abuurxoolaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurxoolaad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqashada nimcooleyda ama xoolaha. Degaankan waxa lagu yaqaannaa abuurxoolaad wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurnaan
m.f.dh eeg abuuran². la-mid: abuurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid jira oo abuuran ahaan. Dh: abuurni..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuuritaan
m.l la-mid: abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurxoonaan
(Qurxoonaan-ta)
Wax quruxsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxoonaan
m.dh la-mid: quruxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxoonaan
f. n., [abstract] beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg quruxsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurxoonaan
de: beauty
lx: qurxoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qurxoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuuddoocan
m.dh Timir yaryar, guduudan, aad u macaan oo ka baxda degmada Doocan ee Yaman. la-mid: abuuddocan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurdeegaan
-ka: (magac, lab, keli) midhaha ka soo baxa beeraha deegaan gaar ah. Abuurdeegaankii Banguud sannadkan wuu ba'ay.
abuurdeegaan -ka: (magac, lab, keli) deegaan qaabka u samaysan yahay. Marka aad abuurdeegaankan eegto, waxaad arki buur iyo ban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarigxoolaad
m.l (-dyo, m.dh) Xarig harag xoolaad laga tidcay ama laga soohay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarigxoolaad
m. n. rope made from animal hide ~ skin (for tying animals)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarigxoolaad
de: rope made from animal hide ~ skin (for tying animals)
initial: x
lx: xarigxoolaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: xarigxoolaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudulnoolaad
-ka: (magac, lab, keli) hab dhaqan-dhaqaale qof wax soo saarkiis ay cid kale ku nooshahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abuur xulasho
Seed selection
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arooryohoraad
m.dh (-ddo, m.dh) Marka oogga waaberi dilaaco. la-mid: aroorhoraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faruurxirnaan
m.f.dh eeg faruurxiran. la-mid: faruurxirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurxirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) faruurta mid laga xidhay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskuddulnoolaad
m.l Hab dhaqan-dhaqaale oo qof wax soo saarkiis ay cid kale ku nooshahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]