abaydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaydin
(Abaydin-ta)
1. Carruur, caanaha ay hooyada ka nuugaan, ka gooyn.
2. Caano aan kuwa hooyo ahayn (oo xoolaad) carruur siin oo ku korin.
3. Carruurta lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaydin
m.l/dh.kh A. ah: ilmo yar oo naaska hooyo aan nuugin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaydin
m. n. child abandoned by his mother; baby that has been weaned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaydin
-ka: (n) a young mammal that has been abandoned by it's mother; weaned (wiinid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaydin
-ka: (magac, lab, keli) ilmo caananuug ah; carruurta cunista hadda uun baranaysa.
abaydin -ka: (magac, lab, keli) ilma caananuug ah naaska ka gudhin; naas ka deyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaydin
de: child abandoned by his mother; baby that has been weaned
lx: abaydin
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m; n1-f
key: abaydin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaydi
v. wean
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaydi
-yey -say: (n) wean (wiin); accustom [the young camel] to take nourishment other than by suckling ~ naas ka goyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaydi
de: wean
lx: abaydi
pd: (abaydiyey)
ps: v2a=
key: abaydi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baydin
m.f.dh eeg baydi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baydin
vl. pron. you [plural.],
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef la heeryay- nayo bayda ku xidhid. Cayminta iyo baydintaba wiilku wuu karaa.
baydin-ta: (magac, dhedig, keli) badhaadhayn oo hodan ka dhigid. Ilaahaybaa baydin la waydiisataa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baydin
a: ayeydin
de: you [plural] + [FOCUS] = baa + aydin
lx: baydin
pd: (beydin)
ps: focus + vpro
key: baydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadin
m.f.dh eeg abaadi. la-mid: abaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) goofinta wax jiray iyo baabi'intiisa. Abaadinta beerta, anaa kugu dhaafay. Dh: goofin, baabi'in.
abaadin -ta: (magac, dhedig, keli) waarinta wax jira iyo raajintiisa. Abaadinta uunka, Allaa iska diiday.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naas kagurin
-ta: (n) weaning (wiin ing) ~ abaydin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sindheer
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmaha yari marka uu abaydinkana dhaafo balse weli aanu qaangaadh noqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaydimin
m.f.dh eeg abaydimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaydimin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo aan weli cunnada baran, naaska ka gudhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaydimi
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo yar abaydin ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaydimi
v. wean
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaydimi
(fal) ilmo aan labo sano gaadhin, naaskii hooyadii ka gudhi oo caano kale sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaydimi
de: wean
lx: abaydimi
pd: (abaydimiyey)
ps: v2a=tr
key: abaydimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabaadin
(Cabaadin-ta) (ka cabaadin)
Cabaad ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaadin
m.f.dh eeg cabaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» cabaad ka keenid. Dh: cabaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylin
-ta: (magac, dhedig, keli) laydha u dhigid oo neecawin si uu u engego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaydin
question word, vl. pron. what ... you [plural.]?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaydin
de: what ... you [plural]? = maxaa + baydin
lx: maxaydin
pd: (maxeydin)
ps: qw + vpro
key: maxaydin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaydin
vl. pron. what you [plural.] ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaydin
de: what you [plural] ... [CLEFT FOCUS] = waxa + aydin
initial: w
lx: waxaydin
pd: (waxeydin)
ps: focus + vpro
key: waxaydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadin
m.dh la-mid: aaddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abyin
m.l (-nno, m.dh) (xisaab) Habka lagu raadiyo abyanku huban ama aan hubanayn. Abyintu waa weydaarka xigsinaynta. Tusaale ahaan, haddii f(x) ay tahay fansaarka ee x oo marka la diiro ku siisa f(x), markaa F(x) waxa la yiraahdaa abyin ama lidka diirane ee f(x).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abyin
m.l (-nno, m.dh) (xisaab) Habka lagu raadiyo abyanku huban ama aan hubanayn. Abyintu waa weydaarka xigsinaynta. Tusaale ahaan, haddii f(x) ay tahay fansaarka ee x oo marka la diiro ku siisa f(x), markaa F(x) waxa la yiraahdaa abyin ama lidka diirane ee f(x).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abyin
Integration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abyin
-ka: (magac, lab, keli) erey xisaabta loo adeegsado oo tilmaamaya habka lagu raadiyo abyanka ka huban iyo ka aan hubannayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aydin
Idinku.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aydin
mu.dhm.y Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee wadarta ah (lala hadlayaasha ama wax loo qorayaasha). la-mid: aa², aad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aydin
m..dhm.y Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee wadarta ah (lala hadlayaasha ama wax loo qorayaasha). la-mid: aad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aydin
vl. pron., pl. you all
aydin class-pro, pl. may you ... [plural.]
aydin vl. pron., neg. you ... not
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aydin
(tilmaame) neef geel ah oo aad u naaxsan. Aydin geel oodi ma celiso.
aydin -ta: (magac, dhedig, keli) nabar; wareento; wareen; oof. Aydin baan maanta dareemayaa.
aydin-ta: (magac, dhedig, keli) midabka geela ee u dhexeeya casaanka iyo caddaanka. Hana ordina e' xaajada sidii aydinta u raaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badin
m.f.dh la-mid: badiyid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Badin
Aumento
Increase
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax intiisii hore laga kordhiyo. Badinta xoolaha, cid walba way jeceshahay. Dh: kordhin. Li: yarayn.
