addoomoobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoomoobid
m.f.dh eeg addoomow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoomoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof la addoonsado noqosho; bidde noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoomoobid
m.f.dh eeg agoomow. la-mid: agoonoobid, agoontoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoomoobid
-da: (magac, dhedig, keli) aabbe waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddoodoobid
m.f.dh eeg ciddoodow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coomoobid
m.f.dh eeg coomow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogoobid
m.f.dh eeg doogow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, doog yeelasho oo tigaad cusub bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoonoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid labadiisii waalid ama midkood ka dhintay, noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooboobid
m.f.dh eeg dhoobow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooboobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoobo noqosho; wax dhooqoobay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooqoobid
m.f.dh eeg dhooqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo, dhooqo noqosho. Biyuhu dhooqoobid kuma nijaasoobaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banjoogoobid
m.f.dh eeg banjoogow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjoogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cidlagaleen duurjoog ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoomin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof addoon ka dhigid; qof khasban oo la dullaystay ka dhigid. Dh: addoomis, addoonsad, gumaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoomis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg addoomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoomow
f.mg1 (-oobay, -owday; oobi) Addoon noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoomow
-ga: (magac, lab, keli) qof addoon ah noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooroobid
(Ooroobid-da)
1. Ooro ku dhicid.
2. Xumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooroobid
m.f.dh eeg oorow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ooro ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoonobid
m.dh la-mid: agoomoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogoobid
m.f.dh eeg boogow². la-mid: boogow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u bugta oo boog weyn qabta noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosoobid
-da: (magac, dhedig, keli) boos noqosho; naafoobid ama curyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddoobid
m.dh la-mid: deddoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deymoobid
m.f.dh eeg deymow. la-mid: deynoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax amaah iyo deyn badan lagu leeyahay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodoonid
-da: (magac, dhedig, keli) raadraadin oo wax maqan daydayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddoomid
m.dh la-mid: geddoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddoomid
-da: (magac, dhedig, keli) rogmashada shey, dhanka kale u qallibmo. Doonida waxa gaddoomidda ugu wacan miisaankii oo dhan u batay. Dh: qalibmid.
gaddoomid -da: (magac, dhedig, keli) soo laabasho: dib u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooloobid
m.f.dh eeg goolow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef gool ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toodoobid
(Toodoobid-da)
Garasho; dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toodoobid
m.f.dh eeg toodow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toodoobid
-da: (magac, dhedig, keli) garasho, fahanka iyo dareenka. Dh: dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoogoobid
(Xoogoobid-da)
Xoog yeelasho; tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogoobid
m.f.dh eeg xoogow². la-mid: xoogow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog biiraya yeelasho. Xoogoobidda daadka ka digtoonow. Dh: xoogoobis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doqonoobid
m.f.dh eeg doqonow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doqonoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof coon iyo nacas ah noqosho. Baahidu doqonoobidda badh bay ku leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoontoobid
m.dh la-mid: agoomoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddaroobid
(Faddaroobid-da)
Wax faddaraysan noqosho; wasakhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaroobid
m.f.dh eeg faddarow². la-mid: faddarow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) wasakh iyo uskag badan yeelasho. Li: nadiifoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoofoobid
(Galoofoobid-da)
Galoof noqosho; gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofoobid
m.dh la-mid: galoofid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoofoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef guran oo sida neef caano gubayaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabooloobid
(Sabooloobid-da)
Sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabooloobid
m.dh la-mid: saboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sabool noqosho. Dh: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddogoobid
m.f.dh eeg soddogow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) soddog noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddohoobid
(Soddohoobid-da)
Soddoh noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddohoobid
m.f.dh eeg soddohow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddohoobid
-da: (magac, dhedig, keli) soddoh noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadiggoobid
(Baadiggoobid-da)
Baadi goobid, raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiggoobid
m.dh la-mid: baadiddoonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddalloolid
m.f.dh eeg caddallool².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolyoobid
(Caloolyoobid-da)
Caloolyow qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolyoobid
m.f.dh eeg caloolyow². la-mid: caloolyow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) welwel iyo mustaqbalka cabsi ka qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarroobid
m.f.dh eeg dacdarrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarroobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax baahan oo bisaaradaysan noqosho. Dh: bisaaradoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoroqoroobid
m.f.dh eeg qoroqorow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddaddacoobid
m.dh la-mid: watatacoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddaddacoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dayacmid oo watatacoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafoobid
m.f.dh eeg aafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ibtilo qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abloobid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar la ilaalin waayay, millilid oo hafroobid. Faraha aan nadiifta ahayni abloobid ayay nabarrada u keenaan. Dh: hafroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addoonsi
(Addoonsi-ga)
Addoonsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoonsi
m.l la-mid: addoonsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
addoonsi
m.l. Cid addoonsasho. addoonso f.g3 (-saday, -satay) Cid addoon ka dhigasho. m.f.dh, addoonsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
addoonsi
vl. n. slavery, oppression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
addoonsi
-ga: (n) slavery (isleey-veri); the practice of owning slaves ~ nidaamka is-addoonsiga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoonsi
-ga: (magac, lab, keli) marka xoriyadda laga qaado noole; gumaysiga cid kale. Addoonsi bay reer yurub u qabsadeen afrika. Dh: gumaysi, addoonsad, biddaysi. Li: xorayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
addoonsi
de: slavery, oppression
lx: addoonsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: addoonsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoonso
f.g3 (-saday, -satay) Cid addoon ka dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
addoonso
v. enslave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoonso
(fal) addoon ka dhigo; cid kale gumayso. Addoonso ayaa ku yidhi, dadkaa adigoo kale ah? Dh: gumayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
addoonso
de: enslave
lx: addoonso
pd: (addoonsaday)
ps: v3a=
key: addoonso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqsoobid
m.dh la-mid: asqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqsoobid
-da: (magac, dhedig, keli) harraadid oo aad u oomid.
aqsoobid-da: (magac, dhedig, keli) jahawareer iyo lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asqoobid
(Asqoobid-da)
1. Biyo la cabbo u baahasho weyn; harraadid; oomid.
2. Dayoobid, dhami'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqoobid
m.dh la-mid: asqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo la cabbo aad ugu baahasho. Asqoobid darteed buu inanku hadli waayay. Dh: oomid, dhanqalmid, harraadid.
asqoobid -da: (magac, dhedig, keli) dhankii loo socdo oo laga lumo. Asqoobid ka dib, jidkii baan ku soo dhacnay. Dh: habow, dayow, jahawareer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budoobid
m.f.dh eeg budow². la-mid: budow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'oobid
m.f.dh eeg da'ow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'oobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaboobid oo wax da' weyn jooga ahaan. Dh: gaboobid, duqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadoobid
(Dadoobid-da)
Dhalanka iyo baxaalliga dadkoo kale yeelasho; dad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadoobid
m.f.dh eeg dadow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada dhaqanka fiican ee dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawoobid
m.dh la-mid: daawoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ka bogsashada cudurka. Dawoobid dhakhso ah ayaan kuu rajaynaynaa. Dh: bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayoobid
(Dayoobid-da)
Dayow ku dhicid; ismadaxmarid; asqoobid; dhami'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayoobid
m.f.dh eeg dayow². la-mid: dayow¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo jahawareer ku jirid.