af suuq
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
af suuq
-a: (n) slang (islaang)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afsuuq
-a: (magac, lab, keli) hadalka suuqa lagaga hadlo ee aan inta badan la qorin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grandma
/graan-ma/ (n) ayeeyo (grandmother, oo af-suuq ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grandpa
/graanpa/ (n) awoowe, (grandfather, oo af-suuq ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slang
/slaang/ slangy;(n) af-suuq (luqadda aan rasmiga ahayn ee suuqa looga hadlo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
argot
argot, n.m. - af suuqa lagaga hadlo oo aan la qorin
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
AF BUQ
Commiphora gowlello 10
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
af duub
-ay -tay:(v) hijack (hayjaak)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuq
1. (Fuuq-a) Dhuunta xabbadda oo baaruuddu ku jirto, gumucana sidda; qashar.
2. (Fuuq-da) a) Shanqarta ka yeerta kolka biyaha, caanaha, kd., xoog loogu soo nuugo bushimaha oo urursan oo loo dhoweeyo; fiiq; fururuq. b) In yar oo kol la fuuqsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuq
fuuq¹: m.l (-qyo, m.dh) Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto; qashir.
fuuq²: m.dh 1. Shanqarta ka yeerta kolka biyaha, caanaha iyo wixi lamida xoog loogu soo nuugo bushimaha oo urursan oo loo dhoweeyo; fiq; fururuq. 2. In yar oo kol la fuuqsado. la-mid: fiiq².
fuuq³: f.g1 (-qay, -qday) Hoore si tartiib ah uga dhergid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuuq
fuuq¹: m.l (-qyo, m.dh) Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto; qashir.
fuuq²: f.g1 (-qay, -qday) Hoore si tartiib ah uga dhergid. m.f.dh, fuuqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuuq
m. n. projectile, artillery shell
fuuq vl. n. act of sucking up; sip, slurp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuuq
-a: (n) shell (sheet); projectile (projaktel); or piece of ammunition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuq
-a: (magac, lab, keli) dhuunta xabbada ee baaruudu ku jirto ee qumacana sidda. Dh: qashar, qashir, maar. qolfi.
fuuq-a: (magac, lab, keli) dheecaan silloon oo ka soo baxa meel qoyan.
fuuq-da: (magac, dhedig, keli) sanqadha ka yeedha kolka biyaha, caanaha iyo wixii la mid ah, inta bushimaha oo urursan lagu dhoweeyo oo neef xooggan lagu soo nuugo. Dh: fiiq, fururuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuq
(Suuq-a)
Meel laysugu yimaado oo alaabada iyo waxyaalaha kale oo ganacsiga ah la isku dhaafsado: meel dukaammo ku yaalliin; carwo yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuq
m.l (-qyo, m.dh) Meel si joogto ah la isugu yimaad oo alaabta iyo waxyaalaha ganacsiga ah lagu kala beddesho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuq
m.l (-qyo, m.dh) Meel si joogto ah la isugu yimaad oo alaabta iyo waxyaalaha ganacsiga ah lagu kala beddesho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuq
m. n. market, bazaar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuq
-a: (n) market (maar-kef); marketplace (maar-ket-paleeys); mart (maarf) —suuqa ku-dhacda: (n) flea market (filii-maar-ket)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuq
-a: (magac, lab, keli) meel laysugu yimaaddo oo alaabta iyo waxyaalaha laga ganacsado, lasyku dhaafsado; meel laga dukaansado. Suuqa xaraashka gee maacuunta. Dh: saylad.
suuq-a: (magac, lab, keli) geed uu geelu cuno oo uu ka qaado caatonimo iyo waydoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuq
bw: Arabic
de: market, bazaar
initial: s
lx: suuq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: suuq
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
suuq
سوق
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AFBUQ
(Afbug)
C Commiphora gowlello Sprague. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuuf
afuuf¹: m.l 1. la-mid: afuufid. 2. Soor a. ah: soor aan iidaan lahayn. 3. Xirsi yar oo ummulaha iyo carruurta loo xiro.
afuuf²: f.g1 (-fay, -ftay) Neef afka ka soo baxday wax ku sii deyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afuuf
f.g1 (-fay, -ftay) Neef afka ka soo baxday wax ku sii deyn. m.f.dh, afuufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afuuf
v. blow, blow up, inflate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afuuf
-ay / tay: (v) 1. blow (baloow); expel air from the mouth. 2. ventilate or cool through the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuuf
(fal) neef afka ama qalab ka soo daa, si wax loogu qaado ama loogu huriyo dab.
