abtirsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsi
m.l la-mid: abtirsasho, abtirsiinyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abtirsi
m.l la-mid: abtirsiinyo. abtirsiimo m.dh la-mid: abtirsiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg abtirsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habtirsi
-ga: (magac, lab, keli) hab ama dariiqo wax loo tiriyo. Tirakoobka dadweynaha waxa loo raaca habtirsi gaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtiri
f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: qof faraciisu siday isu dhaleen sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtiri
(fal) «u ~» sheeg oo tax magacda nasabka. U abtiri wiilka ad isa soo raacdeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Qof abtirsiinyadiisa sheegasho. 2. Ku a.: awoowo hore abtirsiinyo ku gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abtirso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Qof abtirsiinyadiisa sheegasho. 2. Ku a.: awoowo hore abtirsiinyo ku gelid. m.f.dh, abtiirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abtirso
v., [compound] recite one's genealogy, trace one's ancestry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abtirso
-abtirsaday / abtirsatay: (n) say your family tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirso
(fal) sheegsheeg magacyada odayadii aad ka soo jeedday. Abtirsoo adawgaa, iyo odayadii kale, isirkoogii noo sheeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abtirso
de: recite one's genealogy, trace one's ancestry
lx: abtirso
pd: (abtirsaday)
ps: v3a=cmp
key: abtirso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaraabo
(Qaraaba-da)
Dad isu dhow oo abtirsiino ka dhexayso; xigto; sokeeye; cashiiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsiinyo
m.dh Aqoonta ku saabsan awoowayaashii hore magacyadooda iyo siday isu xigeen; abnaq. la-mid: abtiris, abtirsi, abtirsiimo, abtirsiino.

fir
fir¹: m.l 1. Taxanaha abtirsiimada ee laga soo askumay. 2. Cagaarka ugu horreeya ee geedaha ka soo baxa. la-mid: firfir¹.
fir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Timo, caw iyo wixi lamida feerid. 2. Geedo cagaar yar bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abtirsiinyo
m.dh Aqoonta ku saabsan awoowayaashii hore magacyadooda iyo siday isu xigeen; abnaq. la-mid: abtiris, abtirsi, abtirsiimo, abtirsiino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fir
m.l 1. Taxanaha abtirsiimada ee laga soo askumay. 2. Cagaarka ugu horreeya ee geedaha ka soo baxa. la-mid: firfir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ancestry
/aansestari/ancestries; (n) qof abtirsiinyihiis; abkiis iyo awoowgiis; qof asalkiis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
antecedent
/aantasiidant/ (n) 1. hordhac ama wax kale ka horeeya (badanaa u eg) (n) 2. awoowayaashii hore, abtirsiinyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lineage
/liniij/ (n) abtirsiinyo; tafiir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abtirsiinyo
-abtirsiinyaha: (n) genealogy (jiniyoolaji); lineage (liineeyj) ~ family tree; pedigree (pedigrii) ~ abtris, tafiir, abtirsi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
genealogia
s.f. - cilmi dersa isirka iyo abtirsiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsad
m.l la-mid: abtirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsad
-ka: (magac, lab, keli) awawyaashii laga soo tafiirmay oo siday iskugu xigeen loo sheegto iyada oo cid kale la iska dirsoocayo. Soomaalida iyo Carabtu waxyaalaha ay wadaagaan waxa ka mid ah abtirsadka. Dh: abtirsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'tirsi
-ga: (magac, lab, keli) inta la jiro tirsasho. Dh: da'tirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
factirsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg factirsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragtirsi
m.l Hab qaanta loo baxsho oo ku salaysan xoolaha la bixinayo iyo dadka wax bixinaya in laysu tiriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirsi
m.l 1. Tiro taxan mid ka mid ah. 2. la-mid: tirsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tirsi
m.l Tiro taxan mid ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirsi
-ga: (magac, lab, keli) hadal muran iyo xifaaltan ah is weydaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajirsi
-ga: (magac, lab, keli) «ka cid kale, dar Alle wax u sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsi
m.l la-mid: biirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirin
m.f.dh eeg abtiri. la-mid: abtiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirin
-ta: (magac, dhedig, keli) aqoonta ku saabsan awoowayaal hore magacyadadooda iyo siday isugu xigeen, u kala horreeyeen. Abtirinta Soomaalida aad baan u aqaan. Dh: abtirsiinyo, abtirsiimo, abnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtiris
(Abtiris-ka)
Aqoonta ku saabsan awooweyaashii hore magacyadooda iyo siday isugu xigeen; abtirsiino; abtirsiinyo; abnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtiris
m.l la-mid: abtirin, abtirsiinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abtiris
vl. n., [compound] genealogy, lineage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abtiris
-ka: (n) a family tree ~ see [eeg] abtirsiinyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg abtirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abtiris
de: genealogy, lineage
lx: abtiris
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
key: abtiris
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
abtiris
علم الأنساب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitirsi
m.l la-mid: mitirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbatirsi
-ga: (magac, lab, keli) inta ay isku tirsadaan dadka isku reerka ah. Aabbatirsigu waa caado Soomaaliyeed oo adag. Dh: abtirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsiimo
m.dh la-mid: abtirsiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) taxanaha magacda dad nasab ahaan isku dhalay oo la garanayo. Abtirsiimadaydiyo, asalkaan ku dhaati na, waa Aadan iyo Nuux. Dh: abtirsiino, abtirsiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtirsiino
(Abtirsiina-da)
Abtiris (ama abtirsiimo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsiino
m.dh la-mid: abtirsiinyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abtirsiino
m.dh la-mid: abtirsiinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abtirsiino
vl. n. genealogy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsiino
-da: (magac, dhedig, keli) taxanaha magacda adawyaasha lagu arooro. Dh: abtirsiimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abtirsiino
de: genealogy
lx: abtirsiino
pd: (/da)
ps: vn7-m
key: abtirsiino
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abituarsi
v.rifl. - caadaysasho, u barasho, qaayibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftirtir
-ka: (magac, lab, keli) eeg afmaris.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
agitarsi
v.rifl. - kicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buntirsi
-ga: (magac, lab, keli) haltirsad samayn. Buntirsi baska u raac balaayase bas looma raaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsi
m.l la-mid: cabiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsi
-ga: (magac, lab, keli) bidde ka dhigasho; adoonsi oo ku shaqaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
factirso
(fal) «u»u facayso; faciisa oo kale sheego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gu'tirsi
-ga: (magac, lab, keli) da'tirsi loo tiriyo qofba inta uu jirey.
