abashuqlay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqlay
(fal) 'hal' guux iyo abur sii daa, adoo doobtii soo ridi waayay. Dh: aburshuqlay.
abashuqlay: (fal) 'awr' dhareeri adiga oo muujinaya astaamaha abasaxa. Dh: aburshuqlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) abur cad afka keenid ama astaanta abasaxa muujin. Dh: abashuqleyn, aburshuqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqleyn
m.f.dh eeg abashuqlee. la-mid: aburshuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abashuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aburshuqlay
(fal) qoyaan xumbo ah keen ama samee. Dh: shuuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqle
m.l Guux iyo abur uu afka ka keeno awr doobbo soo ridi waayey. la-mid: aburshuqle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqle
-ha: (magac, lab, keli) abur cad afka ka sii deyn. Dh: aburshuqle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Abashuqle samayn (awr). la-mid: aburshuqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqlee
(fal) eeg abashuqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aburshuqlayn
m.dh la-mid: abashuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aburshuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qoyaan iyo xunbo keenid. Kani waa awr aburshuqlayn badan Dh: aburshuqlays, shuuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aburshuqlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aburshuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaqlay
(fal) kolba wax jilicsan, ha kaa soo dhaco. badhaqlayn -ta: (magac, dhedig, keli) kolba wax jilicsan, soo ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labasuunllay
-da: (magacwadareed) noolaha inta wadaagta labo suul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aburshuqlee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) la-mid: abashuqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aburshuqlee
(fal) eeg aburshuqlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaqalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhex socodka biyo ama meel dhooqo leh, ama si qaabdaran wax la raqayo. Bashaqlaynta libaaxaan hurdaydii kaga booday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuqlan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la shuqliyey ahaansho. la-mid: shuqloon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuqlan
der. [adjective] busy, occupied
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqlan
-ta: (tilmaame) shaqo haya oo mashquulsan. Dh: hawlan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuqlan
de: busy, occupied rw: shuqul
initial: s
lx: shuqlan
pd: (shuqlanaa)
ps: adj-der
key: shuqlan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abasguul
name-m see-off the water caravan. Lit: he who is born when the water caravan starts its journey to the well during the night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abasguul
magac loo baxsho wiil dhashey xilli uu dadku socdaal biyadhaamis iyo aroor habeenaad u baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) (botani) Nooc dhirta ka mid ah, oo jirriddooda, caleemahooda iyo jidhahoodaba dheecaan ka buuxo. B.uhu waa dhir aad u jilicsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bashaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) (botani) Nooc dhirta ka mid ah, oo jirriddooda, caleemahooda iyo jidhahoodaba dheecaan ka buuxo. B.uhu waa dhir aad u jilicsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaqle
-ha: (magac, lab, keli) eeg bashaqaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlay
(fal) socod aan kala go' lahayn samee. Dh: habaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaqay
(fal) dhibaato iyo mixnad ku rid. Aabbahaagii ku dhalay mashay ha is odhan. Dh: kadeed, dhib, lur. Li: raaxee.
mashaqay: (fal) nimco iyo barwaaqo mashquulisa ku rid. Dadka lacag ku mashagay. Dh: maashee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la abaabulay ahaansho (hawl).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaabulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la abaabulay ahaansho (hawl). m.f.dh, abaabulnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabulan
(tilmaame) wax si wanaagsan loo qabanqaabiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaahiqab
m.l la-mid: buudhqab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaqlee
(fal) biyo dhex batalaqso ama si qaab daran wax u calali. Biyaha soo dhex bashaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqlay
(fal) biyo, meel cidhiidhi ah ka soo bood oo coday. Dh: buqdho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaabushay
(v) organize (oor ge naayz) ~ isuku dubbarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aburshuqle
m.l la-mid: abashuqle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhooqlay
-da: (magic, dhedig, keli) wax cutubyo maydhax ah leh oo la jilciyay. Kebed badhooqlay ah ayaa daaha caruuska laga laalaadiyay. badhqi: (fal) ciyaar ama hadal socda dhexda kaga dhac oo carshacarshee. Dh: dhabqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashuuqsad
m.l la-mid: bashuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashuuqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax dhacaan badan leh bashuuqsashadii. Dh: barfuuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labasuunlley
-da: (magacwadareed) eeg labasuullay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabashaalow
-ga: (magac, lab, keli) qofka cabashada badan leh. Dh: cabashaale.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
qabasho lid
ordinary grip
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabulayn
m.f.dh eeg tabaabulee. la-mid: tabaabulo, tabaabulshayn, tabaabu-lyayn, tabaabulyo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tabaabulayn
Impostazione
Setting out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tabaabushayn; tabaabulyayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wada-hadlay
wadahadleen: (v) discuss (dis-kas)-, have a discussion; talk over; communicate (kom-yuni-keeyt)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadashaqayn
-ta: (n) cooperation (kowapa-reey-shiri)-, collaboration (ko-laa-ba-reey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeesalugalay
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan bogga ku socda oo jaadadka xamaaratada ka mid ah oo qaarkood waabaayo leeyihiin. Afar addin, dabo dheer iyo harag adag bay leedahay, yaxaaska ayay na u muuqaal egtahay. Halaqyada kale waxa ay kaga duwan tahay neef la maqli karo kolka ay soo dhowaato. Dh: masolugaley, mansacagaley, riyonuug, masocagaley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhadhaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jilicsan oo meel si ciriiri ah uga soo baxaya shanqadha uu sameeyo oo is dabajoog ah. Badhadhaqlayn badanaa ma danbar geel buu dhamay! Dh: badhbadhlayn, baqbaqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhuglay
(fal) cid kale u hanjab si aad u cabsigeliso.
faataadhuglay: (fal) kibir iyo isqaadqaad samee; wax aanad ahayn iska yeelyeel.