afuuf: (fal) walax mug leh, neef geli; naqas ku shub. Kubadda afuuf, ha lagu ciyaaree.
afuuf-ka: (magac, lab, keli) walax mug leh, nakhas ku shubid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afuuf
de: blow, blow up, inflate
lx: afuuf
pd: (afuufay)
ps: v1=
key: afuuf
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
afuuf
نفخة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuug
afuug¹: m.l Caws ka jaridda beer la geed qaaday. la-mid: afuugid.
afuug²: f.g1 (-gay, -gtay) Beer la geed qaaday caws ka jarid. la-mid: afruug².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afuug
m.l Caws ka jaridda beer la geed qaaday. la-mid: afuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asuul
(Asuul-ka)
Qaanuun; sharci; xeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asuul
m.l Xeer aan qorneyn oo dad meel wada deggani leeyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asuul
m.l Xeer aan qorneyn oo dad meel wada deggani leeyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asuul
n. rule, regulation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asuul
-ka: (magac, lab, keli) xeerka lagu heshiiyay in lagu dhaqmo. Dh: kab, qaynuun, sharci, xeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asuul
bw: Arabic
cf: sharci, xeer
de: rule, regulation
lx: asuul
pd: (-ka)
ps: n -m
key: asuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fusuq
m.l la-mid: fisqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fusuq
-a: (magac, lab, keli) wixii diinta Islaamku ay reebtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbuur
afbuur¹: m.f.dh la-mid: afbuurid.
afbuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Caro ama isla weyni la aamusid; afuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afbuur
v. hold a grudge; become silent because of anger ~ contempt; be in a bad mood
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afbuur
de: hold a grudge; become silent because of anger ~ contempt; be in a bad mood
lx: afbuur
pd: (afbuuray)
ps: v1=
key: afbuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afcuug
m.l/dh (-gyo, m.dh) Dhul beereed aan weli si wacan loo geed qaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afcuug
m.l/dh (-gyo, m.dh) Dhul beereed aan weli si wacan loo geed qaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afduub
(Afduub-ka)
Xoog ku kaxaysad; qafaal; boojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afduub
afduub¹: m.l 1. Xoog iyo khasab cid lagu kaxaysto si wax loogu madax furto ama dan gaar ah loogu fushado. 2. Afsaab. 3. la-mid: afduubid.
afduub²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Xoog ama khasab cid ku kaxaysasho si wax loogu madax furto ama dan gaar ah loogu fushado. 2. Af (dad ama xoolo) wax ugu duubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afduub
afduub¹: m.l 1. Xoog iyo khasab cid lagu kaxaysto si wax loogu madax furto ama dan gaar ah loogu fushado. 2. Afsaab.
afduub²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Xoog ama khasab cid ku kaxaysasho si wax loogu madax furto ama dan gaar ah loogu fushado. 2. Af (dad ama xoolo) wax ugu duubid. m.f.dh, afduubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afduub
v., [compound] kidnap
afduub vl. n., [compound] abduction; kidnapping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afduub
-ay / tay: (v) abduct (abdakt); kidnap (kidnaap)
afduub -ka: (n) abduction (ab-dak-sheri)', kidnapping (kidnaaping)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduub
(fal) xoog ku kaxayso qof ama xoolo iyo hanti cid kale. Dh: qafaal.
afduub -ka: (magac, lab, keli) xoog ku kaxaysasho qof ama hanti cid kale. Afduub baa ka dhici jiray xeebaha Soomaaliya. Dh: qafaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afruub
-ka: (magac, lab, keli) cudur nirgaha iyo waxaraha afka kaga dhaca oo ay naaska ka jiqi kari waayaan waxna la cuni waayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afruug
afruug¹: m.l la-mid: afuugid.
afruug²: f.g1 (-gay, -gtay) la-mid: afuug².
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AFRUUG
(Afrug) N, C Odyssea mucronata (Forsk) Stapf. Gramineae.
N Urochondra setulosa (Trin) Hubb. Gramineae.
