abject
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abject
/abjekt/ (adj) 1. xaalad xun oo niyad jab leh. e.g. the abject situation in the Middle East. 2. aan xurmo lahayn (aan xushmad u qalmin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abject
a., baas, alla qabay, -gi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Object
Walax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
object
/objekt/ 1 (n) 1. shay (walax) 2. mafcuul (qofka ama shayga wax lugu sameeyey) 3. ujeeddo (dan).
object: /object/ 2 (v) 1. diidanaan (kasoo horjeedid) 2. u diidid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
vile
(see abject).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
subject
/sabjekt/ (n) 1. mawduuc (n) 2. maaddo (laan waxbarasho) (n) 3. raaciyad (sida dadka raacsan maamul gaar ah) (n) 4. faacil ~ fale, naxwe ahaan (adj) 5. u hoggaansan, hoos yimaada. (v) 6. qaxrid (dhib marsiin) (v) 7. la wareegid (xukumid).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Subject
Mawduuc, Arrin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
subject
n., deris, -ki, nin hoose.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abet
/abet/ (v) dambi ama khalad ku gargaarid ama gacan ku siin. e.g. Do not abet your friend's enemy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abjac
m.l (-cyo, m.dh) A. ah: qof madax adag oo garmaqaate ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abjac
-a: (magac, lab, keli) qof garmaqaate ah oo madax adag.
abjac: (tilmaame) qof madax adag.
abjac-a: (magac, lab, keli) dadka qofka madaxa adag ee aan garqaadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abjed
(Abjed-ka)
Qobtol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abjed
m.l la-mid: abjad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abjed
m. n. camel mat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abjed
-ka: (n) mattress (maatres); especially used to protect the camel's back while loading -qobtol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abjed
-ka: (magac, lab, keli) eeg abjad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abjed
a: abjad
de: camel mat
lx: abjed
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: abjed
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
eject
(v) to throw out forcefully; expel.
ka soo booday
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
eject
/ijekt/ (v) soo-tuurid (xoog u-soo saarid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
objet
objet, n.m. - shay; wax; maado.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abduct
/abdhakt/ abducts, abducting,abducted; (v) afduub (khasab ku kaxaysad ama xoog ku kaxaysasho).e.g. The baby was abducted from his home and held for ransom
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
absent
/absent/ (adj) eleeyi, moqong. Emet is absent from school today.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
absent
absent, adj. - qofka maqan; qofka aan joogin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
absent
a., maqan; be absent, maqnaw; long absent, soon forgotten; nin maqan goor dhow baa la ilow, a long absent man is soon forgotten.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
affect
/affekt/affects, affecting, affected; (v) 1. wax ku saameeya ama ku dareen galiya. e.g. Inflation will affect every one. (v) 2. wax yeelleeya ama cudur ku rida. e.g. Smoking affects your health.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
affect
/affekt/ (v) wal deersiyow, wal weelow. The lack of rain may affect the crops.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
affect
v.tr.; ninka dhimashadiisii calool xumo ayaan ku qabaa, the death of this man gives me pain, or affects me.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aspect
/aaspekt/aspects; (n) 1. muuqaal ama qaab qof ama shay leeyahay. e.g. aspect of the countryside. 2. il ama meel arin laga eego (aragti). e.g. We need to study various aspects of the plan. 3. meel ama jihada dhismo ama daaqadi u sii jeedo (ku jeedo). e.g. He lives in a house with a southern aspect.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
aspect
/aspekt/ (n) 1. hal dhiny, hal jehy amy hal meel. The judge has to consider every aspect of the problem. 2. eeng, qaab. He does not like the aspect of that dress.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aspect
aspect, n.m. - Qaab ama Muuqaal uu qof ama wax leeyahay; fool
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
aspect
n., muuq, -i; at the aspect of his master, he is out of countenance, kolka muuqa saaxibki u arko, yuu baqdaa.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
deject
v.tr., (cast down) ka qulbi, qulubsi; be dejected, wahan, qulub, qulubsanaw.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Inject
Ku dhiijin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
inject
/injekt/ (v) 1. durid (mudud) (irbad ku durid). e.g. He was injected with new drugs. 2. ku siyaadin (ku darid). e.g. A lot of money was injected into health care.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reject
/rijekt/ (v) qaadicid (diidid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
reject
v.tr., ceeri, nac, iska nac, iska tuur.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
objecter
objecter, v. - ka hor jeedid (wax la diido adiga oo sabab cad haysta).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
objectif
objectif, n.m. - ujeeddo leh; hadaf leh; yool leh.
