abeeso lugaley
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abeeso lugaley
-da: (n) lizard (li zerd) ~ masacagaley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeeso-lugaley
(Abeeso-lugaley-da)
Jaad halaqa ka mid ah oo qallajisaha waaweyn lagu tirsho oo afar addin iyo dabo dheer iyo harag adag leh; masolugaley, riyannuug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abeeso-lugaley
f. n., [compound] lizard species
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abeesalugaley
m.dh.u Berribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abeesalugaley
m.dh.u Berribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaxaas
(Yaxaas-ka)
Bahal webiga ku jira oo abeeso-lugaley weynaatey u eg; haraggiisa waxaa kasoo taagtaagan filgimmo geeso u eg oo waa adayg toxob leh; wuxuu lee yahay dabo dheer iyo madax isaguna dheer oo saddexgees qaabki leh; daaman adag iyo af weyn oo ilko ku sarcan yihiin; dadka iyo duunyadaba waa uu cunaa; (ama jaxaas).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Abeeso; mas. 2. Abeeso-lugaley. la-mid: manso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaxaas
m.l (cilmiga naflayda) Bahal webiga ku jira oo abeeso-lugaley weynaatay u eg; haraggiisa waxaa kasoo taagtaagan filgimmo geeso u eg oo waa adayg toxob leh; wuxuu leeyahay dabo dheer iyo madax isaguna dheer oo saddexgees qaabki leh; daaman adag iyo af weyn oo ilko ku sarcanyihiin; dadka iyo duunyadaba waa uu cunaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaxaas
m.l (cilmiga naflayda) Bahal webiga ku jira oo abeeso-lugaley weynaatay u eg; haraggiisa waxaa kasoo taagtaagan filgimmo geeso u eg oo waa adayg toxob leh; wuxuu leeyahay dabo dheer iyo madax isaguna dheer oo saddexgees qaabki leh; daaman adag iyo af weyn oo ilko ku sarcanyihiin; dadka iyo duunyadaba waa uu cunaa.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Varanus exanthematicus
(I) Varano terrestre;
(E) Savannah Monitor;
(S) ABEESO LUGALEY (S.c.m.: Abēso lugalei); DUKAR DULEEL (Dinsor: Dukar dulèl); RIAṆUUK (S, c.: Rianūk); GANUK (S. c. s.: Ganuk, Garenuk); Katloow, KED LOW (Benadir: Katlow, Ked lò)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeesalugalay
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan bogga ku socda oo jaadadka xamaaratada ka mid ah oo qaarkood waabaayo leeyihiin. Afar addin, dabo dheer iyo harag adag bay leedahay, yaxaaska ayay na u muuqaal egtahay. Halaqyada kale waxa ay kaga duwan tahay neef la maqli karo kolka ay soo dhowaato. Dh: masolugaley, mansacagaley, riyonuug, masocagaley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abeesojufaaley
m.dh la-mid: abeesajilfaaley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abeesajilfaaley
m.dh Abeeso aad u weyn oo bakeylaha, sagaarada iyo ugaarta yaryar liqda. la-mid: abeesojufaaley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abeesajilfaaley
m.dh Abeeso aad u weyn oo bakeylaha, sagaarada iyo ugaarta yaryar liqda. la-mid: abeesojufaaley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masalugaley
m.dh la-mid: masacagaley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masalugaley
f. n. monitor lizard
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masalugaley
-da: (n) lizard (lizerd) ~ abeesolugaley, masacagaley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masalugaley
-da: (magac,dhedig, keli) eeg maansacagaley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masalugaley
a: masalugooley
de: monitor lizard
lx: masalugaley
pd: (-da)
ps: n-f
see: masacagaley
key: masalugaley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mansalugaley
m.dh la-mid: masacagaley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mansalugaley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maansacagaley.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abeeso badeed
-da: (n) moray (mooray)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansalugaley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maansacagaley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayeeyo-lugdheer
(Ayeeyo-lugdheer-ta)
Xasharaad jaadad badan ah oo dheer oo dhuuban; waxay leedahay labo addin oo hore oo madaxa u dhow, oo waaweyn, oo qodxo leh iyo afar kaloo lugood, oo dhuudhuuban iyo baalal, midabkeeduna waa cagaar; ~ abooto-idabbadis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayeeyo-lugdheer
f. n., [compound] praying mantis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayeeyo-lugdheer
-ta: (n) mantis (maan tas); a predatory insect ~ abooto-idabadis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayeeyolugadheer
m.dh.u la-mid: ayeeyolugdheer.