abkow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abkow
m.l (-wyo, m.dh) 1. Awoowe. 2. Awoowe aabbihiis; abuullan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abkow
-ga: (n) 1. great grandfather. 2. grandfather ~ awoowe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abkow
-ga: (magac, lab, keli) Aabbahaa aabbihii; awawga aabbihiis. Abkow, abooto aaway? Dh: awow, awaw, awoowo, abuullan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abkoow
m. n. grandfather; great grandfather
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abkoow
cf: abooto
de: grandfather; great grandfather
lx: abkoow
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
key: abkoow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abow
name-m brother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abow
(fal) ab iyo isir lagu arooro noqo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abbow
name-m brother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ablow
(fal) hafrow oo boogtaa humbuluuluq ha noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkow
f.mg3 (-kaaday, -kaatay) 1. Wax adag noqosho (wax). 2. Ka a.: wax ka lib helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adkow
f.mg3 (-kaaday, -kaatay) 1. Wax adag noqosho (wax). 2. Ka a.: wax ka lib helid. m.f.dh, adkaansho. adyad m.dh Cay iyo aflagaaddo cid aan mutaysan lagu yiraahdo; aabi; faduul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adkow
inch. v. become strong, become hard
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adkow
-adkaaday / adkaatay: (v) become hard ~ see also [eeg] adkayso —ka adkow -ka adkaaday / ka adkaatay: (v) overcome (oo ver kam)-, defeat (difiit)-, conquer (konkarf, overpower (overpaawar). Ex: Iskuday inaad ka adkaatid dibaatada fakhriga; try to overcome the obstacles ofpoverty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkow
(fal) mid adag oo aan jilicsanayn, ahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adkow
a: adkaw
de: become strong, become hard
lx: adkow
pd: (adkaaday / adkaatay)
ps: v3a=inch
key: adkow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abkownimo
m.dh Abkow ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
awoowe
-awoowaha: (n) grandfather (graan faathar)-, grandpa (graanpaa) ~ awowe, abkow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabbow
n. phr. son!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabbow
de: son! Vocative used by a father to call a son, usually followed by the son's name
lx: aabbow
ps: np-voc
xe: Hey son, Ali!
xv: Aabbow, Cali!
key: aabbow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abboow
m.l la-mid: abboowe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abboow
m. n. (older) brother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abboow
-ga: (magac, lab, keli) erey huunno la macno ah oo wiilka loogu yeedho. Dadka isla dhashay. kuwa ehelka ah iyo inta isjecel ayaa iskugu yeedha. Dh: abboowe, aaddo, gacalliye, walaal, walaale, huunno. Wa: abbooweyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abboow
de: (older) brother
lx: abboow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: abboow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abokor
name-m father of the reliable one. Syn: Abuubakar. Cf: Abuukar, Abuubakar
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabdow
name-m servant. Cf. Cabdi
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gabyow
nickname-m poet; verse reciter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabyow
magac loo baxsho wiil hadal badan oo loo jeedo inuu noqdo gabyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsow
-ga: (magac, lab, keli) gabow aad u daran oo xanuun weheliyo. Dh: gabow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabnow
f.mg3 Wax naban ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax qabyo ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabyow
(fal) qabyo noqo, mid aan dhamays ahayn noqo. Mashruucaygoow qabyow inta fursad lagu helayo.
qabyow -ga: (magac, lab, keli) eeg qabyoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaakow
v. bring up phlegm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaakow
bw: tuf
de: bring up phlegm
initial: x
lx: xaakow
nt: xaakood (ka) [vn-m]
pd: (xaakooday)
ps: v3a=intr
key: xaakow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bow
m.dh 1. Jug; b. sii: qof wax ku dhufasho. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo dhufashada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bow
f. n. blow, strike, thump (percussive sound)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bow
/boow/ (v) 1. madax foororin; luqunta oo hoos loo rogo' (rukuucid)(n) 2. qaanso (usha laaban oo fallaarta laga gano)(n) 3. maro dhexda xarig laalaada uga xiran yahay, labada dhinacna ukala fidsan (sida garafaatiga dhuunta ku dhagan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bow
/boow/ (n) 1. qaansy. (v) 2. dughow (rukuu'ow).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bow
(ereycodeed) sheega jabaqda wax culus oo dhulka ku dhaca. Maxaa bow yidhi?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bow
de: blow, strike, thump (percussive sound)
lx: bow
pd: (-da)
ps: n-f
key: bow
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bow
n., (act of reverence) foorar or fooror, -ki, rakco, -di, sujuud, -di.