badin -ta: (magac, dhedig, keli) tartan iyo loollan ku guulaysashadiisa; guusha oo kaa raacda goob tartan. Dh: qaadid, guul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baydi
f.g2 (-iyay, -isay) Neef la rarayo bayd ku xirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydi
-da: (magac, dhedig, keli) badhaadhe iyo khayraad. Baqar lo' ah banaaxiga gu'gii baydi iyo raaxo. Dh: barwaaqo, hanti, hodan, badhaadhe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddin
m.f.dh eeg aaddi. la-mid: aadin, aadsiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aaddin
Mapping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) qof amat wax, mid kale oo u dhigma ku toosin.
aaddin -ta: (magac, dhedig, keli) (isku ~) wax kala daadsan isku habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Baadi goobisteed raajin. 2. (f.mg) Ku a.: wax xaalad gaar ah ku raajin. la-mid: abaadsii.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abaadi
name-m longevity; long life
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abaadi
magac loo baxsho wiil cimridherer ama nolol wanaagsan oo raagta loo rajaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadi
(fal) baabi'i oo dhammee. Ka abaadi buu yidhi, aduunyada dhammaanteed, reer Aare oo idil. Dh: idlee.
abaadi: (fal) raaji oo waari. Abaadi naftaada, haddaad Alle diidday. Dh: waari, daa'imi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ababin
m.f.dh eeg ababi. la-mid: abaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef yar daaqbaristiisa. Dadku way ku kala fiican yihiin ababinta maqasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abadan
m.l.fk Eray lagu muujiyo diidmo adag. la-mid: abad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abadan
m.l.fk Erey lagu muujiyo diidmo adag. Tusaale: Abadan, yeeli maayo warkaas. la-mid: abad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abadan
: not at all, by no means
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abadan
(adv) never (ne ver); not ever; on no occasion; at no time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abadan
(falkaabe) erey lagu cabbiro diidmada qayaxan iyo dafiraadda. Dh: abid, abad, abadan, abiido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abadan
bw: Arabic
de: not at all, by no means
lx: abadan
pd: (-ka)
ps: neg-expr
key: abadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqdin
(Baqdin-ta)
Wax waxyeelladood laga yaabo, waxa aragtidooda ama maqalkoodu nafleyda ku dhaliyaan; naxdin; cabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqdin
m.dh Dareen geesinnimo la'aaneed oo xasillooni darro iyo welwel leh oo ku dhasha nafleyda marka ay dareento inay nafteeda halis ku jirto; cabsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqdin
vl. n. fear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqdin
-ta: (n) a condition or sensation of fear; alarm; fright (faraayt); cowardice (kaawa dis); timidity (timiditi) ~ cabsasho, fulaynimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqdin
-ta: (magac, dhedig, keli) cabsi la dareemo marka aad didsantahay. Baqdinta badan jooji balaayo kuma hayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqdin
de: fear
lx: baqdin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: baqdin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxdin
vl. n. growth, act of growing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxdin
de: growth, act of growing
lx: baxdin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: baxdin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydan
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo inay noqoto mid deggan oo toosan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylin
m.f.dh eeg bayli. la-mid: baylis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo heer karis gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayrin
m.f.dh eeg bayri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayrin
-ta: (magac, dhedig, keli) weecin; leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baytin
(Baytin-ta)
1. Baadi iyo wax lumay war ku saabsan soo ogaansho, dabadeedna sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baytin
m.f.dh eeg bayti. la-mid: baytis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baytin
vl. n. information about a lost thing ~ animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baytin
-ta: (magac, dhedig, keli) baadi ama wax lumay soo ogaanshaha halka uu jiro, dabadeed na sheegid. Dh: yaboohin.
baytin -ta: (magac, dhedig, keli) gabay qof ama dhowr afmaal ay ka qaybqaataan oo meel fagaare ah laga soo jeediyo. Dh: bayting.
baytin-ta: (magac, dhedig, keli) gabay lo'da weli ku jirta xeradeeda lagu ammaano, looguna duceeyo. Dadka hiddahaa aqoonta u leh waxay aamminsan yihiin in lo'du dhegaysato oo ay jeclaysato ka dibna caano badan laga helo. Dh: bayting.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baytin
de: information about a lost thing or animal
lx: baytin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: baytin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beydin
vl. pron. you [plural.],
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beydin
a: ayeydin
de: you [plural] + [FOCUS] = baa + aydin
lx: beydin
pd: (baydin)
ps: focus + vpro
key: beydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaydin
(Kaydin-ta)
(cunno, lacag, kd.) kayd ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydin
m.f.dh eeg kaydi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaydin
vl. n. storage, storing; preservation; economy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaydin
-ta: (n) storing (istooring); stockpiling (istaakpaayling) ~ kaydsi -ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax, kayd ka dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaydin
de: storage, storing; preservation; economy Alt sp: keydin
lx: kaydin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kaydin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laydin
pron., pro: someone ... you all
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laydin
(pronoun) you all— laydiin. Ex: yaan laydinka maqlin! you (all) shouldn't tell anybody!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laydin
de: someone ... you all = la + idin
lx: laydin
ps: pro + pro
key: laydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaydin
m.dh Ul dhuuban oo geela lagu ilaaliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaydin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaar.
qaydin -ta: (magac, dhedig, keli) calaamad lagu garto u yeelid. Qaydintu way fiican tahay si alaabaha loo kala garto. Dh: caalamadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waydin
class, vl. pron. you all are ...
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Waydin
vous (pluriel, + verbe).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waydin
de: you all are ... = waa + aydin
initial: w
lx: waydin
pd: (weydin)
ps: class + vpro
key: waydin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaydin
question word, vl. pron. who / whom ... you? [plural.]
yaydin: pron., neg., opt. form: may you not
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabin
m.dh la-mid: ababin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama ilmo yar, sida wax loo cuno, barid. Dh: ababin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaadid
(Abaadid-da)
(ku abaadid) ku daa'imid, ku waarid, ku ahaansho.