abuumaqas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuumaqas
m.l 1. Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay, toban lugood oo labada hore u egyihiin maqas oo la cuno; koombe. 2. Nooc ka mid ah sigaarradii 40kii iyo 50kii Soomaaliya laga cabbi jirey oo dusha maqas kaga sawirnaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuumaqas
-ka: (magac, lab, keli) eeg abumaqas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuu-maqas
(Abuu-maqas-ka)
Iskaanbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abuu-maqas
m. n. lobster
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abumaqas
-ka: (n) lobster (lobister) ~ aargoosto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abumaqas
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah noolaha badda oo qolofley ah. Waxa uu leeyahay toban lugood oo labada hore maqas la moodo. Waxa kale uu leeyahay hilib aad u nafaqo badan. oo jeenyaha iyo adhaxda kaga yaal. Wa: koombe.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lobster
/lob star/ (n) argoosto; abuumaqas (xayawaan badda laga helo oo hilibkiisa la cuno).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
argoosto
-argoostada: (n) lobster (loobistar) ~ abuumaqas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abufaas
-ta: (magac, dhedig, keli) daawo laga. sameeyo caleenta dhir la isku dardaray oo leh hah kulul iyo ur kakan oo loo adeegsado saaridda muruqyada iyo miciga bahalaha. Qaniinyo abeeso abufaas baa la mariyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurcas
(Abuurcas-ka, Abuurcas-ta)
Meseggada jaad ka mid ah oo midabkeedu cas yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurcas
m.l/dh Nooc meseggada ka mid ah, oo midab guduud iyo caddaan u dhexeeya leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abuurcas
m.l/dh Nooc meseggada ka mid ah, oo midab guduud iyo caddaan u dhexeeya leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abuurcas
m. n., [compound] sorghum species, red in color
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurcas
-ka: (magac, lab, keli) masagada jaad ka mid ah oo midabkeedu casaan yahay. Abuurcas baa si weyn noogu baxday. Dh: masago.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abuurcas
de: sorghum sp., red in color
lx: abuurcas
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n0-m/f-cmp
key: abuurcas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgumaas
-ga: (magac, lab, keli) qof af gaaban oo aan ku fiicnayn doodaha. Afgumaas gar looma dhiibto. Dh: afgaab, afkumaas. Dh: afmiishaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Abuubakar
name: Abubakar
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abuubakar
name-m father of the reliable one; the first Caliph of Islam (623-624)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Abuubakar
de: Abubakar First friend of the prophet, Mohamed
lx: Abuubakar
ps: name-m
key: Abuubakar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) saabuunta wax lagu maydho ee aan budada ahayn. Dh: saabuundhagax; maris.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abakas
Abacus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
almaas
m.l Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah. la-mid: dheeman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
almaas
m.l Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah; dheeman.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Almaas
name-unisex diamond
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaas
(fal) aad u garaac oo dhugta ka saar. Dh: tun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubaa
-ga: (magac, lab, keli) awr buubid badan. Qaalinku waa buubaa e carruurta ha u dhiibin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuqis
-ta: (magac, dhedig, keli) qaylo badan samayn. Buugis bay nagu rogtay gabadhan yari.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gumaas
nickname-m clean cut, smooth and short
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Abuukar
name: Abukar
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abuukar
name-m father of the reliable one. Syn: Abuubakar. Cf: Abokor, Abuubakar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Abuukar
de: Abukar
lx: Abuukar
ps: name-m
key: Abuukar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuuran
abuuran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la abuuray noqosho.
abuuran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la abuuray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abuuran
abuuran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la abuuray noqosho .m.f.dh, abuurmid.
abuuran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la abuuray ahaansho. m.f.dh, abuurnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abuuran
v. be created ~ invented
abuuran [derived] [adjective] created, invented, made (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abuuran
-abuurnaa / abuurnayd: (adj) planted (palaantidh); created
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuuran
(fal) mid jira noqo; mid samaysan ahaw.
abuuran: (tilmaame) wax la jirsiiyay; wax hore loo abuuray. Dh: jira, nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuuris
(Abuuris-ta)
Uumis; alkun; dhalis; curis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuuris
m.dh la-mid: abuurid; abuur².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abuuris
vl. n. creation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abuuris
-ta: (n) creation (kiri yey-shen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuuris
-ta: (magac, dhedig, keli) alkumidda wax aan hore u jirin oo cusub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abuuris
de: creation
lx: abuuris
pd: (-ta)
ps: vn1-f, vn2-f
key: abuuris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubaal
(Buubaal-ka)
(geel) buub badan; aan jabsanayn; layli aan weli rar baran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubaal
buubaal¹: m.l Rati la rarto oo rar diid ah; layli aan weli rar baran.
buubaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) Awr rar la cararid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buubaal
m.l Rati la rarto oo rar diid ah; layli aan weli rar baran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buubaal
m. n. untamed animal, unaccustomed to carrying loads
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubaal
-ka: (magac, lab, keli) didmada neefka aan jaro aqoon ama banjoogta ah. Aynfaadka baadida tagtoow adadac buubaalka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buubaal
de: untamed animal, unaccustomed to carrying loads
lx: buubaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: buubaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudaan
m.dh la-mid: boodaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buukays
-ka: (magac, lab, keli) timo buukayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuraan
f. n., [abstract] stoutness, obesity, fatness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuraan
de: stoutness, obesity, fatness Alt sp: buurraan
lx: buuraan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
syn: cayillaan, shishlaan
key: buuraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurays
-ka: (magac, lab, keli) kuuliga dhabbada xadiidka ee tareenku maro. Laba buurays ah baan arkayaa.
