ereyga

abooto-idabbadis

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Abooto-idabbadis

DHAN
1

(Abooto-idabbadis-ta)

2

Ayeeyo-lugdheer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

abooto-idabbadis

DHAN

m.dh Ayeeyo-lugdheer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

abooto-idabbadis

DHAN

f. n., [compound] praying mantis

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abooto-idabadis

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) cayayaan jaadad badan oo baalal leh, inta sare u dhuuban. Kolka ay joogta na way dheeldheellidaa. Waxa ay leedahay labo addin oo hore oo madaxa u dhow iyo afar lugood oo danbe oo kuwa hore ka yaryar qodaxna leh. Abooto'idabadis ayaa geedka saaran. Dh: ayeeyalugdheer, mocooyolugdheer, gabro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ayeeyo-lugdheer

DHAABAN
1

(Ayeeyo-lugdheer-ta)

2

Xasharaad jaadad badan ah oo dheer oo dhuuban; waxay leedahay labo addin oo hore oo madaxa u dhow, oo waaweyn, oo qodxo leh iyo afar kaloo lugood, oo dhuudhuuban iyo baalal, midabkeeduna waa cagaar; ~ abooto-idabbadis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

abbaayguddoy

DHAABAN

m.dh (-ooyin, m.l) Cayayaan jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheeryihiin. la-mid: ayeeyolugdheer; abooto-idabbadis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

abbaayguddoy

DHAABAN

m.dh (-ooyin, m.l) Cayayaan jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheeryihiin. la-mid: ayeeyo-lugdheer; abooto-idabbadis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

idabadis

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) xasharaad fuqa ayaxa oo kale leh oo lugo dhaadheer iyo laba baal leh, dadkana aan dhibin oo inta badan midab cagaaran Jeh. Dh: mocooyolugdheer, ayeeyolugdheer, abooto'idabbadis.

waa la naqliyay ✓