abbasso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abbasso
avv. - ha dhaco! hoos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid abbaan u noqosho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaanso
(fal) qof ku metela wakiil ka yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbasho
(Babbasha-da)
Maryaha iyo wixii la mid ah oo dabayshu ruxayso, dhaqdhaqaaqooda; dhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbasho
m.f.dh eeg babbo. la-mid: babbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babbasho
vl. n. act of fluttering in the wind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
babbasho
-babbashada: (n) the act of waving or fluttering; flap (falaap) Ex: babbashada calanka; the flap of the flag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbasho
-da: (magac, dhedig, keli) maro iyo wax la mid ah oo dabayshu ruxayso, kolba dhinac u walhasho. Babbashada calankaan meel dheer ka soo aragnay. Dh: walhasho, lulmasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
babbasho
de: act of fluttering in the wind
lx: babbasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: babbasho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbayso
v. load (gun)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbayso
(fal) wax mug leh, buuxso, wax ku gur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbayso
de: load (gun)
lx: cabbayso
pd: (cabbaystay)
ps: v3b=
key: cabbayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbasho
(Gabbasha-da)
Nabar laysku soo tuuray oo lagu kaco si uusan wax ugu dhicin: ka leexasho; gaashaan ama qalab kale ku balfin; iska gaabin; kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbasho
m.f.dh eeg gabbo. la-mid: gabbad¹, gabbood, gambad, gambasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbasho
vl. n. act of dodging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabbasho
- gabbashada: (n) the act of dodging; dodge (dhaaj); duck (dhak) ~ dhakasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbasho
-da: (magac, dhedig, keli) badheedh la'aan; dhuumasho kooban. Dh: waabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbasho
de: act of dodging
lx: gabbasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gabbasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gabbasho
تَجَنُّب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbasho
(Kabbasha-da)
(caano, kd.) kabbo afka ku qaadasho oo liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbasho
m.f.dh eeg kabbo².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabbasho
-kabbashada: (n) the act of sipping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbasho
-da: (magac, dhedig, keli) caano iyo wixii la mid ah, kabbo oo afka ku qaadasho oo ligid.
kabbasho -da: (magac, dhedig, keli) mar qudha afka gelin. Dh: cantuugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbayso
f.g3 (-stay, -satay) Dareere kabbo kabbo u cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabbayso
v.auto: sip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbayso
(fal) caano, kolba in yar kabbo.
kabbayso: (fal) hadba kabbo oo afka ku qaado oo liq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabbayso
de: sip
lx: kabbayso
nt: kabbaysad (ka) [vn-m], kabbaysasho (/da) [vn-f], kabbaysi (ga) [vn-m]
pd: (kabbaystay)
ps: v3b=auto
key: kabbayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbayso
(fal) wax qarso. Lacagta qabbayso. Dh: khabbayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Ubad si habboon u barbaarsasho. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabbayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Ubad si habboon u barbaarsasho. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigasho. m.f.dh, rabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaso
-da: (magac, dhedig, keli) godob raagtay iyo utun hore. Abaso horuu qabay ninka dacwoonayay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
basso
agg. - hoose, gaaban.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abbess
/abis/abbesses (n) naagta soorooyinka kaniisadda madaxda u ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abisso
s.m. haadaan, mool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: abaarayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarso
(fal) abaari ha ku hesho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abbaaro
m. n., loc. (adj.): proximity, vicinity; about, approximately
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abbaaro
-abbaaraha: (adv) about (a bowt); approximately; nearly: Ex: abbaaraha wuu tagay; he is almost there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaaro
-ha: (magac, lab, keli) qiyaas ahaan; xilli lagu qiyaasi karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abbaaro
de: proximity, vicinity; [atr.] about, approximately
lx: abbaaro
pd: (/ha)
ps: n0-m-loc
key: abbaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaato
m.dh.fk Hor iyo a.: fal la sameeyo inta aan ujeeddo la lahaa lagu dhaqaaqin. Tusaale: “Inta aynaan badda aadin hor iyo abbaato aan shaah cabno”.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaato
(falkaabe) 'hor iyo abbaato', erey hadalka lagu billaabo oo ka dhigan, 'marka hore'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaayo
m.dh la-mid: abbaaye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abbaayo
f. n. sister
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abbaayo
(n) see [eeg] abbaaye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaayo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg abbaay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abbaayo
de: sister
lx: abbaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: walaal
key: abbaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambasho
m.f.dh eeg ambo². la-mid: ambad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ambad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbasho
(Anbasha-da)
Jid ama meel ka habaabid; dhumid; lumid; anbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anbasho
vl. n. misdirection, getting lost
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anbasho
-anbashada: (n) the act or an instance of wandering; to go astray ~ ambasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbasho
-da: (magac, dhedig, keli) fakasho iyo jidkii ka lumid. Dh: anbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anbasho
bw: ambo
de: misdirection, getting lost
lx: anbasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: lumid
key: anbasho
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abbassare
v.tr. - hoos u dhigid, dejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaadso
f.g3 (-saday, -satay) ka g.: wax gabbaad ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabbaadso
f.g3 (-saday, -satay) ka g.: wax gabbaad ka dhigasho. m.f.dh, gabbaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaadso
(fal) gabbaad ka yeelo ama ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbaanso
f.g3 (-saday, -satay) Cid qabbaan ka dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabbaanso
v. make use of someone's services, make a servant of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbaanso
(fal) adeegso. Wiilkaa qabbaanso intaad shaqaale helayso.
