addeecsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addeecsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax amar la siiyey addeecay ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
addeecsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax amar la siiyey addeecay ahaansho (qof). m.f.dh, addeecsanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
addeecsan
-aa: (adj) compliant (kom-palaayant)-, obedient (o biidi yant) ~ oggol, muddiic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addeecsan
(tilmaame) qof hoggaansan; qof wax loo diray aqbalsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addeecsanaansho
m.l/dh la-mid: addeecsanaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
allegiance
/allijans/ (n) daacad u noqosho ama taageersanaan; addeecsanaan. e.g. How can we win the allegiance of the people?
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
attachment
/attaajmant/ (n) 1. xiriir ama saaxiibtinimo weyn, isjeclaan ama is-addeecsanaan. 2. isku xidhid ama bir wax lugu xidho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
compliant
/komplayant/ (adj) addeecsan (muddeec ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
loyal
/looyal/ (adj) daacad u ah; daacad ah (mar kasta addeecsan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addeecsanaan
m.f.dh eeg addeecsan. la-mid: addeecsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addeecitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg addeecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la jalleeciyay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santeecsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof wax derbi, kursi iyo wixi lamida ku tirsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addeec
addeec¹: m.l la-mid: addeecid.
addeec²: f.g1 (-cay, -cday) Cid amar la faray qaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
addeec
v. obey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
addeec
-ay / day: (v) obey (o-beey); comply with or carry out a command [for example] ~ fuli, maqal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addeec
(fal) yeel amar lagu faray; u hoggaansanaw farriin lagu faray. Dh: yeel, aqbal, oggolow. Li: diid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
addeec
bw: Arabic
de: obey
lx: addeec
pd: (addeecay)
ps: v1=
key: addeec
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deebsan
Deeb lagu culay; la deebshey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deebsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la deebiyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deebsan
der. [adjective] tanned (hide) ~ dressed (hair) with wood-ash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deebsan
(tilmaame) mid deebi ay hayso; hah iyo kulayl afka ku leh.
deebsan: (tilmaame) weel ama wax kale oo la deebiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deebsan
de: tanned (hide) ~ dressed (hair) with wood-ash
lx: deebsan
pd: (deebsanaa)
ps: adj-der
key: deebsan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Deeqsan
name-f donation; gift; offering; grant; generosity. Syn: Deeq, Deeqa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Deeqsan
magaca gabadh dhalashadeeda Eebbe lagu mahadinayo oo looga jeedo deeq wanaagsan oo Alle baxshay ama gabadh dhalashadeeda lagu reeyay oo lagu baahi baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weecsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax weecday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weecsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax weecday ahaansho. m.f.dh, weecsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weecsan
der. [adjective] deviated, diverted, turned (aside)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weecsan
-aa / ayd: (adj) curved (keervid); turned (teenidh); diverted (diveertidh); deviant (dii-vi-yant) ~ leexsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weecsan
(tilmaame) dhan u leexsan ah; meeshii saxda ahayd ka baydhsan ah. Shookaantu way weecsan tahaye toosi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weecsan
de: deviated, diverted, turned (aside)
initial: w
lx: weecsan
pd: (weecsanaa)
ps: adj-der
syn: leexsan {N}
key: weecsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addeecid
(Addeecid-da)
Wax la is faray yeelid, u hoggaansamid, okobbanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addeecid
m.f.dh eeg addeec². la-mid: addeec¹, addeecis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addeecid
-da: (magac, dhedig, keli) yeelista iyo u hoggaansanaanta amar lagu faray. Dh: aqbalaad, hoggaansanaansho, oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addeecis
m.dh la-mid: addeecid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addeecis
-ta: (magac, dhedig, keli) u hoggaansanka amarrada ka soo baxa cid xil kugu leh oo waalid ama madax ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegsad
(Adeegsad-ka)
Hawl cid ku qabsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegsad
m.f.dh la-mid: adeegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegsad
-ka: (magac, lab, keli) hawlgelinta qof ama wax loo isticmaalo waxtar ka soo noqda. Dh: adeegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debecsan
debecsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Xarig, guntin iyo wixi lamida oo giigsanaan wax debcay noqosho. la-mid: dabacsan¹, debacsan¹.
debecsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Xarig, guntin iyo wixi lamida oo giigsanaa wax debcay ahaansho. la-mid: dabacsan², debacsan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
debecsan
debecsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Xarig, guntin iyo wixi lamida oo giigsanaan wax debcay noqosho. m.f.dh, debecsamid. la-mid: dabacsan, debacsan.
debecsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Xarig, guntin iyo wixi lamida oo giigsanaa wax debcay ahaansho. la-mid: dabacsan, debacsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
debecsan
der. [adjective] loose, soft, flexible, relaxed; non-aggressive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
debecsan
-aa / nayd: (adj) loose (luus); relaxed (ri-laaksidh); soft (sooft); unfixed (an-fiksidh) ~ jilicsanaan. Ex: bool debacsan; a loose bolt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debecsan
(tilmaame) wax aan giijisnayn oo jilicsan. Dh: jimcoon, dabacsan. Li: giigsan boohoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
debecsan
bw: jimcoon
de: loose, soft, flexible, relaxed; non-aggressive
lx: debecsan
nt: debecsan (debecsamay) [v1=inch]
pd: (debecsanaa)
ps: adj-der
key: debecsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheecaan
(Dheecaan-ka)
Dhacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheecaan
dheecaan¹: m.l (-aamo, m.dh) la-mid: dhacaan¹.
dheecaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -ami) la-mid: dhacaan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheecaan
m. n., (mass n.): liquid, fluid; sap
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheecaan
-ka: (n) 1. secretion (si-kirii-shin); sap (saap); fluid (fulu-widh) ~ dhacaan
dheecaan - dheecaamtay / dheecaantay: (v) secrete (se-kiriit); sap (saap);exude (ig-zuudh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheecaan
-ka: (magac, lab, keli) dareere aan dhiig ahayn oo ka yimaadda noolaha meesha nabarku ku yaal. Dh: carun, milil, malax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheecaan
a: dhacaan
de: liquid, fluid; sap
lx: dheecaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: dheecaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddeysan
der. [adjective] white, clean
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddeysan
de: white, clean
lx: caddeysan
ps: adj-der
see: caddaysan
key: caddeysan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u weecsan
adj., [expression] inclined to, tending toward
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_weecsan
de: inclined to, tending toward
initial: u
lx: u weecsan
pd: (weecsanaa)
ps: adj-expr
key: u_weecsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleecsan
(tilmaame) wax dhan u janjeedha; dhinac u qallooca. Hal kuris dhalleecsan ayaa geela la socota. Dh: janjeedhsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeysad
m.l la-mid: saddexeysasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Addeecnimo
Ubbidienza
Obedience
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsad
m.l la-mid: cadceedsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedsad
-ka: (magac, lab, keli) cadceedda isku dhigid oo wax cadceedsanaya ahaansho. Dh: cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) socoto iyo wax la mid ah, dib u dhicid illaa cadceeddu kululaanayso; kallahaadda dib uga dhicid. Dh: bariisasho, cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) milay galab ah, xagga cadceeddu jirto u jeesasho ama aadid. Dh: cadceedasho, galbasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) diinta ka bixid; gaaloobid ama riddoobid. Dh: riddoobid, cadceedsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalleensan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax dalleen hayo ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalleensan
(tilmaame) hoos u diisan oo gaaban oo laga dhici karo. Meel dalleensan oo muska ah ayuu libaax ka soo dhacay. Dh: gaaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaleecsan
(tilmaame) ah ruux canbaaraysan oo ceebi ku habsatay. Dh: ceebaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedeeysane
m. n. suspect, defendant, accused
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedeeysane
-eedeeysanaha: (n) one who is accused; suspect (sas pakt); accused (ak yuuzidh) defendant (di-feen dhant) ~ eedaysane
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedeeysane
de: suspect, defendant, accused
lx: eedeeysane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: eedeeysane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecsad
m.l la-mid: jalleecsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeersan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax janjeera ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janjeersan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax janjeera ahaansho. m.f.dh, janjeersanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageersan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: maageeran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maageersan
der. [adjective] surrounded; in a circle around something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageersan
(tilmaame) xayndaab lagu wareejiyay ah. Meel wada maageersan cidina ma gasho. Dh: meegaarsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maageersan
de: surrounded; in a circle around s.t.
lx: maageersan
pd: (maageersanaa)
ps: adj-der
see: maageeran
key: maageersan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandheysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley ay qandho hayso ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandheysan
der. [adjective] feverish, sick with ~ having a fever; ill, indisposed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandheysan
(tilmaame) xummad iyo xanuun aan badnayn qaba ah. Aabbo oo yar qandhaysan ayaan siyaartay. Dh: tacabsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandheysan
de: feverish, sick with ~ having a fever; ill, indisposed
lx: qandheysan
pd: (qandheysnaa)
ps: adj-der
key: qandheysan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rabbeeysan
der. [adjective] tamed, trained
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rabbeeysan
de: tamed, trained
lx: rabbeeysan
pd: (rabbeeysnaa)
ps: adj-der
key: rabbeeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexnaan
m.f.dh eeg saddexan². la-mid: saddexnaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taageersan
-aa -ayd: (adj) allied; supported
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageersan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: maageeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageersan
(tilmaame) meegaaran oo deyr ku wareejisan ah. Jasiiraddu waa berri biyo ku waageersan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalleefsan
Xalleef ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalleefsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xalleef laga dhigay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalleefsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xalleef laga dhigay ahaansho. m.f.dh, xalleefsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalleefsan
der. [adjective] flat, smooth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleefsan
(tilmaame) ballaadhan oo aad u qara yar ah. Dh: balan, xaliifsan, qarayar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalleefsan
de: flat, smooth
initial: x
lx: xalleefsan
pd: (xalleefsanaa)
ps: adj-der
key: xalleefsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amadeelaysan
(tilmaame) xanuunka amadeeladu hayo. Ri' amadeelaysan ayaa xerada ku hadhay. Dh: muqlaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynadeeysan
der. [adjective] colored
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynadeeysan
de: colored
lx: caynadeeysan
ps: adj-der
key: caynadeeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la daddaabeeyay ahaansho (xoolo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabeysan
(tilmaame) faras xadhig ku xiran yahay. Faras daddaabeysan maad aragteen? Dh: shakaalan, shakalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeexsan
(tilmaame) mid aan waddo toos ah socon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adrees
m. n. address (on an envelope, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adrees
-ka: (n) address (addrees) ~ ciwaan. Ex: adreeskaaga halka ku qor; write your address here
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adrees
-ka: (magac, lab, keli) ciwaanka qofka laga helo sida: meesha, telefoonka emailka iyo lanbarka aqalka. Farduusa adrees lagala xidhiidho ma laha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adrees
de: address (on an envelope, etc.) Alt sp: adres
lx: adrees
pd: (-ka)
ps: n2-m
xe: What is your address?
xv: cinwaan {Eng}
key: adrees
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Xamuul wax dhulka la dhigay ahaansho. 2. Qorshe, nidaam iyo wixi lamida wax la dhammaystiray ahaansho.