adarbiciid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adarbiciid
m.l la-mid: adaarbiciid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaarbiciid
m.l Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga, wuxuu leeyahay miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid. la-mid: adarbiciid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaarbiciid
-ka: (magac, lab, keli) nagaadh aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo dooxyada dhinacyadooda. Waxa uu leeyahay midho kuwa bunka u eg, dhirta dawada leh na waa ka mid. Adaarbiciid baa ka soo baxayoo, arlada quruxdiyo udgoonka ku yaal, ishii aragtaa ayaan badan! Dh: adarbiciid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adaar-biciid
(Adaar-biciid-ka)
Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga; wuxuu lee yahay, miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adaar-biciid
m. n., [compound] thornless medicinal plant with fruit resembling coffee beans
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADAR-BICIID
(Adar-bi'd) N Pluchea heterophylla Vatke. Compositae.
C Pulicaria sp. aff. P. crispa (Forsk) Oliv. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarbixid
(Aarbixid-da)
Eedbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarbixid
m.f.dh eeg aarbax². la-mid: aarbax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabicid
(Daabicid-da)
1. Si daabac ah u qorid.
2. (dhar, kd.) daabac u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabicid
m.f.dh eeg daabac². la-mid: daabac¹ (4), daabacaad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Daabicid
Stampatura
To print
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabicid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qorayo makiinad ku qorid oo wax waraaqo ku daabacan ka dhigid. Daabicidda wargeysyadu shaqo badan ayay u baahan tahay. Dh: daabicis.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
RARMAY BICIID
Enneapogon schimperanus 10
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
RARMAY-BICIID
Dignathia gracilis 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RARMAY-BICIID
(Rarmai-biid) C Afrotrichloris martinii Chiov. Gramineae.
C Dignathia gracilis Stapf. Gramineae.
C Leptothrium senegalense (Kunth) W.D. Clayton. Gramineae.
C Eragrostis ciliaris (L) R. Br. Gramineae.
C Enneapogon schimmperanus (A. Rich.) Renv. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabici
(fal) eeg daabaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabicad
f. n. behavior; character, temperament
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabicad
a: dabiicad
bw: Arabic
de: behavior; character, temperament
lx: dabicad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dabicad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayicid
(Dayicid-da)
Sidii ekayd aan loo ilaalin ee laysku laday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayicid
m.f.dh eeg dayac². la-mid: daayicid, dayacid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayicid
-da: (n) negligence (nig-le-jansi); carelessness (keer-les-nes); undutifulness (an-dhuuti-fuul-nes); neglect (nig-lekt) ~ dayacaad, isku-ladid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayicid
-da: (magac, dhedig, keli) daranyayn; wax dayacan oo baylahsan ka dhigid. Meheraddaada dayicidda ka jir. Dh: baylihin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarbaxid
-da: (magac, dhedig, keli) ka garbixinta eed laguu haystay. Walaal aarbixid ma ahee, uurxumo iskuma laha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amardiid
(fal) wax laguu diray diid. Haddii wax diinta ka baxsan lagu amro iska amardiid. Dh: caasi.
amardiid -ka: (magac, lab, keli) qof waajib la faray diida; qof wixii la faray fulin waaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbixid
m.f.dh eeg barbax². la-mid: barbax¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbixid
-da: (magac, dhedig, keli) deegaankaagii, dhulkaagii iyo hantidaadii ka qaxid. Dh: barabixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabacid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wixii la mid ah, daabacaad u yeelid oo dun ku xardhid.
daabacid: -da: (magac, dhedig, keli) buug iyo wixii la mid ah madbacad ku daabicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabixid
m.dh la-mid: daabaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaficid
(Daaficid-da)
Wax iska celin ama cid kale ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaficid
m.f.dh eeg daafac². la-mid: daafac¹, difaac¹, difaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaficid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax dhibaya ka horjoogsasho oo hoo iyo hiilba la garab joog- sasho. Daaficidda dacwadaha waxa u xilsaaran afookaaga. Dh: daaficis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalicid
(Daalicid-da)
Kor u soo bixid; soo fuulid; soo daalacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalicid
m.f.dh eeg daalac². la-mid: daalac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalicid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka soo daahirid. Daalicidda awliyadu waa sheeko aan sal diineed lahayn. Dh: daahirid, muuqad, daalicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayicid
m.dh la-mid: dayicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayicid
-da: (magac, dhedig, keli) baylihin oo wax dayacan ka dhigid. Ammaanada daayicidda ka daa oo xafid. Dh: halladaadin, baylihin, dayicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabiibid
(Dabiibid-da)
1. Qof buka geedo siin ama dacarfaalid.
2. Takhtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabiibid
m.f.dh eeg dabiib². la-mid: dabiib¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabiibid
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka, geedo, Qur'aan ama wax kale, ku daawayn. Wadaadku dabiibidda ijaaso ayuu u haystaa. Dh: baanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabkicid
-da: (magac, dhedig, keli) kicitaanka dab ama olol meel ka kaca. Xilliga xagaaga dabkiciddu way badan tahay. Dh: dabkac.
dabkicid-da: (magac, dhedduign, keli) dab iyo olol oogsada. Dabkicidda waxa lagu eedeeyey duqda guriga leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dallicid
(Dallicid-da)
1. (cunno) dallac ka dhigid.
