adoobe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adoobe
-ha: (magac, lab, keli) xajiin jaadka soo raacda oo qofka cuna uu afku bukoodo oo uu qolof yeesho. Adoobe ayuu afkaygii la dildillaacay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobe
m. n. blacky, the black one
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madoobe
nickname; name-m black, swarthy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobe
de: blacky, the black one Also a nickname for a very dark person
lx: madoobe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: madoobe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madoobee
f.g/mg2 (-beeyay, -beysay) 1. (f.g) Wax midab madow u yeelid. 2. (f.mg) Ka m.: cilmi, garaad iyo wixi lamida oo cid maskaxdeeda ku jira ka tirtirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madoobee
f.g/mg2 (-beeyay, -beysay) 1. (f.g) Wax midab madow u yeelid. 2. (f.mg) Ka m.: cilmi, garaad iyo wixi lamida oo cid maskaxdeeda ku jira ka tirtirid. m.f.dh, madoobayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobee
v. blacken, paint black; darken
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madoobee
-yey I madoobeysay: (v) make dark or black; blacken (bal-aaken)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobee
(fal) eeg madoobay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobee
de: blacken, paint black; darken
lx: madoobee
pd: (madoobeeyey)
ps: v2b=tr
key: madoobee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaboobe
magac loo baxsho wiil caloosha ku jiray in sagaal bilood ka badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboobe
m.l Waqtiga hawadu aad u qabowdo meelaha qaarkoodna uu baraf ka dhaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaboobe
m.l Waqtiga hawadu aad u qabowdo meelaha qaarkoodna uu baraf ka dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboobe
-ha: (magac, lab, keli) xilliga ama waqtiga dhulku aanu diirranayn ee jiilaalka.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XADOOLE
(Hadole) C Cystostemon heliocharis (S. Moore) A.G.Mill & H. Riedl. Boraginaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adoo
mu.eb Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'oo'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adoo
m. n. father, old man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adoo
(magac'uyaal) qofka labaad ee lala hadlaha ah oo ka kooban 'adi' iyo 'oo'; adiga oo. Waxaan ku garanayaa adoo yar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adoo
de: father, old man {S}
lx: adoo
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: adoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doob
1. (Doob-ka) Ninka aan weli guursan, filkii la guursan jireyna gaarey oo in door ah dhaafay.
2. (Doob-ta) Xubin yar oo kolay qaabki leh oo awrka qooqani afka ka soo rido oo laallaadsho kolkuu wax guulayo; doobbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doob
doob¹: m.l (-bab, m.l) Nin aan weli guursan.
doob²: m.dh Cad yar, qaab kiish leh, cod weyn bixiya oo awrkaqooqani afka soo rido; gulgulo. la-mid: doobbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doob
m.l (-bab, m.l) Nin aan weli guursan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doob
m. n. bachelor, virgin boy
doob [feminine] n. froth from the mouth of a male camel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doob
-ka: (n) bachelor (baajilar); single person; an unmarried man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doob
-ka: (magac, lab, keli) wiilka aan weli guursan. Doob tuhun baa dilay.
doob -ta: (magac, dhedig, keli) xuuub cas oo awrku marka uu qooqan yahay uu afka ka soo tuuro. Doobta ayuu awrkii soo saaray.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
doob
عازب
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
adore
/adhoor/adores, adored, adoring; (v) 1. qof aad jeceshahay oo aad ka dambaysid ama tixgelisid. e.g. He adores his father. (v) 2. caabudid. e.g. We only adore the Creator.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
adore
/adoor/ (v) 1. hanuung jeelathow (lang athy eed ing jelly amy derjaayasy). I adore my mother. 2. aabuthow (Ilaahey aabuthow).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
adore
v.tr., caabud; be adored, v.p., ha lagu caabudo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boobe
* (Booba-ha)
(qalab lagu dagaallamo) banban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Nooc banaatiiqda ka mid ah oo si daranddoori ah u dhaca. 2. Cayayaan yaryar oo gala iniinaha qaraha iyo sisinta oo bololiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boobe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Nooc banaatiiqda ka mid ah oo si daranddoori ah u dhaca. 2. Cayayaan yaryar oo gala iniinaha qaraha iyo sisinta oo bololiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boobe
m. n. machine gun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobe
magac loo baxsho wiil dagaal iyo dhac ku dhexdhashay.
