abwaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abwaag
-ta: (magacwadareed) erey laga yaabo in uu ka soo jeedo Carabi 'abwaab' oo ka dhigan daafaha ama dhinacyada. Degmadeenna oo idil haddaan dayey abwaagteeda. Dh: baallaheega, daafaheega, nawaaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abwaan
(Abwaan-ka)
1. (qof) laamo badan oo cilmi aqoon weyn ku leh ama u leh siiba dhaqanka iyo ilbaxa tolka; waaya-arag; waxyaqaan; buuni.
2. (*) Buug ama buugag laamaha aqoontoo dhammi ku urursan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abwaan
m.l (abwaanno, m.dh) 1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. Abwaan ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riwaayad) Qof riwaayadaha curiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abwaan
m. n. wise man, scholar; encyclopedia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abwaan
-ka: (n) 1. scholar (iskoolar)-, especially in poetry (powatri); one who demonstrates great imaginative power of expression ~ aqoonyahan. Ex: Abwaan Xadraawi; Hadraawe the scholar. 2. dictionary or encyclopaedia ~ qaamuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abwaan
-ka: (magac, lab, keli) qof aqoon dheeraad ah u leh laamo badan oo aqoonta bulshada ka mid ah, siiba dhaqanka iyo ilbaxnimada dadka; waxyaqaan laamaha aqoonta mid walba iska laallaadshay oo loogu noqdo khibrad iyoo xeeldheeri aawadeed. Dh: buuni.
abwaan -ka: (magac, lab, keli) buug koobsaday wax badan oo laamaha aqoonta ah; buug lagu ururshay aqoon kala duwan. Abwaan weyn baa laga soo saaray Xarunta Cilmibaadhista ee Jabuuti.
abwaan -ka: (magac, lab, keli) qof lab oo suugaanta tirinteeda ama curinteeda lagu yaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abwaan
de: wise man, scholar; encyclopedia
lx: abwaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: abwaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
abwaan
عالم، حَكِيمٍ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baag
-ta: (magac, dhedig, kel:) calaamade ku faafa oogada qofka oo cadcad oo diirka sare hoola. Baag baa qoorta wiilka ka soo baxday. Dh: cambaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waag
waag¹: m.l Socod badan oo wax lagu baadigoobayo.
waag²: f.g1 (-gay, -gtay) Socod badan samayn iyadoo wax la baadigoobayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waag
(fal) socod badan samayn iyadoo wax la baadigoobayo.
waag -ga: (magac, lab, keli) socod badan oo wax lagu baadigoobayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaab
abaab¹: m.l la-mid: abaabid; abab¹; ababid.
abaab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: abab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaab
v. scatter on; crawl, creep, move along by creeping; walk (as reptile ~ insect)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaab
(fal) wax meel ku daadsan, xaab oo ururso. Magaalada waxa ku soo badatay carruur abaabaysa maqaayadaha. Dh: haag, unuunuf, xaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaab
de: scatter on; crawl, creep, move along by creeping; walk (as reptile ~ insect)
lx: abaab
pd: (abaabay)
ps: v1=
key: abaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaad
abaad¹: m.l la-mid: abaabid.
abaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Ku a.: muddo dheer xaalad gaar ah ku sugnaan, ku waarid. 2. Duugoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaad
f.mg1 (-day, -dday) 1. Ku a.: muddo dheer xaalad gaar ah ku sugnaan, ku waarid. 2. Duugoobid. m.f.dh, abaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaad
v. endure, last, go back in time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaad
-ay I day: (v) lost (loosti); no longer in the possession for a long time ~ abaaji. Ex: xoolihii abaaday; the lost livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaad
(fal) gabow oo duugow ama raag oo waar. Ku abaad aduunyada, halkii Eebbe ku qoray.
abaad: (fal) adoo hore u irmaanaa, ha dhiiqin oo gudh.
