
ps: v3b=
key: fooldhaqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaxadhato
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada la karsado inta digsiga salkiisa u xigta ee ku dhegta. Dh: gubad, fujis, dabxigeen. Li: daboolxigeen, baar.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hab shaqo
Sistema di lavoro
Working system
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lixadhaqo
(Lixadhaqa-ha)
Xilliga guga qaarkiisa danbe; cawli ku dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixadhaqo
m.l Xilliga guga qaybtiisa dambe; cawliku-dhashay. la-mid: lixadhaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lixadhaqo
m. n. latter part of the spring rainy season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lixadhaqo
-ha: (magac, lab, keli) xilliga gu'ga qaarkiisa danbe. Dh: cawli'kudhashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lixadhaqo
cf: cawlikudhashay; Gu ~ Gu'
de: latter part of the spring rainy season
lx: lixadhaqo
pd: (/ha)
ps: n6-m-time
key: lixadhaqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejidhaqo
(fal) fooldhaqo; wejiga maydho. Kolkaad soo toosto wejidhaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xad-dhaaf
xad-dhaaf¹: m.l Meeshii laysu asteeyay oo la dhaafo; xadka oo laga baxo.
xad-dhaaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan la koobi karin noqosho. 2. Wax qiyaastoodii dhaafid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xad-dhaaf
-ah: (adj) extreme (ekis-tiriim)-, excessive (ek-see-siv); unreasonable (an-rii-zana-bal)-, immoderate (i-moo-dhareeyt); countless (kawnti-les)
xad-dhaaf -ka: (n) excess (ik-sees); limitlessness
xad-dhaaf -ay / tay: (v) exceed (ek-siidh) the limit; overstep (over-isteep); go too far ~ xad dhaafi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xad-dhaaf
Fuori limite
Off limit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xad-dhaaf
-ka: (magac, lab, keli) waydaarashada uu shay waydaarto xadkii uu lahaa. Dh: buuxdhaaf, tandhaaf.
xad-dhaaf -ka: (magac, lab, keli) aad u badni oo intii lagu ogaa ka fara badnaan. Daad xaddhaaf ah ayaa soo rogmaday. Dh: xaddidhaaf, tandhaaf.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alaab-dhaqe
-dhaqaha: (n) dishwasher
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqo
-da: (magac, dhedig, keli) orod dheer, qosol badan ama oohin badan dhibaatada ay keento ee ay ubucdo noqoto sidii wax biyo dhex socdaan ama turqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lagu-dhasho
m.l (daawo) Xaalad qaabdarro ama cudur oo qofka ku dhasho qaabdarrada lagu dhasho waxay isugu jiraan cudurrada la dhaxlo iyo kuwa bey'addu keento.