objectif, adj. - run ah; dhab ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abreast
/abrest/ (adj) 1. dad ama wax is dhinac socda. e.g. Two cars were racing abreast. (adj) 2. ka war hayn. e.g. The press kept abreast of each new development.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
abreast
/abreest/ (adv) is baal dereery, is dhiny dereery. We run four abreast.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
absence
/absansi/absences; (n) maqnaansho. e.g. The class was very noisy during the teacher's absence.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
absence
/absens/ (n) moqonaashy
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
absence
absence, n.f. - maqnaasho
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
absence
n., maqnaan, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
adjunct
/aajankti/adjuncts; (n) 1. wax la xirlira ama ku lug leh wax kale oo laga maarmi karo. (n) 2. kalmad ama kalmado jumlad dheeraad ku ah. e.g. This word is an adjunct to the sentence.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ambient
Weegaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeeco
m.dh la-mid: dabci¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeeco
m.dh la-mid: dabci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeeco
-da: (magac, dhedig, keli) dhalan ay dadku ku kala duwan yihiin oo baaxaalliga xidhiidh la leh. Suubban waa gabadh dabeeco fiican. Dh: camal, dabeecad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabjeex
-a: (magac, lab, keli) jiibsashada dabka agtiisa. Dabjeexsiga dharku yaanu kaaga gubanin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
project
/project/ (n) 1. mashruuc (qorshe weyn)(v) 2. muujin (hummaag ama masawir meel ku muujin sida, filinka derbiga lugu muujiyo iwm) (v) 3. qorshe dejin 4. ka soo taagan (ka soo fiiqan) (v) 5. tuurid (ganid).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Project
Mashruuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanjent
m.l 1. (xisaab) Fansaar tirignoometari ee xagal. Tanjentka xagasha + e saddexagal qumman waa saamiga ay sammeeyaan dhererrada dhinaca horjeedaha ah iyo kan deriska la ah xagasha. Qeexdani waxa lagu dabbaqaa xaglaha u dhexeya 0 iyo 90° oo keliya. 2. (xisaab) Guud ahaan, mark a laga hadlaayo kulannada kaartis oo unuygu yahay o, tanjentku waa xagasha u dhexeey-sa dhidibka-x iyo xarriiqda oB oo ay sammeeyaan kulanka-x iyo kulanka-y ee barta B (x,y).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tanjent
m.l 1. (xisaab) Fansaar tirignoometari ee xagal. Tanjentka xagasha + e saddexagal qumman waa saamiga ay sammeeyaan dhererrada dhinaca horjeedaha ah iyo kan deriska la ah xagasha. Qeexdani waxa lagu dabbaqaa xaglaha u dhexeya 0 iyo 90° oo keliya. 2. (xisaab) Guud ahaan, mark a laga hadlaayo kulannada kaartis oo unuygu yahay o, tanjentku waa xagasha u dhexeeysa dhidibka-x iyo xarriiqda oB oo ay sammeeyaan kulanka-x iyo kulanka-y ee barta B (x,y).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
adjective
/aajaktiv/adjectives; (n) sifo; kalmad tilmaamaysa ama wax ka sheegaysa magaca.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
adjective
/aadjaktiv/ (n) eeng, sify (shey maghaaghy wal ku sheeghaw). The suitcase is blue.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
objecteur
objecteur, adj. et n. - qofka wax kasoo horjeeda.
objecteur de conscience - qofka diida in uu tababar militari qaato.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
objection
/objekshan/ (n) diidmo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
objection
objection, n.f. - diidmo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Objective
Walaxeed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
objective
/objektiv/ (adj.) 1. qof arrinta xaqiiqdeeda wax ku salaynaya ee fikradihiisa aan ku dabakhayn (adj) 2. maaddi, wax la taaban karo. (n) 3. falaha ama faacilka naxwe ahaan (n) 4. himilo, qasad, gool.
objective: /objektiv/ (n) hadaf (ulajeeddo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
subjectif
subjectif, adj. - aan si dhab ah u fakarin