boobe -ha: (magac, lab,keli) qoriga weyn oo kuwa gacanta lagu qaato ka mid ah, darandoorri u dhaca, kadhhodhad silsiladda rasaasta loogu rido leh. Boobe iyo birigaan bay nugu afuufeene. Dh: banban, gidhligaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boobe
de: machine gun
lx: boobe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: boobe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doobi
(Doobi-ga)
Haruub qaab gaar ah leh, oo aan dhiil lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobi
doobi¹: m.l (-iyo, m.dh) Weel af ballaaran, dabool lahayn, la tolay ama la qoray oo geela lagu maalo. la-mid: doobke, doobte, toobke, toobte.
doobi²: f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: doobbi².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doobi
m.l (-iyo, m.dh) Weel af ballaaran, dabool lahayn, la tolay ama la qoray oo geela lagu maalo. la-mid: doobke, toobke, toobte.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doobi
m. n. medium-sized milk vessel ~ container
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doobi
-ga: (n) a container for milking camels ~ toobke
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobi
(fal) awr, doobta soo saar. Baarqab doobinayaa geela soo galay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doobi
cf: doobke, haruub
de: medium-sized milk vessel ~ container
lx: doobi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: doobi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doode
m.l la-mid: doodaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doode
m. n. orator; debator, one who debates
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Doode
name-m orator, debator, one who debates
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doode
-doodaha: (n) debator (dibeytor) ~ doodaa-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Doode
magac loo baxsho wiil hadal badnaa yaraantiisii ama balaaqo iyo codkarnimo laga dareemay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doode
-ha: (magac, lab, keli) qof had iyo goor dood uun ku jira oo morome badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doode
a: doodaa
de: orator; debator, one who debates
lx: doode
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: doode
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooge
-ha: (magac, lab, keli) kuul daloolo waa weyn leh oo buluug ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOORE
(Dore) C, N Boscia minimifolia Chiov. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobe
-ha: (magac, lab, keli) tunka dibiga ee aadka u weynaaday siiba dibiga xaraashka ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Koobe
name-m summarizer, coiler (mispronounced as Koombe)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Geed ka soo baxa jirrid dhulka hoostiisa ah, ka dibna bannaanka u soo baxa, isaga oo ka soo baxaya meel ka durugsan jirriddii hore. Waxa suurto gal ah inuu xidid la baxo oo uu geed goonniya noqdo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
addòme
s.m. ubuc, uur-ku-jir.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
adonné
adonné, adj. - Jecel; ku marqaamay
adonné à la lecture, - Qofka wax akhrista badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adooga
(adoog-)
(adoogaa, adoogiis, adoogeed, kd.) Aabbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adooga
m.l Aabbe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afooke
-ha: (magac, lab, keli) qof maxkamadaha hor yimaadda ee dadka metela oo u dacwiya, lacagna sidaa lagu siiyo. Dh: qareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroore
m.l (-rayaal, m.l/dh) (baayoloji) Dhuun dhiig oo dhiigga ku shubta wadnaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aroore
m.l (-rayaal, m.l/dh) (baay.) Dhuun dhiig oo dhiigga ku shubta wadnaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asoore
-ha: (magac, lab, keli) huubaha iyo qashinka ka baxa firida hadhuudhka marka la tumo. Asooraha firida ka reeba. Dh: il, xamaku.
