abow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abow
name-m brother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abow
(fal) ab iyo isir lagu arooro noqo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abbow
name-m brother
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abkow
m.l (-wyo, m.dh) 1. Awoowe. 2. Awoowe aabbihiis; abuullan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abkow
-ga: (n) 1. great grandfather. 2. grandfather ~ awoowe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abkow
-ga: (magac, lab, keli) Aabbahaa aabbihii; awawga aabbihiis. Abkow, abooto aaway? Dh: awow, awaw, awoowo, abuullan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ablow
(fal) hafrow oo boogtaa humbuluuluq ha noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabow
(Gabow-ga)
Filka dadka iyo nafleyda iyo dhirta, qarka ugu danbeeya; duqow; odaynimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabow
gabow¹: m.l Duqnimo iyo da'weyni nafleydu gaarto markay muddo dheer noolaato.
gabow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Muddo badan noolaansho. 2. Da' weyn oo aan wax la qabsan karin gaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabow
gabow¹: m.l Duqnimo iyo da'weyni nafleydu gaarto markay muddo dheer noolaato.
gabow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Muddo badan noolaansho. 2. Da' weyn oo aan wax la qabsan karin gaarid. m.f.dh, gaboobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabow
m. n. old age
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gabow
froid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabow
-ga: (n) oldness (ooldhnes); old age ~ duqnimOjWaayeelnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabow
(fal) da'weynow oo in badan jir.
gabow -ga: (magac, lab, keli) da'da oo weynaata: muddada jiritaanka ama shaqaynta oo dheeraata. Gabow hadduu ku daayo ma geeri baa ku dayn?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabow
de: old age
lx: gabow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: gabow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habow
habow¹: m.l 1. Dhumidda laga dhumo jidka toosan. 2. la-mid: haabab. H. ah: qof jidkii toosnaa ka dhumay. 3. H. ah: dad cayr la dalaabay. 4. la-mid: habaabid.
habow²: f.mg1 (-baabay,-baabtay;-baabi) 1. Jidka toosan ka lumid. 2. Cayrnimo la dalaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habow
habow¹: m.l 1. Dhumidda laga dhumo jidka toosan. 2. la-mid: haabab. H. ah: qof jidkii toosnaa ka dhumay. 3. H. ah: dad cayr la dalaabay.
habow²: f.mg1 (-baabay,-baabtay;-baabi) 1. Jidka toosan ka lumid. 2. Cayrnimo la dalaabid. m.f.dh, habaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habow
m. n. being lost ~ astray; person who has gone astray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habow
-ah: (adj) unable to find one's way: lost (loost); stray (istreey) ~ habaw, ambad. Ex: ilmo habow ah; a lost child.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habow
-ga: (magac, lab, keli) wax la waayey noqosho. Dh: hallaabid, habaabid, anbasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habow
de: being lost ~ astray; [ext.] person who has gone astray
lx: habow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: habow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabow
-ga: (magac, lab, keli) dildillaac jidhku yeesho xilliga qaboobaha ama banuhu soo dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabow
(Qabow-ga)
Kulayl heer hoose ah; kuljiir aad u hooseeya; qarqaryo; dhaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabow
qabow¹: m.l 1. Kuleyl la'aan. 2. Q. ah: wax aan kululeyn.
qabow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Wax heerkulkiisu hooseeyo noqosho. 2. Qof xasilan noqosho.
qabow³: f.mg4 (-boobaa, -boobayd) 1. Wax heerkulkiisu hooseeyo ahaansho. 2. Qof xasilan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabow
qabow¹: m.l 1. Kuleyl la'aan. 2. Q. ah: wax aan kululeyn.
qabow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Wax heerkulkiisu hooseeyo noqosho. 2. Qof xasilan noqosho. m.f.dh, qaboobid.
qabow³: f.mg4 (-boobaa, -boobayd) 1. Wax heerkulkiisu hooseeyo ahaansho. 2. Qof xasilan ahaansho. m.f.dh, qaboobaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabow
[adjective] cold; cooled
qabow m. n., [abstract] cold, coldness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabow
-ga: (n) cold (kooldh); coolness (kuul-nes) ~ qaboob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabow
(fal) wax qabaw noqo. Hawooy noo gabow. Li: kululow.