buurays -ka: (magac, lab, keli) kuuliga dhagaxa jebiya ama gura. Bartayda haddaan u dhaqo ama buurays u galo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guumays
-ta: (n) 1. owl (aawl). 2. a single woman who is beyond the conventional age for marrying; spinster (spinistar) ~ naag weyn oo aan la guursan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guumays
-ka: (magac, lab, keli) nin qaab ahaan aan qurux badnayn oo guumays u eg, guurna ka raagay.
guumays -ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka badda laga soo saaro ka mid ah.
guumays-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir ka mid ah kuwa habeenkii ugaadhsada. Waxay leedahay madax ballaadhan, indho waaweyn oo soo taagan iyo labo xirribood oo sare u taagan. Soomaalidu, shinbirtan aad bay u baasaystaan.
guumays -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh da' weyn oo aan la guursan weli. Guumays cirro leh baan ahee war aan ku gaadhsiiyo. Dh: guun, coon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuunaas
(Nuunaas-ka)
Hadal badan oo hoos loo lee yahay oo aan milgo lahayn; guraabbaas; guryan; gunuunuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuunaas
nuunaas¹: m.l 1. Hadal hoos loo yiraahdo oo qof ku muujinayo in aanu wax raalli ka ahayn; gunuunuc. 2. la-mid: nuunaasid.
nuunaas²: f.mg1 (-say, -stay) Wax aanu raalli ka ahayn dartii hadal hoos ugu dhihid (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuunaas
v. murmur, mutter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuunaas
de: murmur, mutter
lx: nuunaas
nt: nuunaas (ka) [vn2a-m]
pd: (nuunaasay)
ps: v1=
key: nuunaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abataqan
m.dh Meel aad uga fog qofka hadlaaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abataqan
(fal) hadal isdhaaf ah ku hadal.
abataqan -ka: (magac, lab, keli) hadal isdhaaf ah, ku hadlid.
abataqan -ka: (magac, lab, keli) meel qodan oo dalluun ah. Dh: dalluun, hog, jar, laalley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abataqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abataqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuullan
m.l.u Awoowayaal hore oo cidi ka soo farcantay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abuullan
m.l.u 1. Awoowayaal hore oo cidi ka soo farcantay. 2. Awoowaha labaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abuullan
m. n., [collective] forefathers, ancestors
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuullan
-ka: (magac, lab, keli) aabbayaashii hore ee laga soo farcamay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abuullan
de: forefathers, ancestors
lx: abuullan
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: abuullan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurcad
-da: (magac, dhedig, keli) hadhuudhka jaad ka mid ah oo cad kana baxa dhulka Soomaalida. Dh: caddey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkumaal
-ka: (magac, lab, keli) qof xoolaha afka ku maala oo aan weel adeegsan. Dh: nuugtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxumaan
m.f.dh eeg afxun. la-mid: afxumaansho, afxumi, afxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof hadalkiisu aanu hufnayn, ahaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ajuuraan
nickname-m fee; renter; landlord
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burlaqan
m.l (-nyo, m.dh) Bur la qasaayo inta kuuskuusanta oo aan qasmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhqab
m.l Hal awr abaahiyay oo loo malaynayo inay rintay, abaahiqab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuralay
-da: (magac, dhedig, keli) dhul buuro dhaadheeri leh oon bannaan lahayn ama uu ku yar yahay. Buuralayda golis waa dhul can ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumaqase
m.l (-sayaal, m.l/dh) Gobaha qoriga ka samaysan kan ugu fiican.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abuuran_1
de: be created ~ invented
hm: 1
lx: abuuran
pd: (abuurmay)
ps: v1=intr
key: abuuran_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abuuran_2
de: created, invented, made (up)
hm: 2
lx: abuuran
pd: (abuurnaa)
ps: adj-der
key: abuuran_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurnaan
m.f.dh eeg abuuran². la-mid: abuurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid jira oo abuuran ahaan. Dh: abuurni..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuryaqab
(Buuryaqab-ka)
Buuryo ku taal; aan la gudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuryaqab
buuryaqab¹: m.l (buuryaqab/-byo, m.dh) Qof aan gudnayn. la-mid: beejaqab.
buuryaqab²: m.dh (-bo, m.l) Gabar aan gudnayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuryaqab
m.l (buuryaqab/-byo, m.dh) Qof aan gudnayn. la-mid: beejaqab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuryaqab
m. n., [compound] uncircumcised male
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuryaqab
-ka: (n) not circumcised male
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryaqab
-ka: (magac, lab, keli) baarada weli laga goyn, weli la gudin. Waan ogahayinaad buuryoqab tahoo, weli biri ku taabane. Dh: beejaqab, baaraqab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuryaqab
de: uncircumcised male
lx: buuryaqab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: buuryaqab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la rigrigay oo tolmo qurxoon loo sameeyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habxumaan
m.f.dh eeg habxun. la-mid: habxumaansho, habxumi, habxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mi qaab iyo hannaan wanaagsan aan lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurabiish
-ka:(magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda oo leh labo seeb oo baadad u eg, madax yar iyo daba dheer oo xadhig la modo oo qodax leh. Dh: safan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayuumaysad
m.l la-mid: cayuumaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayuumaysad
-ka: (magac, dhedig, keli) dhabataysad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuumaalays
-ga: (n) hide-and-seek; a children's game ~ dhuumashowga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamuumanaan
(Hamuumanaan-ta)
Hamuumanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamuumanaan
f. n., [abstract] hunger (from fasting)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamuumanaan
de: hunger (from fasting)
lx: hamuumanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: hamuumanaan