abaad -ka: (magac, lab, keli) wax irmaanaa oo gudhay ama dabargo'ay. Waxan ku aroornay ceel abaaday oo waa hore laga guuray.
abaad -ka: (magac, lab, keli) gabowga iyo duugoobista cid haleela.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaad
de: endure, last, go back in time
lx: abaad
pd: (abaaday)
ps: v1=
key: abaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaal
(Abaal-ka)
Samafal laysu galay, xusuusta wanaagsan iyo mahadda laysaga hayo; lib; gallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Samo cid loo galo. Tusaale: “Cali, abaal buu ii galay”. 2. Xasuusta wanaagsan ee la isaga hayo samo la isu galay. Tusaale: “Xasan, abaal baan u hayaa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Samo cid loo galo. Tusaale Cali, abaal buu ii galay. 2. Xasuusta wanaagsan ee la isaga hayo samo la isu galay. Tusaale Xasan, abaal baan u hayaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaal
m. n. favor, reward, gratitude; just deserts
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaal
-ka: (n) 1. favor (feyver); a gracious or friendly act that is freely granted ~ asxaan. Ex: abaal ma ii gali kartaa? can you do me afavor? 2. merit (meerit); worth (woorth) ~ mudnaan. Ex: abaalkiisa marsii! give him what he deserves!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaal
-ka: (magac, lab, keli) wanaag iyo samafal ay cidi kuu gasho; xusuusta wanaagsan iyo mahadda la isugu hayo. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaal
de: favor, reward, gratitude; just deserts
lx: abaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
xe: He got his just deserts.
xv: Abaalkiisu helay.
key: abaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaar
(Abaar-ta)
Roob la'aan; doog la'aan; jiilaal dheeraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaar
m.dh (-ro, m.l) Dhibaato ballaaran oo roob la'aani keentay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaar
m.dh (-ro, m.l) Dhibaato ballaaran oo roob la'aani keentay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaar
f. n. drought, famine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaar
-ta: (n) drought (da-raawt); famine (faa min); wide-reaching food shortage -abaari keentay: (adj) drought victim; drought refugee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abaar
magac loo baxsho wiil dhashay xilli reeruhu abaarsadeen oo roob la waayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaar
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka safaannaha marka roobku baaqdo ee sidaa awgeed xooluhu daaq waayaan, dhulku na oomane noqdo. Col iyo abaar ba cagahaagaa lagaga baxaa. Li: barwaaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaar
cf: oommane
de: drought, famine
lx: abaar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: abaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
abaar
مَجَاعَة وَجَفَافِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaag
(Agaag-ga)
Dhowaan (ama agag).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaag
m.l Fagaag. la-mid: agag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agaag
m. n. proximity, environs, neighborhood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaag
-ga: (magac, lab, keli) dhowaan; agag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agaag
de: proximity, environs, neighborhood Alt sp: agag
lx: agaag
pd: (-ga)
ps: n0-m
key: agaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaag
f.g1 (-gay, gtay) la-mid: ammaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaag
(Asaag-ga)
La mid; la fil; la fac; eyni; laag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaag
m.l.u Dadka inta isku da'da ah ama isku darajada ah; fac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asaag
m.l.u Dadka inta isku da'da ah ama isku darajada ah; fac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaag
m. n., [collective] peer, one's equal; age-mate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asaag
-ga: (n) peers (piiris); persons with equal rank, class, or age; a coeval; contemporary ~ isku fac, isku da'. Ex: Cali iyo Xaawo waa isku asaag; AU and Hawa are contemporaries
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaag
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, qof la fil iyo fac ah. Adeer asaaggaa la ciyaar. Dh: fil, qayr, fac, ayni, dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asaag
de: peer, one's equal; age-mate
lx: asaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: asaag
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
asaag
نظیر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaal
(Awaal-ka)
Saad; male.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaal
awaal¹: m.l 1. Saad; male. 2. awaalid.
awaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) la-mid: aawil².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awaal
v. guess, think, expect, assume
awaal vl. n. expectation, guess, prediction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
awaal
-ka: (n) guess (ges); predict, assume, presume or think ~ mala-awaal, male
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaal
(fal) wax malay; wax saadaali. Bal awaal waxa soo socda. Dh: saadi.
awaal -ka: (magac, lab, keli) saadaal iyo malemalayn. Awaaluhu wuxuu sheegayaa in ay roobab di'i doonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaal
(fal) wax soo socda ka sii warran oo fiiri waayahiisa.
aawaal -sha: (magac, dhedig, keli) saadaasha iyo ifafaalaha mustaqbalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaan
(Abbaan-ka)
Dad u taliya; madax; magangeliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof cid magan geliyey. 2. Qof, cid magan u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abbaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof cid magan geliyey. 2. Qof, cid magan u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abbaan
m. n. protector, patron, leader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka cid kale u wakiil ah iyaga iyo xoolahooga ba. Nin abbaan ah mooyee mushteri lama aqoonayne.
abbaan-ka: (magac, lab, keli) qofka meherad ama farsamo cid kale u suubbiya ee shaqaale ama adeege uga ah. Dh: midiidin.
abbaan -ka: (magac, lab, keli) qofka waddada iyo meelaha ambada ah yaqaan ee haga dad safar ah oo badeecad sida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abbaan
de: protector, patron, leader
lx: abbaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: abbaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaar
(Abbaar-ta)
Sida eg, tusmo; marin; aaddanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaar
abbaar¹: m.l 1. Meel ku aadkeeda. 2. la-mid: abbaarid.
abbaar²: m.dh Hadal, arrin iyo wixi lamida sida ku habboon ee looga baahanyahay. Tusaale: 'Hadalka abbaartiisu sidaa ma ahayn.'
abbaar³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Si toos ah oo aan leexleexasho lahayn wax u aadid. 2. (f.mg) Ku a.: wax kale ku toosin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abbaar
abbaar¹: m.l 1. Meel ku aadkeeda. 2. la-mid: abbaarid.
abbaar²: m.dh Hadal, arrin iyo wixi lamida sida ku habboon ee looga baahanyahay. Tusaale: Hadalka abbaartiisu sidaa ma ahayn.
abbaar³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Si toos ah oo aan leexleexasho lahayn wax u aadid. 2. (f.mg) Ku a.: wax kale ku toosin. m.f.dh abbaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abbaar
v. go towards; aim at; face, confront
abbaar vl. n. direction, going towards
abbaar [feminine] n. debt, moral obligation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abbaar
abbaar-ta: (adv) 1. supposed (se pow.sidh); intended (in teendid); Ex: abbaartiisu maxay ahayd...; what he was supposed to do. 2. right approach
abbaar-ay / tay: (v) 1. approach (a parowj); come or go near or nearer to: Ex: Cali baa isoo abbaaray; Ali has approached me. 2. go towards. Ex: gurigii buu abbaaray; he went towards home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaar
(fal) toos wax u beegso; meel cayiman ku hagaag.
abbaar -ta: (magac, dhedig, keli) qiyaasta; in ku dhow; sida loo malayn karo.
abbaar -ta: (magac, dhedig, keli) ujeeddada iyo yoolka la rabo in la gaadho.
