ereyga

abeesojufaaley

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

abeesojufaaley

DHAN

m.dh la-mid: abeesajilfaaley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

abeesajilfaaley

DHAFAN

m.dh Abeeso aad u weyn oo bakeylaha, sagaarada iyo ugaarta yaryar liqda. la-mid: abeesojufaaley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

abeesalugaley

DHAFANDHAAF

m.dh.u Berribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

abeeso lugaley

DHAFANDHAAF

-da: (n) lizard (li zerd) ~ masacagaley

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Abeeso-lugaley

DHAFANDHAAF
1

(Abeeso-lugaley-da)

2

Jaad halaqa ka mid ah oo qallajisaha waaweyn lagu tirsho oo afar addin iyo dabo dheer iyo harag adag leh; masolugaley, riyannuug.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

abeeso-lugaley

DHAFANDHAAF

f. n., [compound] lizard species

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abeesalugalay

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan bogga ku socda oo jaadadka xamaaratada ka mid ah oo qaarkood waabaayo leeyihiin. Afar addin, dabo dheer iyo harag adag bay leedahay, yaxaaska ayay na u muuqaal egtahay. Halaqyada kale waxa ay kaga duwan tahay neef la maqli karo kolka ay soo dhowaato. Dh: masolugaley, mansacagaley, riyonuug, masocagaley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

abeeso badeed

DHAFANDHAAF

-da: (n) moray (mooray)

waa la naqliyay ✓