bow, n., (weapon) qaanso, -adi.
bow, v.tr., (bend) qallooci; bow your knees, jilba dhig; bow your head, madaxaaga foorori; bow your body, jidhkaaga qallooci or foorori.
bow, bow down, v.i., is foorori, foororso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kow
(Kow-da)
1. Lanbar midnimo iyo qaybsanaan la'aan sheega haya: keli.
2. Lanbarka waxtirinta laga bilaabo, oo labada ka horreeya; mid; hal (1) (ama koow).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kow
m.dh.t Lambarka tirada laga billaabo oo labada ka horreeya; hal, mid; “1”. la-mid: koow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kow
m.dh.t Lambarka tirada laga billaabo oo labada ka horreeya; hal, mid; 1. la-mid: koow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kow
num. one; single, unique (thing); first (item)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kow
un (numéral).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kow
-da: (n) one (wan) ~ hal mid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kow
-da: (magac, dhedig, keli) lambarka uu horeeya ee tirada. Asal tiro ma doorshaha isku dhifashadu waa kow. Dh: hal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kow
de: one; single, unique (thing); first (item) Only used for counting or telling time
lx: kow
pd: (-da)
ps: num-f
xe: Its one o'clock.
xv: koow ~ koob
key: kow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abdo
m.dh Qiimo; aayo; faa'ido; rajo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abdo
m.dh Qiimo; aayo; faa'ido; rajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abdo
f. n., [collective] value, worth; hope; destiny, lot, chance; gain, profit, reward, benefit; importance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abdo
-da: (magac, dhedig, keli) mustaqbalka iyo midhihiisa.
abdo -da: (magac, dhedig, keli) ahmiyadda iyo qiimiga shey leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abdo
de: value, worth; hope; destiny, lot, chance; gain, profit, reward, benefit; importance
lx: abdo
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: abdo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ablo
-da: (magac, dhedig, keli) boogta ama nabarka oo ballaadha ama millila. Dh: hunbuluuluq, millile, hafro.
ablo-da: (magac, dhedig, keli) asalka la mariyo dhiilaha, dhigaha iyo wixii la mid ah. Dhigaha Aamina ablo ayay u baahan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abqo
(Abqa-da)
Quraca iyo maraaga iyo geedaha la mid ah mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira galal dheerdheer oo laba qalbac ah oo kolkay engegaan furma); geydhe; mergiyaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abqo
m.dh.u Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhameel. la-mid: aqbo, qabco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abqo
m.dh.u Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhameel. la-mid: aqbo, qabco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abqo
: fruit of the acacia tree
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ABQO
(Abgo)
S Acacia nilotica (L) Del. Mimosaceae.
May Terminalia brownii Fresen. Combretaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abqo
-da: (magacwadareed) midho kiish yar ku dhex taxan oo ka baxa dhirta qaarkeed sida qudhaca, maraaga iyo galoolka. Abqada ka baxday geedihii ayaa arladii qarisay. Dh: dhaameel, dheemaal, qabco, geydhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abqo
cf: aqab, qurac
de: fruit of the acacia tree
lx: abqo
pd: (/da)
ps: m6-f
key: abqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adow
-ga: (magac, lab, keli) eeg abkow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agow
e.d Hadday u yaraato; xataa. Tusaale: 'Agow ii ahaateenaa!'; 'Agow roob di'i lahaayaa.'
