abtibadbaadeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtibadbaadeed
m.l (-dyo, m.dh) Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu ina adeerkeed u yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeesabadeed
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah jaadadka kalluunka oo si guud ugu eg abeesada berriga kase yare xalleefsan; sun ma laha oo waa la cunaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abeesa-badeed
f. n., [collective] moray, voracious marine eel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abeesabbadeed
m.dh.u Nooc mallay badeedka la mid ah oo abeesada u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abeesabbadeed
m.dh.u Nooc mallay badeedka la mid ah oo abeesada u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abeesabbadeed
de: moray, voracious marine eel
lx: abeesabbadeed
pd: (-da)
ps: n2a-f-col
key: abeesabbadeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabagcadaadeed
-da: (magac, dhedig, keli) cabag cad oo laga guro geedka cadaadda ama bilcinka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waqti colaadeed
(n) wartime (woor-taaym) ~ xilli-dagaal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabag-cadaadeed
-da: (n) arabic-gum
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madbacadeed
n. phr., genetive: typographical; related to printing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madbacadeed
de: typographical; related to printing
lx: madbacadeed
ps: np-gen
key: madbacadeed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilabadeed
m.l (juqraafi) Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu,taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhirabaareed
m.dh (-ryo ..., m.dh) (botani) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinnadbadeed
m.l Nooc kalluun ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libaaxbadeed
m.l.u (cilmiga naflayda) Nafley badda ku nool oo kalluunka qaabkiisa leh aadna uga weyn, oo dadka iyo kalluunka yaryar cunta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
libaaxbadeed
m.l.u (cilmiga naflayda) Nafley badda ku nool oo kalluunka qaabkiisa leh aadna uga weyn, oo dadka iyo kalluunka yaryar cunta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaaxbadeed
-ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah oo waaweyn. Waa nafley waaweyn oo badda ku jirta, dadka iyo wax walbana cunta.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abeeso badeed
-da: (n) moray (mooray)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbadhtameed
-da: (magac, dhedig, keli) barta jiitin kala badhdha A K B, 'K' waa barbadhtameedka jiitinta AB.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiwadaagee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Hanti gaar ah hanti guud ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiwadaagee
v. socialize (an institution ~ the economy)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiwadaagee
(fal) nidaamka hantiwadaagga ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiwadaagee
de: socialize (an institution ~ the economy)
lx: hantiwadaagee
pd: (hantiwadaageeyey)
ps: v2b=tr
key: hantiwadaagee
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilaqaaradeed
m.dh (juqraafi) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hab-farsamadeed
m.l (-dyo, m.dh) 1. Hab gaar ee wax qabad, badanaa hab la xiriira xirfad gacan ka qabasho. 2. Xirfad iyo awood ee farshaxan, isboorti ama waxqabasho gacmeed, taasoo aad horay ugu martay tababar iyo hawl gacmeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Danabtir danabeed
Electric Discharge