abboowaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abboowaysi
-ga: (magac, lab, keli) beerlaxawsi wiil la walaalaysanayo. Abboowaysigu waa asluub wacan. Dh: aaddaysi, huunnaysi, boowaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraysi
m.l la-mid: booraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg booraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaayaysi
-ga: (magac, lab, keli) beerlaxawsiga gabadh la walaalaysanayo. Dh: aaddaysi, walaalaysi, huunnaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaboodaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax ama sabab dhufays ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habboonayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxamboolaysi
m.l la-mid: taxambaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid ama wax la garabsado oo gargaar laga dhigto. Is aawaysiga ayaa horumar laagu gaadhaa. Dh: taageersi, kaalmaysi gargaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abboowe
(Abboowa-ha)
Erey walaal ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama isjeceli, isugu yeeraan (ama boowe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abboowe
m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Waxa wiil u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama is jeceli isugu yeeraan. 3. Wiil waxa uu u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. la-mid: abboow, boowe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abboowe
m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Waxa wiil u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. 2. Erey 'walaal' ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama is jeceli isugu yeeraan. 3. Wiil waxa uu u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. la-mid: abboow, boowe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abboowe
m. n. brother; elder brother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abboowe
-abboowaha: (n) 1. brother (baraather) ~ boowe, walaal. 2. dear (diyar); the boy or man that is greatly loved ~ gacaliye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abboowe
-ha: (magac, lab, keli) erey huunno la macno ah oo wiilka loogu yeedho. Dadka isla dhashay, kuwa ehelka ah iyo inta isjecel ayaa iskugu yeedha. Abboowe macaane, inteed iga aadday. Dh: aaddo, gacalliye, walaal, walaale, huunno. Wa: abbooweyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abboowe
a: boowe
de: brother; elder brother Also polite form of address to any male person
lx: abboowe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: walaal
key: abboowe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodays
-ka: (magac, lab, keli) dhar aad u maydhid. Boodayska dharkaa gaari lagu arkoon jireye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootays
m.l la-mid: bootayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaansi
m.l la-mid: abbaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaansi
-ga: (magac, lab, keli) qof kale wakiil ka yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoomays
-ka: (magac, lab, keli) eeg agoomayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorayso
f.mg3 (-stay, -satay) (dii.) Biyo la'aan awgeed xubnaha laga weyso qaato qaar ka mid ah (wejiga iyo gacmaha) ciid nadiif ah marin si cibaado loo guto; tayamum.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boorayso
f.mg3 (-stay, -satay) (dii.) Biyo la'aan awgeed xubnaha laga weyso qaato qaar ka mid ah (wejiga iyo gacmaha) ciid nadiif ah marin si cibaado loo guto; tayamum. m.f.dh, booraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boorayso
v.auto: perform the Muslim ablutions before prayer with sand, when there is no water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorayso
(fal) eeg boodhayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boorayso
de: perform the Muslim ablutions before prayer with sand, when there is no water
lx: boorayso
pd: (booraysaday)
ps: v3a=auto
key: boorayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cabbaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyaysi
-ga: (magac, lab, keli) qaab raggu u fadhiisto oo inta uu go'iisa dhabarka soo mariyo labada dacal ee go'ana jilibihiisa ku soo gunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbaysi
(Kabbaysi-ga)
Kabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaysi
m.l la-mid: kabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) caano labo qof midba mar cantuugayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolaysi
-ga: (magac, lab, keli) timaha madaxa iska wada xiirid. Dh: moolaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooraysi
m.l la-mid: mooraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodaysi
-ga: (magac, lab, keli) hab reer guuraagu ceelasha uga wada cabbaan oo ah in goloba maalin ku soo aroorto maalin ama labana ka qatanaato. Shaqada qoodaysi ayaan ku qabanayna Dh: kaltamid, kaayaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysi
m.l la-mid: rabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg rabbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toogaysi
(Toogaysi-ga)
Kaltan; moogtan; jilaysi; meertaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toogaysi
m.l la-mid: toogaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toogaysi
-ga: (n) shift or period of duty or participation; tour (tuur); rotating shift (shift) ~ kaltan, moogaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogaysi
-ga: (magac, lab, keli) kaltan, qaab wax dadka ka dhexeeya kolba qofuu u qaato iyadoo la wadaagayo. Dh: moogtan, jilaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogaysi
-ga: (magac, lab, keli) xoog yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolaysi
(Xoolaysi-ga)
Xoolaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysi
m.l la-mid: xoolaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo yeelasho: maal dhaqasho. Dh: xoolaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysi
m.l la-mid: abaaraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonayso
v., sg., neg., present progressive: you do not know / she does not recognize
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoonayso
a: oqooneyso
de: you do not know / she does not recognize
lx: aqoonayso
pd: (aqooneyso)
ps: v4d-2sg/3f-neg-prpg
xe: If you see the house, you wouldnt recognize it.
xv: Guriga haddaad aragto, maad aqooneyso.
key: aqoonayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awoodayso
(fal) itaal iyo amar yeelo.
awoodayso: (fal) itaal iyo amar yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaysi
-ga: (magac, lab, keli) boodhaysad ku weysaqaadasho. Dh: gabogabaysi, booraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobolaysi
m.l 1. Xiriir kalgacayl oo ka dhexeeya dad isku gobol ah. 2. la-mid: gobolaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gobolaysi
m.l 1. Xiriir kalgacayl oo ka dhexeeya dad isku gobol ah. 2. la-mid: gobolaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gobolaysi
m. n., [abstract] regionalism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gobolaysi
-ga: (n) loyalty to the interests of a particular region; regionalism (riijanaliisim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobolaysi
-ga: (magac, lab, keli) gobol u eexasho; cid si gaar ah ugu danayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gobolaysi
de: regionalism
lx: gobolaysi
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: gobolaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonay
(fal) si habboon ka dhig; wanaaji; si wacan oo wanaagsan ka dhig. Dh: hagaaji, wanaaji, haboonay. Li: xumee, xumay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonayn
-ta: (magac, dhedig keli) si habboon ka dhigid; wanaajin. Dh: habboonays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroomaysi
m.l la-mid: qaroomaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomaysi
-ga: (magac, lab, keli) rogrogid iyo farsamo wax lagu furdaamiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: cusboonee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusboonaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) eeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonaysii
(fal) wax cusub ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabboojayaal
-sha: (magacwadareed) labo xiddigood oo waaweyn oo cirka dhinaciisa koonfureed ku soo baxa. Xiddigaha dabboojayaasha waxaa lagu yaqaan koonfur. Dh: dabbooje.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangoollaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hangallaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maantoolaysi
m.l la-mid: maantoolaysasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
accomodarsi
v.rifl. dhowaansho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
addolorarsi
v.rifl. - ka xumaansho, ka xanuunsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibloomaasi
m. n. diplomat
dibloomaasi m. n., [abstract] diplomacy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibloomaasi
-ga: (n) diplomat (diplomaat); politician (polatishin) ~ siyaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabaysi
-ga: (magac, lab, keli) ciid ku waysaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabraaraysi
-ga: (magac, lab, keli) soo ugaadhsi oo dabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddooyeysi
m.l la-mid: maddooyeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonaysiin
m.dh la-mid: cusboonayn.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CUSBOONAYSIIN
Rinnovo
Renewal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habboonaansho
m.l/dh la-mid: habboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonaansho
-ha: (magac, lab, keli) si habboon ahaansho; wanaagsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaqublaysi
m.l la-mid: kabbaqableysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabushaysi
-ga: (magac, lab, keli) «u ~» eeg tabaabushaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxamboolayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: taxambayso.