qabow -ga: (magac, lab, keli) heerka kulka oo ka hoos mara kulaylka jidhka beni aadanka: heerka kulaylka oo hoos u dhaca. Maanta hawadu waa gabow. Dh: qabaw, qaboow. Li: kulayl.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qabow
بُرُودَة، بُرُود
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabow
(Xabow-ga)
Geed aan qodax lahayn oo badaha agtooda ka baxa oo geelu jecel yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabow
m.l Geed aan qodax lahayn oo badaha agtooda ka baxa oo geelu jecelyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabow
m. n. thornless plant species, grows near the sea (eaten by camels)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XABOW
(Habu) N Atriplex sp. aff. A. halimus L. Chenopodiaceae.
N Echiochilon albidum (Franch) Johnston. Boraginaceae.
N Cystostemon sp. Boraginaceae.
N Ruellia discifolia Oliv. Acanthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabow
-ga: (magac, lab, keli) geed aan godax lahayn ama ay ku yar tahay oo badaha agtooda ka baxa oo geelu jecel yahay. Dh: xudhuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabow
de: thornless plant sp., grows near the sea (eaten by camels)
initial: x
lx: xabow
pd: (-ga)
ps: n-m
key: xabow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboobid
m.f.dh eeg abow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geed-awow
m.l la-mid: geed-abow.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abound
/abowndh/abounds, abounding, abounded; (v) wax tiro badan ama xaddi badan. e.g. The world of science fiction abounds with wonders.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bow
m.dh 1. Jug; b. sii: qof wax ku dhufasho. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo dhufashada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bow
f. n. blow, strike, thump (percussive sound)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bow
/boow/ (v) 1. madax foororin; luqunta oo hoos loo rogo' (rukuucid)(n) 2. qaanso (usha laaban oo fallaarta laga gano)(n) 3. maro dhexda xarig laalaada uga xiran yahay, labada dhinacna ukala fidsan (sida garafaatiga dhuunta ku dhagan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bow
/boow/ (n) 1. qaansy. (v) 2. dughow (rukuu'ow).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bow
(ereycodeed) sheega jabaqda wax culus oo dhulka ku dhaca. Maxaa bow yidhi?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bow
de: blow, strike, thump (percussive sound)
lx: bow
pd: (-da)
ps: n-f
key: bow
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bow
n., (act of reverence) foorar or fooror, -ki, rakco, -di, sujuud, -di.
bow, n., (weapon) qaanso, -adi.
bow, v.tr., (bend) qallooci; bow your knees, jilba dhig; bow your head, madaxaaga foorori; bow your body, jidhkaaga qallooci or foorori.
bow, bow down, v.i., is foorori, foororso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adow
-ga: (magac, lab, keli) eeg abkow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agow
e.d Hadday u yaraato; xataa. Tusaale: 'Agow ii ahaateenaa!'; 'Agow roob di'i lahaayaa.'
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahow
imperative v., sg. you be ...!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahow
(n) that you [sing.] become or be ~ ahaw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahow
de: you be ...!
lx: ahow
pd: (ahaw)
ps: v5a-imp-sg
xe: Be a good girl!
xv: Gabar fiican ahow!
key: ahow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajow
(fal) eeg ajaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqow
(fal) wax baro oo ogow. Aqow in maskaxda la adeegsado. Dh: garo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
avow
v.tr., (confess) qaado, qiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awow
m.l la-mid: awoowe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awow
m. n. grandfather
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awow
-ga: (magac, lab, keli) aabbaha labada waalid midkood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awow
a: awoowe
de: grandfather
lx: awow
pd: (-ga)
ps: n6-m, n7-m
syn: abkoow
key: awow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabbow
n. phr. son!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabbow
de: son! Vocative used by a father to call a son, usually followed by the son's name
lx: aabbow
ps: np-voc
xe: Hey son, Ali!
xv: Aabbow, Cali!
