abito
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àbito
s.m. labbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bito
(Bita-da)
Ciid aad u fudud oo dabayshu kiciso; aan culays lahayn oo bida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bito
m.dh Ciid jilicsan, buda ah oo ay dabayshu qaaddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bito
f. n., (mass n.): flying dust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bito
-da: (magac, dhedig, keli) ciid khafiif ah dabaylshu kiciso. Bitay dabayshu nagu soo kicisay. Dh: budo, boodh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bito
de: flying dust
lx: bito
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: bito
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àrbitro
s.m. garsoore (ciyaar), aarbito.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abiido
(falkaab) tegtadii la soo dhaafay oo dhan. Abiidaa la soo jiray, uunkeedu taagnaa, itixaan la mari jiray.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abisso
s.m. haadaan, mool.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abitay
-da: (n) kite (kaayt) -aabuteey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abitey
m.dh (-eeyo, m.dh) Warqad qaab shimbireed leh oo inta dun dheer lagu xiro caruurtu hawada ku laliyaan; dawaarad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abitey
m.dh (-eeyo, m.dh) Warqad qaab shimbireed leh oo inta dun dheer lagu xiro caruurtu hawada ku laliyaan; dawaarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abitey
f. n. kite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abitey
-da: (magac, dhedig, keli) warqad ama wax kale oo inta shinbir loo ekaysiiyo ee xadhig dabada lagaga xidho, hawada loo laliyo. Dh: dawaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abitey
de: kite
lx: abitey
pd: (-da)
ps: n2a-f, n7-f
key: abitey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abnimo
-da: (magac, dhedig, keli) dad aabbo keli ah ka soo jeeda; isku ahaanshaha isir keliya. Abnimaan tixgeliyee, abidakay ma daayeen. Dh: tolnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abooto
(Aboota-da)
1. Hooyada hooyadeed ama aabbaha hooyadii; Mocooyo; Ayeeyo.
2. Fil weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abooto
m.dh (-ooyin, m.l) Hooyada hooyadeed ama aabaha hooyadii; ayeeyo, macooyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abooto
m.dh (-ooyin, m.l) Hooyada hooyadeed ama aabaha hooyadii; ayeeyo, macooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abooto
f. n. grandmother; great grandmother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abooto
-abootada: (n) 1. great grandmother. 2. grandmother ~ ayeeyo, macooyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abooto
abooto! (falkaabe) erey hanjabo iyo dagaal ku jiraan oo la macne ah: 'car!' ama 'kuma dhacdid!' Abooto! Bal waa kaase ku dhac inaad i dharbaaxdid. Dh: Car! Wir!
abooto -da: (magac, dhedig, keli) hooyada labada waalid midkood. Dh: mocooyo, ayeeyo.
abooto-da: (magac, dhedig, keli) haweenay aad u filweyn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Aborto
Dilan, dhicin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
aborto
s.m. - dhicin(ta).
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Albino
Midab maqaar shiiqsane
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
albino
/albayno/albinos; (adj) xayawaan ama qof kulligiis wada cad. e.g. an albino bird.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
albino
/albiino/ (n) qof amy hooly korky dhong ku ed amy dhoghortiyo eddy.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ambiyo
f. n., pl. prophets
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ambiyo
name-m prophecy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ambiyo
magaca gabadh dabac fiican iyo qurux isku darsatay oo nebiyadii lala miseeyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ambiyo
bw: Arabic
de: prophets Sg: nebi
lx: ambiyo
pd: (/da)
ps: n8-f-pl
key: ambiyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiro
(fal) cabir saaro; miisaamo; beego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabato
(Dabata-da)
Dad aalaa ku nool ugaar ay dabtaan oo cunaan keliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabato
m.dh.u Dad ugaarsi ku nool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabato
m.dh.u Dad ugaarsi ku nool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabato
f. n., [collective] hunters, people who live by hunting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabato
-dabatada: (n) hunters (hantens); people who make their living by hunting ~ ugaarsato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabato
-da: (magacwadareed) ugaadhsatada duurjoogta. Dh: ugaadhsato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabato
de: hunters, people who live by hunting
lx: dabato
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dabato
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
débito
s.m. - dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabiyo
m.l (jooloji) Carro tuulka ku samaysma webiga labadiisa dacal marka uu fataho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabiyo
m.l (jool.) Carro tuulka ku samaysma webiga labadiisa dacal marka uu fataho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gabiyo
Levee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabiyo
-ha: (magac, lab, keli) carro tuulka ku samaysma webiga labadiisa dacal marka uu fataho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabiso
-jabisada: (n) python (paay-thoori)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabiso
-da: (magic, dhedig, kali) xamaarato sida bayda oo kale ah oo is buuxisa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
marito
s.m. say.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabato
(Qabata-da)
Qalab qaabab badan loo yeelo oo sida manqaska ka samaysan labo birood oo isweydaaranaya laakiin aan wax jarine, waxyaalaha qabashadoodu dhib badan tahay lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabato
m.dh.kh Qalab sida manqaska laba birood oo isweydaar ah ama hal bir oo la isku soo laabay ka samaysan oo waxyaalaha aadka u kulul lagu qabto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabato
m.dh.kh Qalab sida manqaska laba birood oo isweydaar ah ama hal bir oo la isku soo laabay ka samaysan oo waxyaalaha aadka u kulul lagu qabto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabato
f. n. pliers; pincers, tongs
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QABATO
(Gabato) S Ziziphus mucronata Willd. Rhamnaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabato
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qab.