gu'tirsi: -ga: (magac, lab, keli) sannado intii la jiray, tirsasho; da'da oo lagu tirsado tirada gu' ee ka soo wareegtay dhalashadaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habiibsi
-ga: (magac, lab, keli) cidda dad kugu xigta xoolaheeda.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nutrirsi
v.rifl. - quudasho, cunid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pentirsi
v.rifl. - qoomamayn, shallaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamiirsi
m.l la-mid: khamiirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirsi
-ga: (magac, lab, keli) dareen kicin iyo guubaabo. Dh: tirtirsiin.
tirtirsi-ga: (magac, lab, keli) qof arrin ku khasbid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
vantarsi
v.rifl. - faanid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
vestirsi
v.rifl. - labbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtirsasho
(Abtirsasha-da)
Aabbeyaal iyo awooweyaal badan oo isku xiga magacyadood sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsasho
m.f.dh eeg abtirso. la-mid: abtirsad, abtirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) sheegista magacda nasabka aabbaha ku dhalay iyo aabbayaashiisii ka horreeyay. Abtirsashadu waa dhaqan soojireen ah. Dh: abtirsi, abtirsad, abnaq.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stabilirsi
v.rifl. - degid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
abri
abri, n.m. - hooy; meel loo hoydo; aqal; guri; min
être à l'abri - ammaan leh; lagu nabadgeli karo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abti
(Abti-ga)
Hooyada walaalkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abti
m.l (-iyo, m.dh /-iyaal, m.l/dh) 1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j. wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan abtiga u ahayey!
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abti
m.l (-iyo, m.dh /-iyaal, m.l/dh) 1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j. wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan abtiga u ahayey!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abti
m. n. maternal uncle, mother's brother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abti
-ga: (n) uncle (ankal); the brother of one's mother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abti
-ga: (magac, lab, keli) hooyo walaalkeed. Will aabbo loo waayey abti looma waayo. Wa: abtiyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abti
cf: aaye ~ aayo, adeer, habaryar
de: maternal uncle, mother's brother
lx: abti
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
key: abti
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
abti
خال
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biri
f.g2 (-iyay, -isay) Dab iyo wixi lamida holcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biri
v. start a fire, give off light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biri
-yey -say: (v) make fire huri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biri
(fal) dab yar shid. Ayeeyadaa dabka u biri oo dheriga u saar. Dh: daar, huri, bidhi. Li: demi, bakhtii, baqtii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biri
de: start a fire, give off light
lx: biri
pd: (biriyey)
ps: v2a=
key: biri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax inta ay ka koobanyihiin xisaabid. 2. Gabay, hees iyo wixi lamida curin. 3. Ku t.: wax meel in ay ku sugan yihiin u malayn. 4. Ku t.: wax rasaas ku furid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax inta ay ka koobanyihiin xisaabid. 2. Gabay, hees iyo wixi lamida curin. 3. Ku t.: wax meel in ay ku sugan yihiin u malayn. 4. Ku t.: wax rasaas ku furid. m.f.dh, tirin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiri
Count
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiri
v. count, enumerate
tiri v., sg., simple past tense: you / she said
tiri v. compose and/or recite (a poem)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiri
-yiri / yiraahdee: (v) said (seeydh) Ex: maxaad tiri? what did you say?
tiri -yey I say: (v) 1. count (kawn-ti); recite numerals. 2. compose, write a poem or orchestrate (oor-kis-tareeyt) Ex: yaa heeskaan tiriyey? who composed this song?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiri
(fal) ogow inta cadadkoodu yahay. Taariikhda raadcee soo tiri ayaamaha. Dh: xisaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsi
(Aarsi-ga)
Aargudad; aarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsi
m.l la-mid: aarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsi
m. n. revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsi
-ga: (n) retaliation {ritaali-yeeyshin); revenge (ri veenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsi
-ga: (magac, lab, keli) «ka~ eeg aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsi
de: revenge
lx: aarsi
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: aarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abhis
m.l la-mid: abhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg abhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abris
(Abris-ka)
1. Halaqa waabaayada leh jaad ka mid ah.
2. Halaq duqoobey.