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahow
imperative v., sg. you be ...!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahow
(n) that you [sing.] become or be ~ ahaw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahow
de: you be ...!
lx: ahow
pd: (ahaw)
ps: v5a-imp-sg
xe: Be a good girl!
xv: Gabar fiican ahow!
key: ahow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajow
(fal) eeg ajaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqow
(fal) wax baro oo ogow. Aqow in maskaxda la adeegsado. Dh: garo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arko
v. find, see for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arko
de: find, see for oneself rw: arag
lx: arko
pd: (arkaday)
ps: v3a=
key: arko
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
avow
v.tr., (confess) qaado, qiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awow
m.l la-mid: awoowe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awow
m. n. grandfather
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awow
-ga: (magac, lab, keli) aabbaha labada waalid midkood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awow
a: awoowe
de: grandfather
lx: awow
pd: (-ga)
ps: n6-m, n7-m
syn: abkoow
key: awow
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
blow
(v) (m) to expel air from the mouth.
afuufis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
blow
/bloow/blew, blown; (v) 1. afuufid (hawo siin). e.g. He blew on his tea to make it cool. 2. dabayl-qaadid (biibid); bidid. e.g. He blew the horn loudly.(infl) 3. khasirid (gubid). e.g. He blew $200 playing cards last night.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
blow
/bloow/ (v) 1. afuufow. 2. diifsythow. He blew his nose. 3. buubiyow. Papers were blowing around the corner. (n) 4. dhowow amy ky dhiyow hoog leh. A blow to the chest. 5. nasiib hung (dhib).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
blow
n., (stroke) nabar, -ki; blow with the flat of a sword, ballad, -ki; blow with the fist, tantoomo, -adi, tumujo, -adi; blow with the hand, dharbaax, -adi.
blow, v.i., (to move with a current of air) dabayshi waa dhacaysaa, or dabayl baa ina haysa; blow with the mouth, v.tr., afuuf; blow with bellows, buufi; blow your nose, iska siimi or siinso, or siinka iska tir; (winnow) huf; blow out the lamp, siraadka bakhtii or sebi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
brow
/baraaw/ (n) sunniyaha (timaha indhaha dushooda).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
brow
/braaw/ (n) 1. hithoor. 2. foolky. 3. buurty luuftiye.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
brow
n., kod, -ki; (forehead) food, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ekow
f.mg3 (-kaaday, -kaatay) 1. Xoolo meel ku baahid. 2. Ku e.: meel ku sugnaan. 3. U e.: wax, wax kale muuqaalkiisa leh noqosho. 4. La e.: wax, wax kale la jin ah noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ekow
inch. v. resemble, seem, appear; be limited
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ekow
-ekaaday/ekaatay: (n) copy the actions, appearance or mannerisms of; imitate (im-i-taayt); have the look of ~ isku ekee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ekow
de: resemble, seem, appear; be limited
lx: ekow
pd: (ekaaday)
ps: v3a=inch
key: ekow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aafeysan noqosho (nafley badan).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aafeysan noqosho (nafley badan). m.f.dh., aafoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafow
(fal) aafo iyo ibtilo yeelo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aayow
name-m future, destiny; benefit from
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abbot
/abat/ (n) wadaadka diinta ee madaxda u ah wadaadada kale.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
abbot
/abat/ (n) langky mathyghy ing eh soorooyingky amy widaadethy gaalathy.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abhor
/abhoor/abhors, abhorring, abhorred; (v) karaahiyaysi; necbaysasho. e.g. Mahdi abhors any form of discrimination.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
abhor
/abhoor/ (v) kahathow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abhor
v.tr., ciil u qab, u ciishoo, nac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ablaw
(fal) hafrow oo boogtaa humbuluuluq ha noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aboor
(Aboor-ka)
Cayayaan beelo beelo u dega oo dundumooyinka sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboor
aboor¹: m.dh Waxar ayadoon naaskii hooyadeed ka go'in biyo-cabbid bilowday.
aboor²: m.l Cayayaan yaryar, cawlan, oo leh lix lugood iyo ilka adag oo beel beel u dega, dundumooyinka sameeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aboor
m.l Cayayaan yaryar, cawlan, oo leh lix lugood iyo ilka adag oo beel beel u dega, dundumooyinka sameeya.