asoore-ha: (magac, lab, keli) qalabka hadhuudhka iyo wixii kale ee la hufayo lagu asooro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
atoore
-ha: (magac, lab, keli) ninka filinka halyeyga ka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awoode
m.l (dii.) Haddii aad dhinca Illaah fiiriso, waxaad ula jeeddaa, in uu wax kasta ka awood badanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awoowe
(Awoowa-ha)
Aabbaha iyo hooyada aabbeyaashood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awoowe
m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Aabbaha aabbihiis ama hooyada aabbaheed. 2. u.j: awoowow! 3. u.j: wiilka aan awoowaha u ahayow!; gabadha aan awoowaha u ahayey! la-mid: awow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awoowe
m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Aabbaha aabbihiis ama hooyada aabbaheed. 2. u-j: awoowow! 3. u-j: wiilka aan awoowaha u ahayow!; gabadha aan awoowaha u ahayey! la-mid: awow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awoowe
m. n. grandfather
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
awoowe
-awoowaha: (n) grandfather (graan faathar)-, grandpa (graanpaa) ~ awowe, abkow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awoowe
-ha: (magac, lab, keli) aabbe ama hooyo aabbohood. Awoowe ayaa maanta xaafadda yimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awoowe
a: awow
de: grandfather
lx: awoowe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: abkoow
key: awoowe
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
awoowe
جَدٌ أَبُو الْأَبِ أَوِ الْأُمِّ
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadoob
inch. v. become human, take on human characteristics
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadoob
a: dadow
de: become human, take on human characteristics
lx: dadoob
pd: (dadoobay)
ps: v1=inch
key: dadoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doobke
(Doobka-ha)
Haruub weyn; haruubgaal; (ama toobte).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobke
m.l la-mid: doobi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doobke
m. n. large milk vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobke
-ha: (magac, lab, keli) hadhuub weyn. Caanaha doobke iigu shub oo ii keen. Dh: toobke.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doobke
cf: doobi, haruub
de: large milk vessel
lx: doobke
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: doobke
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobte
m.l la-mid: doobi¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadoob
(Gadoob-ka)
1. Lafdhabar; xiriir.
2. Misko; dib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadoob
m.l (-byo, m.dh) 1. Saabley. 2. Qaybta dambe ee lafdhabarta. 3. Weel aan buuxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadoob
m.l (-byo, m.dh) 1. Saabley. 2. Qaybta dambe ee lafdhabarta. 3. Weel aan buuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadoob
m. n. backbone, spine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadoob
(tilmaame) wax aan dhamaystirnayn.
gadoob -ka: (magac, lab, keli) lafdhabarta inta danbe iyo qaska.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadoob
de: backbone, spine
lx: gadoob
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: lafdhabar, xiriir
key: gadoob
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shoobe
m. n. dandy, fop, carefully elegant dresser
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shoobe
nickname-m dandy, fop, carefully elegant dresser
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shoobe
de: dandy, fop, carefully elegant dresser
initial: s
lx: shoobe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: shoobe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madoobeyn
(Madoobeyn-ta)
Midab madow u yeelid; madow ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madoobeyn
m.f.dh eeg madoobee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobeyn
-ta: (amagac, dhedig, keli) eeg madoobayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ABOOBEEY
(Abobei)
C Adenium obesum (Forsk) Roem. & schuit. Apocynaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
adorable
/adhoorabal/ (adj) wax aad loo jeclaysto ama laga helo gaar ahaan caruurta ama xayawaanka. e.g. She is an adorable little girl.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
adorable
a., la caabuda; God alone is adorable, I;aah keliyaa la caabudaa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
adozióne
s.f. - magaca falka adottare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadoole
-ha: (magac, lab, keli) kaniico weyn oo goobaha biyuhu fadhiistaan ku dhalata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhoole
-ha: (magac, lab, keli) qof cadho badan oo kaftanka yar ka xanaaqa. Qofku haddii uu cadhoole yahay lalama kaftamo.
cadhoole -ha: (magac, lab, keli) neef cadho qaba oo uu jidhkiisu cuncun iyo isxoq leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadoobid
(Dadoobid-da)
Dhalanka iyo baxaalliga dadkoo kale yeelasho; dad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadoobid
m.f.dh eeg dadow.