qabbaanso: (fal) qaraaba ahaan u raadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabbaanso
de: make use of s.o.'s services, make a servant of
lx: qabbaanso
nt: qabbaansad (ka) [vn-m], qabbaansasho (/da) [vn-f], qabbaansi (ga) [vn-m]
pd: (qabbaansaday)
ps: v3a=
key: qabbaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbayso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: shaabbadayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaansi
m.l la-mid: abbaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaansi
-ga: (magac, lab, keli) qof kale wakiil ka yeelasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abrasion
Dhul rif
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
abrasion
(n) an area of body surface where skin is removed through some mechanical process.
jeexis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abrasion
/abreyshan/abrasions; (n) 1. meel gofka jirkiisa diirku ka qaadmay. e.g. There was an abrasion on his thigh. (n) 2. xoqnaan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abrasion
n., (the act of rubbing off) xoqniin, -ti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaba'so
(fal) wax aan jirin ka dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbadso
(fal) biirbiirso oo in badan qaadqaado. Li: yaryarayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybayso
f.g3 (-saday, -satay) Waalid sasabasho (carruur).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cabbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsasho
(Cabsasha-da)
Cabsiyi gelid; biqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsasho
m.f.dh eeg cabso. la-mid: cabsad, cabsi, cabsood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsasho
vl. n. fear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsasho
-cabsashada: (n) fright (faraayt); dread, terror or fear cabsi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabsasho
Timore
Fearsome
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareenka welwel wehesho oo mustaqbalka dhow halis laga cabsanayo. Dh: baqasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsasho
de: fear
lx: cabsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: cabsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabasho
(Daabasha-da)
1. Daab la qabto u yeelasho.
2. Caano cusub oo danbar leh dhamid oo ku bukood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabasho
m.f.dh eeg daabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabasho
-da: (magac, dhedig, keli) gudin iyo wixii la mid ah, daab u samaysasho.
daabasho -da: (magac, dhedig, keli) ilmo caano dambar ah ku shubmid. Maqasha dhalatay daabashada dambarkaa u keenay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaalo
f.mg3 (-aashay, -aalatay) la-mid: dabaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabbaalo
f.mg3 (-aashay, -aalatay) la-mid: dabaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaalo
(fal) biyaha dhexdooda dhexmar adigoon waxba saarnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabrasho
m.f.dh eeg dabro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabrasho
-da: (magac, dhedig, keli) neef, lugaha ka xidhasho oo inuu socsocdo u diidid. Qof walba dabrashada neefkiisa isagaa ka masuulah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalbasho
(Dalbasha-da)
1. (cayaarsiis, kd.) wax farid; amar siin.
2. (turub) isubaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalbasho
m.f.dh eeg dalbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalbasho
vl. n. order, subscription (to a magazine, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalbasho
-dalbashada: (n) the act of ordering or requesting ~ codsasho
dalbasho -dalbashada: (n) application (ap-likeey-shin). Ex: warqadaha dalbashada; the application forms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalbasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax codsasho.
dalbasho -da: (magac, dhedig, keli) turub isugu baaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalbasho
de: order, subscription (to a magazine, etc.)
lx: dalbasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dalbasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarso
f.mg3 (-saday, -satay) Neef dhalay dambar ka maalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarso
(fal) maal neef hadda dhalay oo danbar leh. Dh: danbarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarso
(fal) neef markaa uun dhalay maal. Kaalay hasha ila danbarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbasho
m.f.dh eeg darbo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbasho
-da: (magac, dhedig, keli) riddada ama tuurista waranka. Darbashaa lagu dilay bogorkii reer jaan. Dh: tuurista.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbasho
(Dibbasha-da)
1. Soo hoyasho la'aan: dibad ku dhixid.
2. (dayax) soo bixid la'aan; dibbad ahaansho; (ama dubbasho).