aburshuqlayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aburshuqlayn
m.dh la-mid: abashuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aburshuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qoyaan iyo xunbo keenid. Kani waa awr aburshuqlayn badan Dh: aburshuqlays, shuuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aburshuqlay
(fal) qoyaan xumbo ah keen ama samee. Dh: shuuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aburshuqlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aburshuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) abur cad afka keenid ama astaanta abasaxa muujin. Dh: abashuqleyn, aburshuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo bushimaha oo is haysta, ci' ama cod aan qeexnayn soo saarid. Dh: guuxid, aburshuqlayn, shuuqis.
shuuqid -da: (magac, dhedig, keli) dheecaanka ka soo baxa iyo sanqadha ka yeedha wax dab la saaray, ku dhacay, intuu gamaarayo. Dh: siniinid.
shuuqid-da: (magac, dhedig, keli) meel ama weel, qoyaankii ku jirey habyayo, ka yeerta inuu gamaarayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqlay
(fal) 'hal' guux iyo abur sii daa, adoo doobtii soo ridi waayay. Dh: aburshuqlay.
abashuqlay: (fal) 'awr' dhareeri adiga oo muujinaya astaamaha abasaxa. Dh: aburshuqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aburshuqle
m.l la-mid: abashuqle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqleyn
m.f.dh eeg abashuqlee. la-mid: aburshuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abashuqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aburshuqlee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) la-mid: abashuqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aburshuqlee
(fal) eeg aburshuqlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg buluqbuluqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) soo buqashada dareere ka soo burqanaya meel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bululuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bululuclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqle
m.l Guux iyo abur uu afka ka keeno awr doobbo soo ridi waayey. la-mid: aburshuqle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqle
-ha: (magac, lab, keli) abur cad afka ka sii deyn. Dh: aburshuqle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buqbuqayn
(Buqbuqayn-ta)
Buqbuqo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqbuqayn
m.f.dh eeg buqbuqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) buqbuqo ka yeelid. Buqbuqaynta caanaha ka ilaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqlay
(fal) biyo, meel cidhiidhi ah ka soo bood oo coday. Dh: buqdho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duluqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod uu qof kolba meel aan laga rabin galgalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fushuqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax fushuqiyey ahaansho (dhar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Abashuqle samayn (awr). la-mid: aburshuqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqlee
(fal) eeg abashuqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shulshulan
shulshulan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; lmi) Wax shulshul yeeshay noqosho.
shulshulan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Maro wax shulshul loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shulshulan
der. [adjective] pleated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shulshulan
(tilmaame) shulshul loo sameeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shulshulan
de: pleated
initial: s
lx: shulshulan
pd: (shulshulnaa)
ps: adj-der
key: shulshulan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan shaqayn
(adj) unemployed (an-empalooyidh)-, jobless (joobles)-, ~baagamuudo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaqalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhex socodka biyo ama meel dhooqo leh, ama si qaabdaran wax la raqayo. Bashaqlaynta libaaxaan hurdaydii kaga booday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bululuclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere xoog u daatay shanqadha uu bixiyo samayn. Bululuclaynta caanaha waan maqallaaye wax naga siiya. Dh: bululuqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhudhuhlayn
m.dh la-mid: dhuxdhuxlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqdhuqayn
m.f.dh eeg dhuqdhuqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dururuqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof hadal aan macno lahayn kala joojin waayo. Dh: tororoglayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) giijin xadhigga iyo waxa uu ku xidhan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuhdhuhlayn
m.dh la-mid: dhuxdhuxlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuhdhuhlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal xan ah hoos u odhasho. Dh: dhuxdhuxleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxdhuxlayn
m.f.dh eeg dhuxdhuxlee. la-mid: dhudhuhlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxdhuxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhuxdhux samayn oo kolba cid la shuqshuqlayn. Dhuxdhuxlayntu waa dembi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqashuqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aqal weyn oo daar ah kala qayqaybin oo intii la gali karaba gaar u xidhidid; shuqashuqo u samayn.
shuqashuqayn-ta: (magac, dhedig, keli) ul iyo wax la mid ah kolba ku mudid oo haddana ku mudid shuqayn oo dhawr jeer shuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushuuleyn
m.f.dh eeg shuushuulee. la-mid: shuushuuleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhadhaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jilicsan oo meel si ciriiri ah uga soo baxaya shanqadha uu sameeyo oo is dabajoog ah. Badhadhaqlayn badanaa ma danbar geel buu dhamay! Dh: badhbadhlayn, baqbaqlayn.