qabato -da: (magac, dhedig, keli) qalab kala waawayn oo loo adeegsado isku dhejinta laba walxood iyo wax ka badan. Qabato ku qabo yaanay labada loox is dhaafine. Dh: mesebed.
qabato -ta: (magac, dhedig, keli) qalab yar oo warqadaha lagu qabto oo biin yar ku dhejisa. Waraaqaha qabato ku dheji. Dh: qardhab, agraafees.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qabato
Qalab-gacmeed labo lugood iyo labo qal oo iskuruug xardhan leh ee loogu isticmaalo wax qabatinka guud, jaridda masaamiirta iyo siligga qarada yar, xajinta, furidda iyo xiridda shayga dhabbannada leh sida qodobbada iyo qabbirrada furidda iyo xiridda sahlan, murxinta birnugaylka duuban, laabidda dacallada birnugaylka iwm.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabato
de: pliers; pincers, tongs
lx: qabato
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qabato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabiro
(fal) awr si qabbir ah u xidho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sabato
s.m. - Sabti.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sùbito
avv. - dhaqso, markiiba.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abituato
agg. u bartay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ambition
/aambishan/ambitions; (n) hammad, hiyi, laab ku hayn; ku fakarid, higsasho. e.g. My ambition is to be a doctor.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ambition
/ambishan/ (n) hemmy, howy, dhamy. My brother's ambition is to become the president of Somalia.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abi
-da: (magac, dhedig, keli) madheerta haweenayda dhashay iyo wixii kale ee weheliya.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bio
pref. - horkabe ku badan ereyo cilmiyeedka, wuxuuna tilmaamaa nolol.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bit
/bit/ (n) 1. in yar (wax aad u yar) 2. birta wax lugu dacayo (fardaha afka looga xiro)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bit
/bit/ (n) 1. wal gnis (eed ing yer). 2. hakamy (birty ferisky afky lyngky hiraw). 3. sheyghy ingky yer oo masqanty kompiyuutarky ky jery.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bit
n., (small piece) in yar; bit of a bridle, xakame, -ihi, xilqaad (see curb).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abdo
m.dh Qiimo; aayo; faa'ido; rajo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abdo
m.dh Qiimo; aayo; faa'ido; rajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abdo
f. n., [collective] value, worth; hope; destiny, lot, chance; gain, profit, reward, benefit; importance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abdo
-da: (magac, dhedig, keli) mustaqbalka iyo midhihiisa.
abdo -da: (magac, dhedig, keli) ahmiyadda iyo qiimiga shey leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abdo
de: value, worth; hope; destiny, lot, chance; gain, profit, reward, benefit; importance
lx: abdo
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: abdo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abet
/abet/ (v) dambi ama khalad ku gargaarid ama gacan ku siin. e.g. Do not abet your friend's enemy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abid
(abid-)
(ama abad, abiid)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abid
m.l.fk la-mid: abad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abid
n.; adv: never
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Abid
jamais.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abid
(adv) [ with possessive pronoun] 1. never (nevar); eternity ~ waligeed. Ex: abidkay ma arag; 1 never saw him. 2. ever (ever); at any time: Ex: abidkaa ma cuntay? have you ever eaten?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abid
(falkaab) erey lagu garto faltanka socdaa in uu soo jiray weligiis. Abidkeed adduunyadu ma arag uunkan oo kale e. Dh: weligiis, waqiis, abiid, abiido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abid
de: never Used with possessive pronouns
lx: abid
pd: (-ka)
ps: n0-m / neg-adv
xe: Arabic
xv: abad
key: abid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ablo
-da: (magac, dhedig, keli) boogta ama nabarka oo ballaadha ama millila. Dh: hunbuluuluq, millile, hafro.
ablo-da: (magac, dhedig, keli) asalka la mariyo dhiilaha, dhigaha iyo wixii la mid ah. Dhigaha Aamina ablo ayay u baahan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abqo
(Abqa-da)
Quraca iyo maraaga iyo geedaha la mid ah mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira galal dheerdheer oo laba qalbac ah oo kolkay engegaan furma); geydhe; mergiyaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abqo
m.dh.u Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhameel. la-mid: aqbo, qabco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abqo
m.dh.u Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhameel. la-mid: aqbo, qabco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abqo
: fruit of the acacia tree
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ABQO
(Abgo)
S Acacia nilotica (L) Del. Mimosaceae.
May Terminalia brownii Fresen. Combretaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abqo
-da: (magacwadareed) midho kiish yar ku dhex taxan oo ka baxa dhirta qaarkeed sida qudhaca, maraaga iyo galoolka. Abqada ka baxday geedihii ayaa arladii qarisay. Dh: dhaameel, dheemaal, qabco, geydhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abqo
cf: aqab, qurac
de: fruit of the acacia tree
lx: abqo
pd: (/da)
ps: m6-f
key: abqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abti
(Abti-ga)
Hooyada walaalkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abti
m.l (-iyo, m.dh /-iyaal, m.l/dh) 1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j. wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan abtiga u ahayey!
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abti
m.l (-iyo, m.dh /-iyaal, m.l/dh) 1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j. wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan abtiga u ahayey!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abti
m. n. maternal uncle, mother's brother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abti
-ga: (n) uncle (ankal); the brother of one's mother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abti
-ga: (magac, lab, keli) hooyo walaalkeed. Will aabbo loo waayey abti looma waayo. Wa: abtiyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abti
cf: aaye ~ aayo, adeer, habaryar
de: maternal uncle, mother's brother
lx: abti
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
key: abti
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
abti
خال
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
alto
agg. - dheer.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
arto
s.m. addin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asto
m.dh la-mid: astaan¹, astaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg astaan.