N Aeluropus lagopoides (L) Trimen. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afruug
-ta: (magac, dhedig, keli) geedcawsaad ka baxa dooxooyinka kuwa dibirka ah. Afruugta waxaa sida badan daaqa gammaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftuur
aftuur¹: m.l la-mid: afxir¹.
aftuur²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: afxir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afyuub
m.l (-bab, m.l) Bayd faal, oo madaxa iyo tan manjaha ka sarreysa min hal ka ah, manjaha iyo tan madaxa ka hooseysana min labo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afyuub
-ka: (magac, lab, keli) minanka faalka min ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyuun
(Afyuun-ka)
Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afyuun
m.l Geed-ubax oo dhacaankiisa laga sameeyo mukhaaddaraad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afyuun
m.l Geed-ubax oo dhacaankiisa laga sameeyo mukhaaddaraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afyuun
m. n., (mass n.): opium
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afyuun
-ka: (magac, lab, keli) maandooriye ka samaysan dheecaan sida caanaha u cad oo la engejiyey oo laga lisay geed waxtar iyo dhibaato weyn labadaba leh; sida xashiishadda ayuu kartida garashada iyo maanka ba u dooriyaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afyuun
de: opium
lx: afyuun
pd: (-ka)
ps: n-m-mass
key: afyuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faquuq
faquuq¹: m.l 1. Takoor; karatiil; karaantiil. 2. la-mid: faquuqid.
faquuq²: f.g1 (-qay, -qday) Wax ama qof takoorid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faquuq
faquuq¹: m.l 1. Takoor; karatiil; karaantiil.
faquuq²: f.g1 (-qay, -qday) Wax ama qof takoorid. m.f.dh, faquuqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faquuq
-ay / day: (v) isolate (aaysoleeyt); seclude (sikuluudh); sequester (sikuwes-ter); segregate (sagrigeeyt); quarantine, ghettoize ~ takoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faquuq
(fal) wax gooni u sooc. Dh: weelsooc, takoor, midabsooc, haybsooc.
faquuq-a: (magac, lab, keli) kala soocidda ama yasidda bulshadu ku hayso jinsi kale oo iyaga ka mid ah diin ahaan ama midab ahaan. Dh: takoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faquuq
de: separate, curve out; scrape
lx: faquuq
pd: (faquuqay)
ps: v1=
key: faquuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasuuq
f.g1 (-qay, -qday) Nafley badan hal mar wada layn; baabi'in.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xasuuq
f.g1 (-qay, -qday) Nafley badan hal mar wada layn; baabi'in. m.f.dh, xasuuqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasuuq
v. exterminate, cause the extermination of something; root out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasuuq
-ay / day: (v) massacre (maasi-kar); slaughter (isloo-tar); annihilate (a-naa-yi-leeyt); exterminate (ekis-ter-mi-neeyt); commit genocide; wholesale murder ~ waijeef, ciribtir
xasuuq -ga: (n) massacre (maasi-kar); carnage (kaar-neeyj); extermination (ekis-ter-mi-neeyshin); genocide (jene-saaydh); wholesale murder ~ warjeef
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasuuq
(fal) aad u laa adoon cidna u aabbayeelayn. Xoolaha wixii cudur la is qabadsiiya qaba oo dhan xasuuq. Dh: dabargoo, gumaad, dhammee.
xasuuq-a: (magac, lab, keli) layn aan loo kala aabayeelin oo caruur iyo cirroolaba la gumaado. Dh: dabargoyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasuuq
de: exterminate, cause the extermination of s.t.; root out
initial: x
lx: xasuuq
nt: xasuuq (a) [vn-m], xasuuqid (da) [vn-f]
pd: (xasuuqay)
ps: v1=tr
key: xasuuq
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
af guri
-ga: (n) dialect (daaylekt) colloquial (kolokwi) ~ lahjad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhuub
m.l (-bab/-byo, m.l) Labada tiir ee aqal irriddiisa ku mudan midkood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mafsuud
-ka: (magac, lab, keli) eeg mabsuud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilfashuuq
-a: (magac, lab, keli) wax aragga iyo dareenkaba u xun. Dh: ilfashaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafdhumuq
(Lafdhumuq-da)
Lafta dhumuqa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafdhumuq
m.dh (cilmiga naflayda) Meesha misigta iyo bowdadu iska galaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lafdhumuq
m.dh (cilmiga naflayda) Meesha misigta iyo bowdadu iska galaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafdhumuq
f. n. coccyx, bottom vertebra
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafdhumuq
-da: (magac, dhedig, keli) lafdhabarka lafteeda hoose meesha ay ku taal; durriqiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafdhumuq
de: coccyx, bottom vertebra
lx: lafdhumuq
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: lafdhumuq
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xad susun
Limit of a sequence