2. Darajo kore gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallicid
m.f.dh eeg dallac². la-mid: dallac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallicid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto suugayn oo idaam u samayn.
dallicid-da: (magac, dhedig, keli) derejo sare gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darfiyid
m.f.dh eeg darfi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darfiyid
-da: (magac, dhedig, keli) dafirid oo iska diidid. Dh: dafirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariirid
m.f.dh eeg dariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darribid
m.f.dh eeg darrib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darribid
-da: (magac, dhedig, keli) tadriib u samayn. Dh: tababarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaricid
(Raaricid-da)
Laallaadid; lulasho; lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaricid
m.f.dh eeg raarac². la-mid: raarac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwicid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbicid
m.f.dh eeg surbac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taabicid
m.f.dh eeg taabac². la-mid: taabac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabicid
-da: (magac, dhedig, keli) raacid; dabaggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabbicid
(Tabbicid-da)
(ku-tabbicid) ku dhejin; ku taagid; ku nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabbicid
m.f.dh eeg tabbac². la-mid: tabbac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabbicid
-da: (magac, dhedig, keli) meel, wax ku dhejin; ku nabid: ku taagid.
tabbicid -da: (magac, dhedig, keli) qof kale, gacanta wax kaga ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarbiyid
(Xarbiyid-da)
Xarbi gelid; dagaallamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarbiyid
m.f.dh eeg xarbi². la-mid: xarbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarbiyid
-da: (magac, dhedig, keli) rafaad iyo firlayn ku jirid. Dh: sankaraadid.
xarbiyid-da: (magac, dhedig, keli) dagaallamid oo xarbi galid. Dh: jihaatamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aabbadiid
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay, aabbihii dhintay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasbiriin
-ka: (n) aspirin (aas-periin). Ex: keniin aasbariin ah; an aspirin tablet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasbiriin
-ka: (magac, lab, keli) daawo xummadda iyo garaaca loo qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadixid
m.f.dh eeg adaadax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarbixin
m.dh Amar farid; idmid; amarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) faritaanka in qof wax falo. amarbixintaadu waa in ay noqotaa mid hufan. Dh: amarsiin, amrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbicid
m.f.dh eeg dhabbac². la-mid: dhabbac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbicid
-da: (magac, dhedig, keli) bogga u jiifsasho oo beerka dhulka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarbidxid
m.f.dh eeg qarbidix².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacarbixid
m.f.dh eeg dacarbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacarbixid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u shubmid oo wixii qush iyo dacar caloosha ku jira shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambitirid
m.dh la-mid: dembitirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambitirid
-da: (magac, dhedig, keli) dembidhaafid iyo saamaxaad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darbi jiif
-ka: (n) homeless (homles) person; bum (baam) lazy or shiftless person ~ dibjir, jamal jaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geedbiciid
(Geedbiciid-ka)
Geed dhirta dawada leh kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedbiciid
m.l Geed ka mid ah dhirta laysku daaweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedbiciid
m. n., [compound] medicinal plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedbiciid
-ka: (magac, lab, keli) geed dhirta dawada leh ka mid ah oo waxtar badan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedbiciid
de: medicinal plant sp.
lx: geedbiciid
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: geedbiciid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesbiciid
-ka: (magac, lab, keli) nuuc tigaadda ka mid ah oo u toostoosan una dhaadheer sida geesahsa ugaadha biciidka la yidhaahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagarbixid
(Hagarbixid-da)
Hawl, arrin, kd., kal iyo laab u qabasho; lillaahi iyo hagar la'aan, wax ku qabasho, ku xoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagarbixid
m.f.dh eeg hagarbax². la-mid: hagarbax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagarbixid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl ama arrin si kal iyo laab ah u qabasho. Dh: hagarbeel, daacadnimo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madarkicis
name-m gathering agitator, meeting disrupter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madarkicis
magac loo bixiyo wiil dhalashadiisu dad isku keentay oo sababtiisa lagu heshiiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabdhigid
m.dh la-mid: dadabgelid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DIXI-BICIID
(Dihi-bi’d) N Leptothrium senegalense (Kunth)W.D. Clayton. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwicid
m.f.dh eeg jadeerwac². la-mid: jadeerwac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaajin; ka dhexaysiin; wadaajis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
amar bilaabid
starter's order