key: aabbow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abboow
m.l la-mid: abboowe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abboow
m. n. (older) brother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abboow
-ga: (magac, lab, keli) erey huunno la macno ah oo wiilka loogu yeedho. Dadka isla dhashay. kuwa ehelka ah iyo inta isjecel ayaa iskugu yeedha. Dh: abboowe, aaddo, gacalliye, walaal, walaale, huunno. Wa: abbooweyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abboow
de: (older) brother
lx: abboow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: abboow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abkoow
m. n. grandfather; great grandfather
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abkoow
cf: abooto
de: grandfather; great grandfather
lx: abkoow
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
key: abkoow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabdow
name-m servant. Cf. Cabdi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambow
fk. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tusaale: “Toban casho ka dambow buu iska tegey”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambow
fk. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tusaale: Toban casho ka dambow buu iska tegey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambow
(fal) ha horrayne gadaal jir; xagga dambe ahaw. Dh: dambee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhab noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhab noqosho. m.f.dh, dhaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabow
(fal) dhab noqo; wax jira oo run ah noqo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gabyow
nickname-m poet; verse reciter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabyow
magac loo baxsho wiil hadal badan oo loo jeedo inuu noqdo gabyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsow
-ga: (magac, lab, keli) gabow aad u daran oo xanuun weheliyo. Dh: gabow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabnow
f.mg3 Wax naban ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax qabyo ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabyow
(fal) qabyo noqo, mid aan dhamays ahayn noqo. Mashruucaygoow qabyow inta fursad lagu helayo.
qabyow -ga: (magac, lab, keli) eeg qabyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aafeysan noqosho (nafley badan).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aafeysan noqosho (nafley badan). m.f.dh., aafoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafow
(fal) aafo iyo ibtilo yeelo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aayow
name-m future, destiny; benefit from
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abbot
/abat/ (n) wadaadka diinta ee madaxda u ah wadaadada kale.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
abbot
/abat/ (n) langky mathyghy ing eh soorooyingky amy widaadethy gaalathy.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abhor
/abhoor/abhors, abhorring, abhorred; (v) karaahiyaysi; necbaysasho. e.g. Mahdi abhors any form of discrimination.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
abhor
/abhoor/ (v) kahathow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abhor
v.tr., ciil u qab, u ciishoo, nac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ablaw
(fal) hafrow oo boogtaa humbuluuluq ha noqoto.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abode
/aboodh/ (n) hoyga qof ku noolyahay. e.g. He took his bride to their new abode.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abode
n., fadhi, -gi, joog, -gi, rug, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aboor
(Aboor-ka)
Cayayaan beelo beelo u dega oo dundumooyinka sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboor
aboor¹: m.dh Waxar ayadoon naaskii hooyadeed ka go'in biyo-cabbid bilowday.
aboor²: m.l Cayayaan yaryar, cawlan, oo leh lix lugood iyo ilka adag oo beel beel u dega, dundumooyinka sameeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aboor
m.l Cayayaan yaryar, cawlan, oo leh lix lugood iyo ilka adag oo beel beel u dega, dundumooyinka sameeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aboor
m. n. termite, white ant; termites
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aboor
-ka: (n) termite (teermaayt); also called white ant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aboor
-ka: (magacwadareed) cayayaanka yaryar jaad ka mid ah oo qudhaanjada isku bahda yihiin. qaab boqortooyo na u wada nool. Boqortooyadu waxay ka kooban tahay: boqorad, boqor, askar iyo shaqaale. Aboorku waxa uu u noolyahay beelabeelo oo waxa uu dhistaa dundumooyin uu ku dhaqmo.
aboor -ka: (magac, lab, keli) cayayaanka yaryar mid ka mid ah oo qudhaanta u eg.
aboor -ta: (magac, dhedig, keli) waxar iyada oo aan weli ababin biyaha sida loo cabbo baratay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aboor
de: termite, white ant; [col] termites
lx: aboor
pd: (-ka)
ps: n2-m-enum
key: aboor
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
abord
abord, n.m. - agagaarka
île d'un abord dangereux - jasiirad galitaanka xeebteedu adag yahay
les abords d'une ville - agagaarka magaalada
d'abord - ugu horayn; hor iyo horan
au premier abord - ugu horayn
tout d'abord - tan koobaad; tan ugu horaysa
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abort
v.i., see miscarry.