adaadixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadixid
m.f.dh eeg adaadax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaadaxid
-da: (magac, dhedig, keli) dheeldheelliyidda kolka la socdo..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabixid
m.dh la-mid: daabaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadumid
m.f.dh eeg adaadun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaadumid
-da: (magac, dhedig, keli) guri, xoolo ama wax kale, unkid oo alkumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalixid
m.f.dh eeg alaalax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ardaadhigid
m.dh la-mid: ardaaggelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdaadiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale bariidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaarixid
m.f.dh la-mid: banaaxiyid, insaarixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arradbixid
(Arradbixid-da)
Arrad ka bixid; arratirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradbixid
m.f.dh eeg arradbax². la-mid: arradbax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradbixid
-da: (magac, dhedig, keli) arrad ka bixid; arradtirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaadumid
(Hadaadumid-da)
Ka caloolduubasho; ka quusasho; dalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaadumid
m.f.dh eeg hadaadun². la-mid: hadaadun¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaadumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la naawilayey oo la waayey ka samrid, ka caloolduubasho. Dh: quusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaabixid
m.dh la-mid: masaamixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaabixid
-da: (magac, dhedig, keli) saamixid oo dembi uu galay ka dhaafid. Dh: cafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaamixid
(Masaamixid-da)
Denbidhaafid; cafiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaamixid
m.f.dh eeg masaamax². la-mid: masaabax¹, masaabixid, masaamax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaamixid
-da: (magac, dhedig, keli) saamixidoo dembi hore ka dhaafid. Dh: cafin, saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataatixid
m.f.dh eeg mataatax³. la-mid: mataatax¹ (4), motootax¹, motootixid, mutuutax¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataatixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mataataxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yadaadumid
-da: (magac, dhedig, keli) baryo iyo calaacal joogto ah ku jirid. Odaygani yadaadumid kama waantoobayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadi
m.l Lacag sanuud ah oo qiimaheedu dhanyahay labaatan senti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaadi
-da: (magacwadareed) lacag sanuud ah oo dhan labaatan senti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadid
m.f.dh eeg daad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaadid
(Abaadid-da)
(ku abaadid) ku daa'imid, ku waarid, ku ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadid
m.f.dh eeg abaad². la-mid: abaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadid
-da: (magac, dhedig, keli) duugowga iyo dabargo'a tilmaamaya baabi'idda wax jiray. Dh: goofid, gaboobid, raagid, duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadax
adaadax¹: m.l 1. Socodka lala dhacdhaco tabar darro darteed. 2. Meesha ay iska galaan dhulka iyo buurta.
adaadax²: f.mg1 (-xay, -xday) Tabar darro awgeed la dhicdhicid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaadax
-da: (magac, dhedig, keli) qaabka uu u socdo qof tabaryari aawadeed la dhacdhacayaa.
adaadax-da: (magac, dhedig, keli) halka ay iska galaan buuraha iyo bannaanka ku xeeran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addimid
(Addimid-da)
Aadaanka salaadda ku dhawaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addimid
m.f.dh eeg addin². la-mid: addimaad, addin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addimid
-da: (magac, dhedig, keli) salaadda faralka ah dadka ugu baaqid. Dh: eedaamid, aadaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawixid
m.f.dh eeg dawax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadiid
(Gaadiid-ka)
Waxa la carto oo lagu guuro ama lagu socdaalo ama lagu dhoofo ama hawlo kale lagu qabsado, (dayuurad, markab, baabuur, awr, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadiid
m.l.u Wax kasta oo la rarto, laguna guuri karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaadiid
m.l.u Wax kasta oo la rarto, laguna guuri karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadiid
m. n., [collective] beast of burden; transport, vehicle, transportation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaadiid
-ka: (n) means of transportation (traanispoorteey-shin)-, transport (traanis poort); conveyance (kon veeyns)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gaadiid
Trasporto
Transport
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiid
-ka: (magacwadareed) wax kaste oo loo adeegsado in la fuulo ama wax lagu rarto, sida awrta, baabuurta, diyaaradaha iyo wixii la mid ah. Anigu gaadiidka badda waan nacaa. Dh: muur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadiid
de: beast of burden; [ext.] transport, vehicle, transportation
lx: gaadiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: gaadiid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gaadiid
نَقُل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idaadid
m.f.dh eeg idaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarbixid
(Aarbixid-da)
Eedbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarbixid
m.f.dh eeg aarbax². la-mid: aarbax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abasixid
m.dh eeg abasax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adamaxid
-da: (magac, dhedig, keli) tamashlayn iyo taxtaxaashid; daanshadaanshood u socosho. Adamaxid ayuu ku maqanyahay ninkii beerta lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalixi
(fal) xad adoon waxba ka tegeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amardiid
(fal) wax laguu diray diid. Haddii wax diinta ka baxsan lagu amro iska amardiid. Dh: caasi.
