ereyga

abbaayguddow

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abbaayguddow

DHAN

-da: (magac, dhedig. keli) cayayaan jiriqaaqa iyo ayaxa la bah ahooleh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheer yihiin. Dh: gabro, ayeeyolugdheer, mocooyolugdheer, aboota'idabadis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

abbaayguddoy

DHAFAN

m.dh (-ooyin, m.l) Cayayaan jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheeryihiin. la-mid: ayeeyolugdheer; abooto-idabbadis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

abbaayguddoy

DHAFAN

m.dh (-ooyin, m.l) Cayayaan jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheeryihiin. la-mid: ayeeyo-lugdheer; abooto-idabbadis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abbaayguddoy

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) eeg abbaayguddow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

abaalgud_1

DHAFANDHAAF
1

de: return a favor, repay a kindness

2

hm: 1

3

lx: abaalgud

4

pd: (abaalguday)

5

ps: v1=cmp

6

syn: amalqud; Opp: abaaldhac

7

key: abaalgud_1

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

abaalgud_2

DHAFANDHAAF
1

de: recompense, reward, bonus

2

hm: 2

3

lx: abaalgud

4

pd: (-ka)

5

ps: vn2-m-cmp

6

key: abaalgud_2

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Abaalgudid

DHAFANDHAAF
1

(Abaalgudid-da)

2

Abaalmarin; abaalcelin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

abaalgudid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg abaalgud². la-mid: abaalgud¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abaalgudid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) samafal iyo abaal hore laguugu galay celintii. Abaalgudiddu waa karaamayn iyo sharfin. Dh: abaalmarin, abaalcelin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abaalgudis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cid wanaag samaysay, same ugu gudid.

waa la naqliyay ✓

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Abbaarxumo

DHAFANDHAAF

Shiishxumo, seegmo, hannaanxumo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

abbaarqaado

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-aatay, -aadatay) Ka a.: meel jahadeeda meel kale uga tilmaan qaadasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abbaarqaado

DHAFANDHAAF
1

(fal) (ka ~) meel ka dhaqaaq adiga oo mid kale u socda.

2

abbaarqaado: (fal) meesha aad u socoto garo oo ha kuu caddaato.

waa la naqliyay ✓