abbaar -ta: (magac, dhedig, keli) awaalaha iyo waayaha. Abbaartu waxa ay sheegaysaa saansaanyo nabadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaay
m.dh la-mid: abbaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaay
-da: (magac, dhedig, keli) erey gabadha loogu yeedho oo uu macnihiisu yahay; walaaley. Waxa isugu yeedha, kuwa wada dhashay, xigtada iyo inta isjecel. Dh: abbaayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Abgaal
m. n. clan name
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abgaal
name-m camel's descent, lit: he who his ancestor owns many camels
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abgaal
magac loo baxsho wiil ka dhashay reer geel leh ama dhalashadiisii ku soo beegantay in uu reerku geel badan yeesho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Abgaal
cf: Hawiye
de: clan name
lx: Abgaal
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: Abgaal
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abkaal
name-m lineage helper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abkaal
magac loo baxsho wiil dhashay iyada oo uu tolkii ragyari la ciillan yahay ama wiil loo baryayo in uu noqdo abgargaare dadka u gurmada oo caawiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abqaad
m.l (-do, m.l) (baayoloji) Ka rujinta geedka laga rujiyo meel ee la geeyo meel kale. Tusaale: “Ka saaridda geed dheri lagu beeray ee loo wareejiyo dhulka”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abqaad
m.l (-do, m.l) (baay.) Ka rujinta geedka laga rujiyo meel ee la geeyo meel kale. Tusaale: Ka saaridda geed dheri lagu beeray ee loo wareejiyo dhulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abqaad
(fal) geed meel ka biqlay, meel kale u rar oo ku jooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abqaal
(fal) eeg abaqaal.
abqaal: (fal) xoolaha wad adiga oo daajinaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abraar
(Abraar-ka)
Soo bood; meel dad badan ama dhir badan xoog ku marid; jibaax; majiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abraar
abraar¹: m.l 1. Orod degegsiinyo leh oo hadba dhan loo ordo. 2. abraarid. la-mid: abraarid.
abraar²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid. 2. (f.mg) Si degdegsiinyo leh hadba dhan ugu ordid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abraar
v. rush, stampede
abraar vl. n. stampede, rush, act of rushing
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abraar
name-m stampede, rush; act of rushing. Lit: he who was born too quickly after the initial labor
Carabi: name-f devoted to God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abraar
-ay / tay: (v) stampede (staampiidh); cause for example a herd of animals to flee in panic and over run something or someone ~ didmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abraar
magac loo baxsho wiil dhashey iyada oo aanay hooyadii in badan foolan; soo jiidhe; soo dhaqsade; ma raage.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abraar
(fal) si kidis ah oo aan fiirsi lahayn u bood oo wax u sii dhex jibaax. Cigaal kolkii uu libaaxa arkay ayuu kor u abraaray.
abraar: (fal) gal safar aan soo laabasho lahayn.
abraar -ka: (magac, lab, keli) booddo kedis iyo fiirsi la'aan ah oo wax la sii dhex jibaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adwaar
m.dh.w eeg dǫor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adwaar
f. n., pl. roles, parts, functions; turns; cycles, periods of time
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adwaar
bw: Arabic
de: roles, parts, functions; turns; cycles, periods of time Sg: door
lx: adwaar
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: adwaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftaag
(tilmaame) wax kaste oo af yuuban oo taagan leh. Li: afgallooc.
aftaag-ga: (magac, lab, keli) kibir iyo islaweynaan fuqa sare loo taago; hadal qab ku jiro oo cid ixtiraam mudan lagula hadlo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alwaax
(Alwaax-a, Alwaax-da)
Qoryo xalxalleef laga dhigo oo wax lagu dhiso; looxyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alwaax
m.l/dh.u Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alwaax
m.l/dh.u Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alwaax
m. n. wood, timber, board
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alwaax
-da: (n) wood (wuudh); lumber (lumbar), board (boodh) ~ qori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alwaax
(fal) walax isku taalla kala dhambal; kala jeex sida looxa. Gudun afweyn buu haystoo, mar qudha uun buu qorigii kala alwaaxay.
alwaax-a: (magac, lab, keli) qori wax lagu dhisto oo si xalleefsan loo farsameeyey. Dh: loox.
alwaax-da: (magacwadareed) laamaha ama jiridda geedka oo loo isticmaalo dhismo ahaan. Markabku alwaax ayuu wadaa. Dh: qoryo, looxyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alwaax
de: wood, timber, board
lx: alwaax
pd: (-a ~ -da)
ps: n2a-m
key: alwaax