amardiid -ka: (magac, lab, keli) qof waajib la faray diida; qof wixii la faray fulin waaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daa'imid
(Daa'imid-da)
Ku waarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daa'imid
m.f.dh eeg daa'in. la-mid: daayimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'imid
-da: (magac, dhedig, keli) abidba jirid. Dahabka waxa lagu doorbidaa daa'imidda. Dh: waarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabaxid
m.f.dh la-mid: daabax¹ (3), daabixid, dabaax¹, dabaaxid, dabxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabicid
(Daabicid-da)
1. Si daabac ah u qorid.
2. (dhar, kd.) daabac u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabicid
m.f.dh eeg daabac². la-mid: daabac¹ (4), daabacaad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Daabicid
Stampatura
To print
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabicid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qorayo makiinad ku qorid oo wax waraaqo ku daabacan ka dhigid. Daabicidda wargeysyadu shaqo badan ayay u baahan tahay. Dh: daabicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadufid
m.f.dh eeg daaduf². la-mid: daaddufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaficid
(Daaficid-da)
Wax iska celin ama cid kale ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaficid
m.f.dh eeg daafac². la-mid: daafac¹, difaac¹, difaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaficid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax dhibaya ka horjoogsasho oo hoo iyo hiilba la garab joog- sasho. Daaficidda dacwadaha waxa u xilsaaran afookaaga. Dh: daaficis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahirid
(Daahirid-da)
Soo bixid; muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahirid
m.f.dh eeg daahir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahirid
-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) soo muuqasho oo soo bixid. Soo daahiridda waxyaa- baha cusubi waxay innooga baahan yihiin talo iyo tusaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daakirid
m.f.dh eeg daakir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daakirid
-da: (magac, dhedig, keli) dikri iyo duco eedaanka subaxa horteed akhrin oo dadka salaada xasuusin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalibid
m.f.dh eeg daalib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalicid
(Daalicid-da)
Kor u soo bixid; soo fuulid; soo daalacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalicid
m.f.dh eeg daalac². la-mid: daalac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalicid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka soo daahirid. Daalicidda awliyadu waa sheeko aan sal diineed lahayn. Dh: daahirid, muuqad, daalicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaligid
-da: (magac, dhedig, keli) cunid iyo raamsi calalin leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayicid
m.dh la-mid: dayicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayicid
-da: (magac, dhedig, keli) baylihin oo wax dayacan ka dhigid. Ammaanada daayicidda ka daa oo xafid. Dh: halladaadin, baylihin, dayicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayimid
m.dh la-mid: daa'imid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayimid
-da: (magac, dhedig, keli) wax weligiiba jira ahaan. Dh: daa'imid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarixid
(Faarixid-da)
Farxid; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarixid
m.dh la-mid: farxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarixid
-da: (magac, dhedig, keli) mid faraxsan ahaan; farxad qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaagixid
m.dh la-mid: gaaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadiyid
m.f.dh eeg kaadi³. la-mid: kaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kaadi iska keenid. Dh: kaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajixid
m.f.dh eeg naajax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naajax.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadicid
-da: (n) the act of boycotting; not participating ~ qaadacaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaadid
m.f.dh eeg qadaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamixid
(Saamixid-da)
Cafiyid; denbidhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamixid
m.f.dh eeg saamax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamixid
-da: (magac, dhedig, keli) cafiyid; u denbidhaafid; saamaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadirid
m.f.dh eeg xaadir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaadir ahaan; u joogid. Dh: xaadiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaahiyid
(Abaahiyid-da)
(awr) kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaahiyid
m.f.dh la-mid: abaahi¹, abaahin, abaahis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaahiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaajiyid
(Abaajiyid-da)
Baadi wax badan sii maqnayd, iyadoo aan la tebin; tasoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaajiyid
m.f.dh eeg abaaji².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaajiyid
-da: (magac, dhedig, keli) baadi, in badan tebid la'aan oo tasoobid. Abaajiyid ayaa ka muugata shagadaada, waayo wax badan baa ka magan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaadumad
-ka: (magac, lab, keli) guri, xoolo iyo wax la mid ah, unkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaasimid
(Agaasimid-da)
Maamulid; nidaamin.